Friday 4 September 2009

WAR DEG DEG AH: SHIL-GAADHI OO AY KU GEERIYOOTAY WARIYE NUURA MAXAMED CALI

WAR DEG DEG AH: SHIL-GAADHI OO AY KU GEERIYOOTAY WARIYE NUURA MAXAMED CALI



WAR DEG DEG AH: SHIL-GAADHI OO AY KU GEERIYOOTAY WARIYE NUURA MAXAMED CALI

War Deg Deg ah: Shil-Gaadhi Oo Ay Ku Geeriyootay Weriye Nuura Max’ed Cali Oo Ka Mid Ahayd Waryatv.Com


Degmada Sheekh (Waryatv.com), Wer deg deg ah, alle ha naxariistee waxaa shil baabuur goor dhawayd ku geeriyootay Weriye Nuura Max’ed Cali (Nura Happy), shilkaasi gaadhi oo ka dhacay nawaaxiga xarunta Telcom ee Degmada sheekh, kedib markii ay gaadhi nooca xamuulka qaadi is galeen gaadhigi ay saarnay Marxuumad Nuura Max’ed.

Dhamaan shaqaalaha Waryatv, Saraarnews, Goljano waxay halkan tacsi uga dirayaan qosykii iyo qaraabadii ay ka baxday Weriye Nura Max’ed Cali (Nuura Happy).


Taariikh Koobaan

Alle ha naxariistee nuura Max’ed cali waxay ka mid ahayd dhalin yarada magaalada burco ee horumarka gobolka iyo dalkaba aad ka u jeclaa.

Nuuri waxay ahayd rabi naxariistii jano ha ka waraabiye shaqsiyad aad ugu heelan baraarujinta dhaqanka iyo suugaanta, waxaanay ka mid ahayd aas-aasayaashi naadiga akhristayaasha ee hal-karaan readers-Club ee magaalada Burco.

Nuuri waxay wax barashadeedii dugsiga hoose dhexe ku soo qaatay magaalada Burco, halka ay waxbarashadeedii dugsiga sarena ku soo qaatay magaalada hargiesa gaar ahaan iskuulka sare ee Nuuradiin.

Weriye Nuura Maxa’ed Cali waxay jaamacada magaalada Burco ee Burao University ka waday qaybta Business-ka wakhti xaadirkan.

Nuuri Alle ha u naxariistee waxay ka mid ahayd shaqaalihii Haa’ayada CCS ee magaalada Burco, waxaanay ahayd shaqaalaha joogtada ah ee Haa’ayadaasi.

Sidoo Kale Weriye Nuura Max’ed Cali waxay ka mid ahayd Weriyayaasha iidacada Maqalka iyo muuqalka ah ee Waryatv.com, waxaana lagu xasuusan doonoo barnaamijyo badan oo ugu jira qolka kaydka ee idaacada Waryatv.


Taariikhda Weriye Nuura Max’ed Cali (Nuura Happy) iyada oo dhamays tiran ayaanu idiin soo gudbin doonaa akhristayaal.

Xafiiska wararka ee Waryatv
Reported by
Ibraahim Abdirahman Qaasim
Qaasim
ibrahimqasim@waryatv.com

No comments:

Post a Comment