Monday 7 September 2009

DESTUURKA SOMALILAND WAXA UU KA KOOBAN YAHAY 130 QODOB

DESTUURKA SOMALILAND WAXA UU KA KOOBAN YAHAY 130 QODOB



Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay 130 qodob. Ugu yaraan 25 qodob ma dhamaystirna waxaana ku ladhan: Xeerbaa Qeexi! Laakiin Akhristow ha moodin in dhamaystir la’aanta distoorku tahay ceeb. Balse ceebta distoorkeenu waa tixgelin la’aanta waaxaha kale ee qaranka sida madaxbanaanida sharci-dejinta iyo xurmaynta Garsoorka. Labadan deelqaaf waxay ka soo fircamayaan faham la’aanta mabaadiida guud ee qarankan oo kala ah:

Talo wadaaga, dimoqradiyadda iyo hannaanka xisbiyada badan (Qodobka 9aad)
Madaxbanaanida Waaxda Garsoorka (98aad: Awoodaha Garsoorka U Gaarka ah).
Bal aan soo bandhigo saddex deelqaaf oo ah ku tagri fal awoodaha cayiman ee Madaxweynaha. Laakiin akhristow ogow:

Dad xor ahi way ka dhiidhiyi lahaayeen markuu Madaxweynuhu ficiladan ku kacayey.
Golayaal Sharci-dejineed oo masuul ahi way qaadaci lahaayeen ficilladan.
Madaxweyne siyaasad ahaan qaan gaadh ahina kumuu dhiiradeen deelqaafyadan.

Deelqaafyadda Daahir ee Distoorka:

Deelqaafka Taariikhda Qodobada La jabiyey Nooca Deelqaafka
1 Muddo Kurdhintii Guurtida April 2005 58 (1) 68 (1) Siyaasiyan
2 Kordhintii Xubnaha Maxkamada Sare February 2007 105 Sharciyan
3 Qaadacaadii Miisaaniyadii GW Ansaxiyey July 2007 54aad, 55aad, 78aad Distooriyan

Muddo Kordhintii Golaha Guurtida:

Madaxweyne Rayale wuxuu go’aankan qalafsan qaatay ka dib markii labada Xisbi Mucaarid ka faro maroojiyeen Shirgudoonka Golaha Wakiilada xisbiga UDUB, Golaha Guurtiduna si yididiilo leh u dhexdhexaadiyeen xukuumadda iyo mucaaridka. Go’aankani wuxuu naafeeyey xidhiidhka labada Gole Sharci-dejineed. Wuxuu kaloo af-soomaaliga ku soo kordhiyey erayada Muddo-Kordhin oo haddii aan laga waantoobin sababi kara dumitaanka jamhuuriyaddeena. Waxaa ceeb ahayd inay Guurtidu aqbalaan Muddo-Kordhinta inaga oo bilawnay Geedi-Socodkii Dimoqradiyadda. Maanta Guurtidu waa Golaha Keliya ee aan wali lahayn xeer xulasho ama doorasho. Ugu danbayn go’aankii muddo-kordhintu wuxuu gacanta u geliyey madaxweynaha golihii aynu Afrika dheerayn dhabarna u ahaa xasiloonidda dalka.

(Dalka Botswana oo keliya baa leh Golaha Cuqaasha (House of Chiefs)). Taariikhdu ma saamixi doonto Muddo-Kordhintii Guurtida, Golahiina wuxuu noqday Gole rajci ah oo shaqadoodu tahay qaadacaada Golaha Wakiilada iyo kursi ku ilaalinta Madaxweynaha.

Istaraatajiyad ahaan Madaxweynuhu wuxuu habeen madow waydiistay Maxkamadda Sare (MS) fikir cadaaladeed (Judicial Opinion) oo la xidhiidha Mudo-Kordhinta. Ku-xigeenkii Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo ah denbi baadhe aan aqoon sharciyeed oo hufan lahayn ayaa habeen gudaheed jawaabtii xukuumadu rabtay u gudbiyey. Nasiib darro xeerka garsoorku wuxuu dhigayaa inaan Maxkamadda Sare bixin karin fikir cadaaladeed oo la daliishan karo haddii aanay mudduciga iyo madaacaligu wada codsan jawaabtana loo wada gudbiyo.

Golaha Wakiiladu way ku hafteen Muddo-kordhintaa Guurtida. Anigu waan is daad raacin lahaa Guurtidana lix sanno baan u kordhin lahaa shuruudna waxaan uga dhigi lahaa inay ansixiyaan xeerkii xulashada Guurtida (Muddada Xilka Guurtidu waa 6 Sanno: 58 aad Farqadda 2aad). Deelqaafkani siyaasi buu ahaa. Madaxweynuhu godob badan buu u galay sidii loo heli lahaa Gole Wakiilo oo la soo doortay. Laakiin markii ay mucaaridku awoodii maroorsadeen rajci buu noqday. Siyaasadu se laba nin kama wada qosliso. Dadkii Madaxweynaha doortay baa Golaha Wakiiladana doortay. Waxay ahayd inuu Madaxweynuhu iimaansado Golaha Wakiilada ixtiraamna u muujiyo wada shaqaynta waaxaha dawladda.

By Prof: Abdihakim Y. Kheire (President, Institute of Democracy & Governance). Qaybta 1aad.
La Soco…

No comments:

Post a Comment