Monday 7 September 2009

M/WEYNE XIGEENKA JSL OO MAANTA DHAGAX DHIGAY DHISME 2 DABAQ AH OO LOO DHISAAYO W. QORSHEYNTA QARANKA

M/WEYNE XIGEENKA JSL OO MAANTA DHAGAX DHIGAY DHISME 2 DABAQ AH OO LOO DHISAAYO W. QORSHEYNTA QARANKA

Madaxwayne ku xigeeka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo laba dabaq ah oo xaafada Shacabka ee Magaalada Hargeysa, looga bineynayo Wasaarada qorshaynta Qaranka iyo xidhiidhinta hay'adaha Caalamiga ah ee Somaliland.

Munaasibada dhagax dhiga dhismahaasi cusub ee loogu tallo galay Wasaarada qorshaynta qaranka, oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro tiro badan oo ka tirsan Xukuumada Madaxwayne Rayaale, Madaxda UNDP iyo xidhiidhiyaha hawlaha gargaarka ee qaramada midoobay Somaliland/Somalia Mark Bowden, ayaa waxa hadal kooban ka soo jeediyay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu sheegay in dhismahani ahaa mid hore loogu baahnaa in Wasaarada loo dhiso,maadaama oo ay Wasaaradu tahay Wasaarada xidhiidhinta Caalamiga ah.

Md. Yaasiin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ILAAHAY uga baryay in dhismahan cusub oo ka mid ah horumarka wasaarada qorshayntu gaadhay inuu noqdo mid lagu reeyo " Dhismahan cusub waa mid hore loogu baahnaa ee ILAAHAY haga dhisgo mid lagu reeyo" sidaa ayuu yidhi Md Yaasiin oo kalmad kooban ka yidhi Munaasibada.
Md Axmed Yusuf Yasiin M/weyne Xigeenka ayaa mar uu ka hadaly Xaalada dalka sheegay waxaanu yidhi “Waa inaan maanta kalmad ka idhaahdaa marxalada maanta dalku taagan yahay,Haddii aanu nahay xukuumada Somaliland ee maanta talada wadanka haysa kollay waxaa jira in dad leeyihiin maxaa la wadaa? Doorashadii waxa loo hakiyay Somaliland waxay ku soo caano maashay in la wada hadlo oo la isla jaan qaado oo maalin la isla cayimo. Hawlahan inala soo darsay ma aha qaar ka yimid xageena ee waa qaar ka dhashay dhinacii diiwaan gelinta, oo markii horena sanad loogu tallo galay inay sanad socoto diiwaan gelintu. lixdii bilood ee la kordhiyay waxay ahayd markii ay soo bixi weyday natiijadii diiwaan gelinta Server-ka, waxaynu soo maray sadex doorasho waxaynu ku soo galnay diiwaan gelin la’aan waxaanay u dhaceen si caadi ah oo toos ah oo aanu wax shaki ahi ka imanin.”
M/weyne Xigeenku mar uu ka hadalay Qaranimada Somaliland waxa uu yidhi “Haddii uu cadowga Somaliland is leeyahay waa lagu kala tagayaa, laguma kala tagayo ee way soconaysaa qaranimada dalkani, calankana ma aha mid iilanaya.”

Waxa kale oo Xaflada lagu dhagax dhigayay ka hadlay Wasiirka Wasaarada qorshaynta Md Cali Ibraahim Maxamed (Sanyare), waxaanu faahfaahin ka bixiyay dadaalka ay u galeen hirgalinta dhismahan oo uu sheegay inuu yahay mid Wasaarada qorshayntu u baahnayd. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi Wasaaradu waxay imika ku kala jirtay afar aqal oo kala fog fog, markay meel iskugu yimaadaan tayadii shaqadu waxaanu rajaynaynaa inay fiicnaato oo aadna la isku ogaado shaqaalihii meesha ka shaqaynayay. Waxaanan rajaynayaa inay hawshii wasaaradu qaranka u haysayna ay aad u sii fiicnaato
Wasiirka Qorsheynta Qaranka Md Sanyare,waxa uu sheegay in hirgalinta dhismahan ay ka cawiyeen saddex hay'adood oo kale ah UNDP, UNFPA iyo UNICEF, kuwaas oo wada bixiyay kharashka ku baxaya dhismahan oo laba dabaq ah.

munaasibada oo wakhti kooban qaadatay ayaa waxa kale oo ka hadlay Madaxda UNDP iyo xidhiidhiyaha hawlaha gargaarka ee qaramada midoobay Somaliland/Somalia Mark Bowden, waxaanu sheegay inuu soo dhawaynayo dhismahan loo hirgalinayo Wasaarada qorshaynta qaranka .
Mark Bowden waxa uu ammaanay Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka oo uu sheegay inuu iskaashi wanaagsani ka dhaxeeyo xukuumada iyo Qaramada midoobay.

Dhismahan gurigan loo dhisaayo Wasaarada Qorsheynta ayaa la sheegin cadadka lacagta ku baxaysa inta ay tahay..

XAFIISKA WARQABADKA TOGAHERER
HARGEYSA

No comments:

Post a Comment