Saturday 5 September 2009

ASKAR MARAYKAN AH OO XABSI DAAIM LAGU XKUMAY KA DIB MARKII AY KUFSI IYO DIL KA GAYSTEEN CIRAAQ

ASKAR MARAYKAN AH OO XABSI DAAIM LAGU XKUMAY KA DIB MARKII AY KUFSI IYO DIL KA GAYSTEEN CIRAAQ

Mid ka mid ah askarta Maraykanka ee ka hawlgalay dalka Ciraaq ayaa lagu xukumay xabsi ah madaxaagu haku furto kadib markii lagu helay denbiyo culues oo uu haklaas ka geystey.

Steven Dale Green ayaa bishii Maarso sanadkii 2006 waxa uu kufsi u geystey Abir Janabi oo 14 jir ah kadib waxa uu horteeda ku dilay Hooyadeed iyo Aabaheed iyo walaasheed yar oo 6 sano jir ah, falkan arxandarada ah ayaa ka dhacay Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Image and video hosting by TinyPic
Steven Dale Green, Sawirka AP
Green ayaa lagu eedeeyay in uu watay shan askeri oo fuliyey falka lagu xasuuqay dhamaan qoyskii Abir Janabi.

Labo ka mid ah askarta uu watay Green ayaa kufsaday Abir Janabi oo 14 jir ahayd halka Mr.Green uu dilaayey qoyska intiisi kale, kadib waxa uu naftiisu kufsadey gabadha yar intaanu xabad ku dilin iyadana. kadib waxay qabadsiiyeen gurigii oo dhan dab.

Sadex ka mid ah askartii fulisey falka wuxuushnimada ah ayaa la soo taagey maxkmad dagaal waxaana lagu xukumay xabsi’daain, halka midkii afaraad lagu xukumay 27 bilood oo xabsi ah.

Green oo ahaa madaxa shanta askeri ee denbigan loo haysto waxaa isaga la soo taagey maxkamad rayid ah kadib markii uu ciidanka isaga baxay, intaan la ogaan falkiisi arxandarada ahaa. maxkmad la soo taagey ayaa la sheegay in ay ka dhacdey Gobolka Kentucky ee bariga dalka Maraykanka.

No comments:

Post a Comment