Friday 4 September 2009

LIBAAX NIN AAN AQOON BAA LAX KALA HADHA!!

LIBAAX NIN AAN AQOON BAA LAX KALA HADHA!!

LIBAAX NIN AAN AQOON BAA LAX KALA HADHA!!

Sheekh ku sheega shaadirka diinta ku indha shareeran ee isku maga-caaba in uu u madax yahay kooxda AL-SHAYAADIIN, kuna anda-cooda waxa nala yidhaahaa AL-SHABAAB, loona yaqaan INA CABDI GODANE, ama ha isugu yeedho al-subayr ama al-fatuude baa wuxu war-baahinta xamar siiyey warar sheegaaya inuu uu SOMALILAND gacan wax kaga qaban doono, isaga oo ku saba-beeyey waxay xidhiidh la lee-dahay ITOOBIYA,MARAYKAN iyo gaalo kale, umada reer SOMALILAND-na ku diraaya maamul-kooda, hadaba waxan u sheegayaa INA CABDI GODANE, in uu ku xisaab-tamay riyo iyo dhalan-teed aan jirin, malaha wuxu is yidhi halkani waa xamar iyo kuwo aan aqoon, malaha wuxu ilaaway in halkani (waa somalilande) tahay halkii nin kasta oo wax is biday, kibray, xoog sheegtay lagu kibri jebiyey, malaha wuu ilaaway AF-WEYNE oo haystay ciidanka 4raad ee ugu xoogan afrika, madaxiisii mijo loo celiyey, oo isaga oo cagaagan, cidhbaha safani dilaacisay, oo xaydh uu mariyo-na la waayey, uu jilbaha
isaga oo ku gurguura-naaya, labada ruugba murxeen uu goor aan habeen iyo maalin wakhti lagu tilmaamo cidina aanay hayn ama xusba-dayn karin uu isaga oo beerka ku soconaaya uu tukube miciin-saday, oo isagoo kab lulaaya midna laalaa-dinaaya uu xamaarad-kii ku galay KIINIYA, ugana sii luuday meel ay ku noosha-hay gafuur culusta loo yaqaan NAAJEERIYA, dabeed markii uu bisaaska qabqab-saday ay kaga haaday LAYGOOS markii ay si xun u kaarisay.

Kan soo bu'ayaana miyaanu is ogayn in uu la taag yahay BALAN-BAALIS oo la afuufaayo siddii saxarka, waxa la yidhi inan uuray-satay galmo hore bay ka nabad gashaye, kas xumidiisa weli ma wuxu is lee-yahay mar kale baad ka badbaadi inta aad qas dhigto, GEELOOW soco, soco oo marka aad ciin daaqdo baa laguu yaabaa baa la yidhi, waxa uu kadab-kaa go'ay dib marka aad isku daydid in aad u soo laabto, halkani maha muqdisho, ee waad ka dheregsan tahay cida joogtaa in ay birta kaa aslayso oo aanad SAKAARO la qiima ahayn, halkii ay kaaga dhamayd naftu ee ay ajashaadu taalay baad qoobka soo geli-naysaa ma is tidhi, xoog bay kuu shiday-saaye, waad xisaab xumysatay ( miss calculated) oo awooda aad lee-dahay maaha mid loogu hanjabo SOMALILAND, si wacan baad uga war haysaa dhiigya-cabyada ku nool, aan weli wax ay ka jibo keenaan mooyee aan la arag wax ka reeya, waa halkii ciidan-kaad taqaanay lagu leefay siddii buracd dhalaalay, si aad ula socota-ba waxa ka xoog
weynaa oo qudha koonfur afrika, masar iyo naajeeriya oo keli ah, kuwaa-sina iyaka oo caawi-naya baa uu casar ka shiraaqday iyaka oo dayday-gii uu dirays-ka u soo xidhay ay kabaha qaniinsan yihiin, waa tii dhab loo arkay AL-LE ha unaxariisto'e murtiddii QAASIM ee ahayd:-

Hida dhalad wixii aan ahayn, waa lagaa hiriye,
hargaysaay anaa kaa hurdee, laguma haysteene,
halaq iyo abees kuma gameen, hadhac-yadaaddiiye
habla-haaga may guursa-deen, haybti garan-waaye,

Hadaba dhabtii markii lagu hurgufay, ee ay timi yaa maali-jirayeey, waa kuwii halaqii iyo abeeskii dhabarka jeediyey, ee siddii habaqle u kala halaabay, colka wahdka ma lagu deyey bay ilayn ku sinaayeen, maanta-na mid u eeg baad la soo dhiti-naysaa adiga iyo afarta shaadirka xidhani ee ku daba hoonbi-nayaa, SOMALILAND cid is hor taagi kartaa ma jirto, ama ay haybad ka doonaysaa, idinka iyo qayr-kiina JAB IYO HOOG BAA U SUGNAADAY, waa halkii TIMA-CADE'E ILAAH raali haka ahaadee uu lahaa tixddii uu u tirinaayey axmaarada 1864kii ee ahayd:-

Haday-daan dhabacan ways naqaan, dhiifta diri-reede,
dhudhu-mada hadaanaan ka jabin dhuubab-kiyo lawga,
dhinac-yada hadaa-naan ka tumin, dhagax duugoobay,
raggii dhiira-naan jiray hubkii, galabta loo dhiibye,

Iyada oo ay tahay cayn-kaas haddii aad isi soo KANFAYSO waa laguu hayaa DHOOLIGII IYO NAXASHKII oo waa kuu diyaar, haddiise aad weli nafta sii yara rabtid in aad mudo ku booli-xoof-tayso, halkaas aad joogto ka botori oo ka warwa-reeg SOMALILAND shaki kama joogo in aad mur iyo deebaaq ka liqi doontide, yaan been laguu sheegin, waxa la yidhi:- geedkii ka magoola meel gebiya-ba, malagu geela waa ku madhin jiray, ee mawd-kaygi dhunkaal ma muudsaday, waa digniin hor lehe ha noqon, shimbirtii derbi cad oo la nuura-deeyey minqaarka ( afka) ku dhufatay ee dabeed uu burburay afkii oo silic iyo saxariir markii ay wax ku cuni kari wayday gaajo baalkii uga rifmay, dabeed-na uu jinac duulaan iyo qudhaanjo u soo galeen fayl is daba baqoolaaya, aakhir-kiina ku idlaatay markii qudhaanjo-ba qurub la kacday.waxan ku gunaa-naday maqaalkan ina cabdi goda-noow ha ku dambayn kaa mawd-kiisii dhun-kaasha u qudhqu-dhiyey dabeed ay ka haguugtay.

* N.B Qunyar socde qodaxi ma mudo ( maad noqon).
abdi-shotaly,

No comments:

Post a Comment