Friday 4 September 2009

DOQON MAALINTEED IYO GEESI MALAFO BARTAY WAY ISKU MIYIRDIIMAAN

DOQON MAALINTEED IYO GEESI MALAFO BARTAY WAY ISKU MIYIRDIIMAAN

Ramdan kariim dhamaan bolsho weynta reer Somaliland meel kasta ay joogaan

Marka xiga ilaahaybaa mahad oo dhan u sugnaatay isagaa casaa wajalee,

Waxan qormadan ku taataaban doonaa waxa ku ka lifay madaxweyne riyaale inuu ku adkaysto qaladkiisa ah inay doorasho sharci darii dalka ka dhacdo?Se ma yahay riyaale nin waxan uu ku hadlo ay maskaxdiisu curisay mise waa yaaba madaxweynaha waa la daba fadhiyaa??

Inta aanan u gondo dagin inaan ka jawaabo labadaaa su’aalood waxan doonayaa inaad ila dareentaan gardarada iyo dulmiga uu riyaale umada ku hayo sida uuna u dareensanayn uuguna fiiro iyo finiig leeyahay afcaasha xaq u dirirkaa isagoo waa aragtidiisee yaalaa ku sifeeya sharci daro ha ugu danbeeyaan labaadii mudaharaad ee dhawaan ka dhacay hargaysee ku waas uu riyaale ku tilmaamay sharci daro, se waxa uuna dhaadanay riyaale inuu asagu dalka iyo dadkaba doonayo inuu uugu taliyo sharci daro kuna joogo sharci daro,

Hadii aan u soo noqdo su’aalaha kor ku xusan horta maaha riyaale nin wax curin kara sababta uu ugu adkaysanayo doorashada bila diiwaangalintana waxa cindigiisa ku jirta waa wada kaliya aad ku sii haysan karto dalka ileen damacu waa cajiibe ha ahaado mid kugu jira ama mid la galinayee ,waa sidaas sida ay riyaale maxkadiisu tustay in uu sidaas ku sii joogi karo is qab-qabsi dabadii .

Takale ee meesha taal ayaa ah ayaduna inaan aragtidayda oo riyaale ahayn nin sidaas u fikiri kara ama khido caynkaas oo kale curinkara milaa dadkaa odhandoona ninkani wuxu u soo tafo xaytay xaqiraad xaasha allaan ka magan galay inaan qof bini aadana duudsiyo ee hadii uu sidaas aan ku sifaynayo uuna ahayn riyaale maxay uuga muuqan wayday, waan la daba fadhiyaa ninkaas asagaa oo rag aan u danaynay dalka iyo dadkaba oo tooda gaarka ah uun eeganaya ayaa daba fadhiya uuna iska garan la’ayahay se waxan hubaa inay xero saarayaan oo ay meelna geenayn side daraadeed riyaale waxan odhan lahaa yuuna magac xumo ku raacin.

Talo ku wajahan madaxweynaha iyo inta daba fadhidaba:

Ø Madaxweynaha waxan kula talin lahaa ka muwaadin inaanu masuuliyada uuna maryaha kala bixin

Ø Inuu fiiriyo uu ixtiraamo dadkii sida fiican u doortay uuna fiirin dantiisa shakhsigaa

Ø Inuu iska garto dalaalinta ku hoos jirta ee waxay mirqaanka ku arkaan u wax runa uga dhigaya

Ø Inuu ilaahay kaga baqdo dadka iyo dalkaba

Ø Inuu fiiriyo dhibaatada ka dhalan karto siyaasada uu ku socdo

Axmed caydiid cismaan muxumed

Khartoum/sudan

Tel:+249928120580/+24912518773

No comments:

Post a Comment