Monday 7 September 2009

XAABSADE OO SHIR JARAADI OO UU MAANTA QABTAY KU SHEEGAY IN AANAY NATIIJADII KU GALAYN DOORASHO

XAABSADE OO SHIR JARAADI OO UU MAANTA QABTAY KU SHEEGAY IN AANAY NATIIJADII KU GALAYN DOORASHO

Image and video hosting by TinyPic
Axmed Cabdi Xaabsade oo ah Oday siyaasi ah kana mida raga inta badan kusoojiraysiyaasadii Somaliya ilaa iyo maantana wali utafa xaydan iyo odayaal kale oo kasoo jeeda Beelaha JHarti ee Somaliland ayaa sheegay inaanay qabalayn inay Doorashada kaga qaybgalaan natiijadii kasoo baxday Diiwaabn-gelintii laqabtay dhawaan ee muranku wali ka taaganyahay.
Image and video hosting by TinyPic
Sidaana waxay ku sheegeen shirjaraa’id oo ay maanta qaarkamida siyaasiyiin iyo Oday dhaqameedyo matalayey codka Beelahaasi Hotelka Emperial ee magaalada Hargeysa.
Image and video hosting by TinyPic
shirkaasi jaraa’id masuuliyiintaasi waxay kaga hadleen arimo dhawra sida aan soo sheegnay inaanay dadkaa ay matalaan Doorashada kaga qaygalayn natiijadii kasoo baxday Diiwaan-gelintii dalka ka dhacday iyo qodobo kale oo cabasho isaga badnaa oo ay maamulka ku dhaliilayeen inaanay waxba kasiin qaybtii ay ku lahaayeen Somaliland tii hore iyo tan midina.
Image and video hosting by TinyPic
Waxaana ugu horeyn shirkaasi ka hadlay Axmed Cabdi Xaabsade waxanu yidhi “Maanta shirkayagan jaraa’id waxaanu kaga hadli doonaa arimo kala duwan waxaanse ku horeynayaa hadii aanu nahay Beelaha Harti ee Somaliland inaanaan marnaba ka qaybgali doonin Doorashada iyadoo la raacayo natiijadii kasoo baxday Server-ka,beeluhu waligood way ku dulmanaayeen Dastuurka Somaliland dhibaataduna waxa weeyey ku dhaqan la’aanta xeerarkii dalka oo aan cidina ka shaqaysiinayn”



Oday Xaabsade waxa uu sheegay inay ka maid ahaayeen Beelaha Harti kuwii dhisay Somaliland islamarkaana kasoo qayb qaatay geedi socodkii jidka loogu banayey madax banaanida Somaliland,balse waxa uu ku cawday odaygu inaan Beelahaasi wax u qalma iyo sidii ay doonayeen toona aanay ka helin Somaliland.



Isaga oo arimahaa ka waramayana waxa uu yidhi “dadka iyaga oo aan qoryo wadan baanu keenaye hanagu qasbiba inaanu ku noqono anaga oo qoryo wadana”Oday Xaabsade waxa saxaafada u qaybiyey qoraal dheer oo ay ku qoraayeen dad gaadhayey ilaa 30 xubnood oo ay kujiraan mudanayaasha Beelahaasi kagajira labada Gole ee Baarlamaana iyo Guurtida balse madashaasi waxaa joogay oo kaliya dad aad u yar.



Waxaa iyana halkaasi ka hadlay xubno kale oo uu kamid ahaa Mudane Maxamed Wali oo kamida Xubnaha Reer Laascaanood ee kujira Golaha Guurtida waxaanu yidhi “aniga oo ku hadlaya codka Odayadan iyo inkale oo badan islamarkaana ah mudanahoodii waxaan ku raacsanahay wixii ay ka hadleen”

Sidoo kale waxaa halkasi ka hadlay xubno dhawr ah kuligoodna waxay isku raaceen oo ay ka damaba mareen hadalkii Xaabsade taas oo ay sheegeen in ay ka beel ahaan arintaa ku taageersan yihiiin


Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment