Monday 7 September 2009

WAALIDA (HAWD)

WAALIDA (HAWD)

Waalida “Hawd”

WQ: Abdillahi Muse

Hargeisa, Somaliland



“Ninka Alle iyo Diintiisa Ku Gafow, Cadaaba Kuu danbaysa if iyo Aakhiro”



“Cilmaaniyada caynka xun, waa hubaal inay dhimanayso”





Ninba waxa uu hadlaa garaadkiisa, maqaalka fulayda fikirka ee uu qoray Ibrahim Ahmed waxa uu ka dhigan-yahay aflagaado loo gaystay diinta Suuban ee Islaamka. Shakhsiyaadka indho-ku-garaadlayashaa afcaashooda waxa uga danbeeya guul-daro, ciil iyo qoomamo “tolow maxaa kugu watay”. Cilmaaniyadu waa nidaam ku dhisan garaadka bani-aadamka iyo garashadiisa, waxa ay hana-qaaday markii dadkii reer yurub ay u adkaysan waayeen khuraafaadka diinta kiristanka, markii laga adkaadayna waxa lagu ooday kaniisada iyo meelo yar-yar oo kale. Dadka Muslimiintu xiligan waxa ay ka soo tooseen hurdadii dheerayd ay galeen labadii qarni ee tagay waxaana dunida oo dhan ka socda dhaqdhaqaaqyo sida duufaanta cimilada siyaasadeed ee dunida u bedelay – intaasina ha iga ahaato horudhac.



Madaxweynihii hore ee dalka faransiiska Mr. Chirac iyo dhakhtarkiisa oo reer Jazaa’ir ah ayaa galab kuwada shaahaynayey guriga looga taliyo dalkaas faransiiska. Dhakhtarkii reer Jazaa’ir ayaa waxa uu su’aalay madaxweynaha “maxay idiin dhibaysaa gabadha xijaabata ama dhar asturan xidhata” markiiba waxa soo jeestay dareenkii Mr. Chirac oo si aad moodo inuu jawaabtu u diyaartahay ku jawaabay “Saaxiib waad ogtahay sida xad-dhaafka ay diintiinu u fidayso, kontonka sano ee soo socda dalkana inaad kiristanka aad kaga badanaysaan waad ogtahay– markaa dhawaqan iyo cabaadkani waa nafka bixii cilmaaniyada” – hadaba iyada oo masuulkaas sare uu sirtaas sheegay, welibana cadeeyey inaanay iska caabin Karin Islaamka fiditaankiisa iyo soo noqoshadiisa maxaa Mr. Hawdow aad ugu qarwaysaa cilmaaniyad sii dhimanaysa, taasina waxa inoo cadaysay inaad shakhsi ahaan iyo caqiido ahaanba aad liidato, saadaashaduna haddii aadan ka noqon hadalada hadaaqa inaad ku dambayn doonto sidaa Ayaan Xirsi iyo Salmaan Alrushti, I qariyaaye waa hubaal wallow aad ka ganbatay inaad warka cadayso hadana wax-badan oo indha-garaad-lanimo ka muuqata waad qortay.



Diinta Islaamku waa dhagaxowday ee ma ka saarna dhagaxa waa qayb ka mida qoraalka waalida xambaarsan ee uu Mr. Hawd qoray – waxaana taasi cadaynaysaa in Mr. Hawd aanu aqoon durugsan u lahayn diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed balse uu ku lumay birbiraqa yurub iyo Ameerika. Dameeri dhaan raacday waa lagaaga fiican yahay ayaan qabaa. Intii aan akhrinayey maqaalkiisa waxa iiga soo dhex baxday shakhsiyada Mr. Hawd inaanay waxba dhaamin ta Ayaan Xirsi wallow uu carabka ka dhooray in badan hadana waxba lama hadhin fulaynimadiisa, waxaana uu isku dayey inuu meel walba oo lagaga soo jawaab celin karo uu mooso, taasna run ahaantii waa uu ku guuldaraystay 100% waana fulaynimo xad dhaafa waxa uu sameeyey.



Haddii aan in yar ka hadlo taariikhda Islaamka waxa iska cad in Islaamku dunida u horseeday 90% horumarka aasaasiga. Waxa uu dunida ku soo kordhiyey xeerka qoyska, cilmiga beeraha oo Islaamku in badan qarniyadii dhexe uu horumariyey waxyaalaha uu dunida ku soo kordhiyey waxaa kamida in dhirta canbaha iyo bariiska oo laga keenay India inuu ku abuuray ciraaq iyo masar, in uu soo saaray nidaamka waraabinta dhirta (irrigation system) oo warabin kara dhul lagu qiyaasay 80KM iyo soo saaristii warshadaha sonkorta sameeya, dharka tola iyo nidaamyada casriga ee beeraha sida (Crop rotation, commercial planting) iyo kuwa kale oo badan oonan halkan ku soo koobi karin. Dhinaca suuqyada maaliyada marka aynu eegno Islaamku waxa uu aasaasay bangiyadii ugu horeeyey, suuqa saamiyada lagu kala iibsado (stock exchange) iyo kaadhka xisaabta bangiga (Credit Cards), Maamulka maaliyada dawlada ( Monetry Control and Circulation) iyo waxyaalo kale oo badan oon xagan ku soo koobi Karin sida Kacaanka Sayniska uu Islaamku sameeyey oon maqaalkan aan ku soo koobi Karin – waxyaalaha cajiibka een ilaa imika reer galbeedka aan u suurtoobin waxa ka mida Perfect Free Market oo ah suuqa xorta in ilaa maanta lagu guuldarastay in dunida laga unko xaga Islaamku sameeyey kun sano ka hor oo alaabta Shiinaha laga keeno ay bilaa cashuur madiina ku soo geli jirtay.



Islaamku waxa uu aasaasay bulsho aan faqri lahayn wakhtigii Omar Ibn Abdi Aziz taasna uu ilaa imika Mareykanku aanu gaadhin. Islaamku waxa uu seexday 1850 -1991 sababtuna ay ahayn in la waayey cid dunida kula tartanta 900 oo sano; weligeedna soomay marin dad dunida mudadaa xukumo.



Haddii aan u soo noqdo maqaalka Mr. Hawd ee waalida cas xanbaarsanaa. Waxa uu qoray in carabtu diinta dadka kale ay ku badawsato arrintaasna waa been waxba kama jiraana weligayna maan arag, ta labaadna carabtu waxay muslimiinta ka tahay 15% oo waxay sheegaysaaba iska yar. Ku darso in la turjumana oo qolo walbana ay afkeeda ku qorato ayuu raacshay waxaanan taas u arkaa inay tahay caqli xumada Hawd waayo waxa uu raba inuu diinta Islaamka marsiiyo jidkii ay Kiristanku mareen, arrintaas uu sheegayna waaba fulaynimo inaanu wax cusub sheegin ee uu wixii reer yurub ku hadaaqi jireen uu soo minguuriyo taasna waa doqonimo kugu weynaatayn hawdow.



Waxyaalaha kale ee uu qoray waxa ka mida inuu aayado quraana aflagaadeeyey sheegayna inay diinta Islaamku tahay wax dadka nolosha lagaga xidhxidhay sidaa darteedna laysu dhiibo ninka cad iyo waxa uu wato – waaba su’aal, xagana waxa ka cad inuu hawd isu dhiibay ninka cad rabana dadka inuu ka dhaadhiciyo wuxuu sameeyey in la sameeyo. Akhristayaal Eeban idinku dhaarshe ma waxaynu isu dhiibna bulsho wanaaga u aragta inay ragu is qaniisan dumarkuna is-fareeyaan, Ubadka yar-yarna la fara xumeeyo, ragu isu bedeshaan dumarkooda ay qabaan sidii dhar la kala qaatay oo midba habeen saaxiibkii xaaskiisa la soo seexda, Ma waxaynu isu dhiibna bulsho wadaaadkoodu yahay (Gay Bishop) oo mic-naheedu yahay baadari laga-roone ah, khamriga iyo qoob ka ciyaarkana caado u tahay. Waxaan odhan lahaa hadaad is-dhiibtay kuwaa waxba madhaantid ee nagala tag waalida cas eed dhaqan-gaaladka ku faafinayso, dhalinyaradana hanaga fasaahidin.



Sanadii 2008 ayaan mar arkay buug uu malmaluuqay oo la yidhaa Aanadii Nageeye, waxa watay saaxiibkay oo hadiyad loogu keenay, waxaan ka codsaday inuu uu dhiibo balse waa ii diiday o waxa uu ii sheegay inay ka buuxan waxyaabo badan oo dhaqan xumo isba inaanu wada akhriyin ee uu meel isaga tuuri doono ayuu igu war-geliyey, waan se ka aqbalay laakiinse mudo danbe ayaan buugii helay waxaana ku sameeyey screening (dul-marid) waxaana iiga soo baxay hadalo edeb-daro wax la-yaablehna iguma noqon maqaalkiisan liita ee Fulayda Fikirka.



Waxyaalaha kale ee uu hawd ka hadlay waxa ka mida waxa uu ku tilmaamay fulayda fikirka guud ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo dad aan waxba ahayn ayuu malaystay inay yihiin, waanu is-mahadiyey sidii inuu wax-welba uu garanayo, 100% qoraalkiisana waxa ka buuxay fikrado cilmaaniyiintii hore ay soo jeediyeen wax uu maskaxdiisana ka keenay aanay ahayn, haddii aadan fikirkaaga aanad qori Karin wax cusub aad hindisi Karin fulayga dhabta waa adiga ee cid kale farta ha ku godin. Diinta Islaamku oo sideeda loogu dhaqmaa laysuna xukumo waa tan gaalo dhan ay ka xajiimoonayso waayo waxa ay ogyihiin in magaalo kamida dunida Islaamka haddii sanad diinta lagu xukumo inay saddex sano gudaheed ay ku qabsan karaan kun magaalo, xaqana gaadhsiin doonaan xumahana reebi doonaan sida waxyaalaha hawd u arko horumarka oy kamid yihiin fanaanimada, dhilaysiga iyo qoob ka ciyaarka.



Nimanka hogaamiye dawladaha cilmaaniga uguna horeeye Madaxweyne Obama iyo maamulada cilmaaniga waxay garwaaqsadeen in muslimiinta aan dagaaal lagu jebin Karin kadib jabka ka socda Ciraaq iyo Afqaanistaan markii la arkey, waxa uu Obama dunida Islaamka u qiray hadalkiisi Qaahira in wixii horena uu ka raali gelinayo umad welibana ay waxa ay rabto isu maamusho sida tii rabta kitaabka Islaamka inay isu maamusho, waxa kale uu sheegay in dunida Islaamku adduunka u horseeday culuumta sayniska iyo suugaanta abaal weyna ay reer galbeedku u hayaan, hadaba kii aan Islaamka aaminsaneen ayaa sidaa u garwaaqsan xooga iyo aqoonta dunida Islaamka ee adiga Hawdow maxa ku waalay, Isku dayasho maxay dad lumisay ayaa hore loo yidhi – waxaana u arkaa maqaalkaaga mid maalin la nool ah ama laguu soo dhiibtay.



Waxa intaa sii dheer, in Mr. Hawd sheegay in reer galbeed cida dantooda ka hor timaada ay la dagaalamaan, hadaba dantoodu haday dhulkooda ku egtahay dee nin welba gurigiisu iska joogi lahaa laakiin haddii dantoodu noqotay inay dhulka nagu qabsadan, ooy kaniisado ka dhisaan sida kuwa ay Muqdisho ka dhiseen ee la baaba’shay iyo hablaha ay dhaqan xumo ku duraan – raga cadaalad waayey inay is-qarxiyaan iska dhaafe waxay awoodaan ayay kugu sameynayaan.



Dhaqanka La duminayaa waa kelmad hawd ku cel-celiyey in badan sheegayna inay horumarka iyo casriyeynta hor istaagtay ooy ku noqotay caqabad. Waa wax uu iska qoray ayaan aaminsanahay waayo erayga casriyeynta “modernization” maaha mid laysku waafaqay oo caalami ah, marka hore eraygan waxa isticmaala culimada dhaqaalaha baratay waanay diideen in buugta dhaqaalaha ay ku qoraan erayga waayo casriyeyntu ma sida yurub noqaa, ma sida mareykanku yahay noqaa, mise sida shiinuhu yahay baa waana laysku khilaafay waxaana laysla qaatay in la isticmaalo erayada ah less developed nations oo macno ahaan ah wadamada aan horumarin, developing countries ahna micneheedu wadamada kobcaya xaga dhaqaalaha iyo ta u danbaysa oo ah developed countries oo ah wadamada horumaray – akhriste intaa ka bacdi waxaad garan kartaa aqoon darada Hawd ama Ayaan Xirsida ninka meesha ay taagan tahay inaanu garanayn kelmadaha uu isticmaalayo, waana nasiib daro in erayada qofku qorayo aanu garanayn waxa ay yihiin aqoon durugsana aanu u lahayn, taasina waxa cadaynaysaa fulayga dhabta ay aqoon daradu u weheliso inuu yahay Mr. Hawd.



Haddii uu kaa lumo fure, si aad u hesho waxa aad dib u eegtaa wadadii aad soo martay iyo goobihii aad ku soo nasatay oo dhan, caqliga bani-aadamka ee saliimka waaka ku siinaya in talaabooyinkaas la qaado, waxa ay Ayaan Xirsida ninka sheegtay in aan horumar lagu gaadhi karin nebiga iyo asxaabta oo sunadoodi la raaco waana arrin caqliga saliimka diidayo hadalkaas doqonimadu ka muuqato, umada Islaamku waxa ay ku raad joogaysa dadkii wanaagsanaa ee ka horeeyey meeshii ay mareen. Sanad welba waxa yurub iyo mareykan laga xusaa dadkoodii ugu taariikhda fiicna sida Albert Einstein iyo Adam Smith sababtuna waxa ay raad raacayaan kuwooda wanaagsan raadkooda. Hadaba Ayaan Xirsida ninka ee welibana afrika ka tagtay iyada oo gaajaysan durtaba waxa ay ilowda shakhsiyadeedii Soomaalinimo, wuxu ma ciyaalbaa?, tolow maxaa jinsiyada laysaga meedha? Ma yurubo oo loo ekaado? Ma iyadoo laysu dhiibo cadaanka akhlaaqda xun, walow aad Hawdow isdhiibtay, taasina waxay cadaynaysaa in aadan jirinba markaa maxaad fikir iyo horumar ka sheekayn.



Gunti iyo gebo-gebada maqaalkaygan khayrka xanbaarsan waxaan dhalinyarada kula talin lahaa inay ka fogaadaan fusuqa iyo waxyaalaha xun-xun ee bulshada iyo idinkaba idin dhaawacaya, inaad iska ilaalisan buugta macmalka ee sheekooyinka la alifay ka hadlaya ood akhrisataan kuwa cilmiga leh, inaad dadka Alle, rusushiisa iyo culumadiisa aflaagadaynaya aad ka fogaataan sharka ay wadeen aadna damisaan meesha ay dabkaa gaadhsiiyaan. Waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu soo hadeeyo Mr. Hawd oo uu xaqa waafajiyo.







WQ: Abdillahi Muse

Hargeisa, Somaliland

No comments:

Post a Comment