Monday 7 September 2009

MOOSHINKII WAKIILADA OO MAR KALE BAAQDAY SAAKA KA DIB MARKII UU SOO XAADIRI WAAYAY LA TALIYIHII..

MOOSHINKII WAKIILADA OO MAR KALE BAAQDAY SAAKA KA DIB MARKII UU SOO XAADIRI WAAYAY LA TALIYIHII...

Fadhigii Maanta ee Wakiilada lana Filayaay in Xildhibaanada Wakiiladu guda galaan labada Mooshin ee horyaala kalana ah Maamuus ka xayuubinta M/weyne Rayaale iyo Ku xigeenkiisa Axmed Yusuf Yaasiin iyo wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo xeer hoosaadka golaha ,ayaa baaqday mar labaad ka dib markii uu soo xaadiri waayay maalintii labaad la taliyaha Dhinaca Sharciga ee Golaha Wakiiladu.


fadhigii maanta ee golaha wakiilada oo uu shir-gudoominayay gudomiyaha golaha Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa waxa ka soo xadirey xildhibaano ay tiradoodo gadhayso 69 Xidhibaan, waxaana loo balamay in la iskugo soo noqdo maalinta bari ah haddii Alle Yidhaa.

Sidii dhacday saddexdii Kalfadhi ee u danbeeyey ayaa Waxa Xidhan Dhaman Wadooyinka soo gala iyo kuwa agmara Xarunta Golaha Wakiilada dhamaan goobahaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo aad u fara badan oo boolis ah, sidoo kale waxa ka soo xaadiray goobaha u dhaw xarunta wakiilada Dadweyne aad u tiro badan oo u yimid inay ka war hayaan waxa kasoo Baxa Golaha Wakiilada.


Geesta kale Waxa loo Diiday inta Badan Saxaafadu inay gasho Hoolka Fadhigu ka Socdo ee wakiiladu iyada oo ay celiyeen Ciidamda faraha badan eek u sugan goobta.

Mo Yusuf
Hargeysa warqabdka Togaherer

Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic

Image and video hosting by TinyPic

No comments:

Post a Comment