Monday 7 September 2009

UDUBT-TII MA TAGTAY YAA U AFDHAQI DOONA?!!!!!!!!! HAMBALYO KOMISHANKA

Marka hore waxa aan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, oo ka laabtay go’aankii qalloocnaa ee qaranka madaxa isu-geliyay, dadku way qaldami karaan, waxase muhiim ah in ay qaladkooda ka soo laabtaan, sida ay soo tebisay mareegta Hadhwanaagnews.com,waxaan Komishanka leeyahay, hadda ayaad cagta saarteen wadadii caddaalada, garsoorka iyo muwaadinimada, waxaanan rajeynayaa in aad sidaas hawshiisa u wadi doontaan insha Allah.

Waxase u daran Xisbigii UDUB iyo taageerayaashoodii sida indhaha la’ ugu hanqal taagay himilada gaaban, ee aan geedkaas gaadhahayn, haba u sii darnaado Guddoomiyaha UDUB, Daahir Rayaale Kaahin, oo go’aanka laalista diiwaangalinta ku sheegay mid badbaadin qaran ah, kuna hadlayay hadalo aan Madaxweyne loo nisbeyn Karin, ay kuna dheehnaayeen cajagulayn, aqoon yari, iyo fuleynimo baaxad lihi. Waxa intaas sii dheer deelqaafkii caddaanka ahaa ee uu Rayaale kula kacay bulshada Caalamka, haayada Interpeace, bulshada Somaliland, goleyaasha Qaran. Halka aanu go’aankaas u arkaynay go’aankii baabiinayay dedaalkii, loo galay dhismaha qaranka Somaliland. Macquulna may ahayn in masuuliyiintii ammaanaysay diiwaangelinta, in laga dhegaysto cayda diiwaangelinta, horaa loo yidhi “Ilaahayoow haa iyo maya, meel ha nagaga wada yeedhsiinin”

Waxa intaasba ka sii daran dadkii sida aan ka fiirsada lahayn u taageeray go’aankaas aqoon-darrada ku dhisnaa, oo hadda noqon doona “Haad geed waayay”, illeen hadal ax kuma yidhaahdo, yaa toloow erayadii ay ku hadleen dib ugu soo celiya, oo ka dhiga wax aanay odhan, laakiin waxase la yidhi “Hadal intuu afkaaga ku jiro, ayuu ammaanadaa yahay”. Waxan la sii yaabanahay warbaahinta UDUB ee sida qaldan ugu magacaaban Tiifiiga Qaranka “SLNTV”, oo aa la yaabanahay waxa uu hadda ku warrami doono, weji gabaxan kadib.

Diiwaangelinta oo ahayd mashruucii u weynaa ee Somaliland laga fuliyo, ma ay laali karayn koox iyo xisbi toona, ee waxa uu ahaa go’aan ay wada qaadan karaan uun dhamaan Shacbiga Somaliland. Ugu dambayn waxa aan leeyahay xisbiga UDUB ee ku guuldarraystay majara-habaabinta iyo jar ka ridista qaranka Somaliland, gaar ahaana intii taageertay go’aanlkii fuleynimada ahaa ee laalista diiwaangelinta “ UDUB eey matagteene, yaa idiin Afdhiqi”, waxaan ammaan iyo mahad u soo jeedinayaa cid kasta oo go’aankaas laalista diiwaangalinta ka soo horjeesatay, oo aan leeyahay, waxaad hayseen waddada saxda ah, himiladiinina waa taas rumowday ee ha quusanina.

Maxamed Maxamuud Yuusuf
kingladane@hotmail.com

No comments:

Post a Comment