Thursday 3 September 2009

SUXUFI ISKA NOQO UUN MAAHA bY:- LADAN RASHIID CABDILAHI

SUXUFI ISKA NOQO UUN MAAHA bY:- LADAN RASHIID CABDILAHI

Image and video hosting by TinyPic

Suxufi iska noqo uun maaha

Salaamu caleykum dhamaan shacabka somaliland waxaan aad u salamayaa warbaahinta Somaliland ee ku daacad ah ee bulshadood war xaqiiqa siiya kuligiin waxaan idin leeyahay Ramadaan kareem manta waxaa igu kalifay maqaalkan markii aan arkay dad badan oo aan garanayn waxay tahay saxaafadu

Waxaan waayadan danbe wadankeena ka socoda horumar balaadhan oo laga sameeyay saxaafada Somaliland hadana horumarkaasi waxa uu dhalay dhibaatooyin badan oo ah in dad aan saxaafada wax xirfada ah u lahayn ay noqodeen saxafi ku sheeg iyagoon wax khibrad ah ama aqoon saxaafadeed u lahayn saxaafada iyo qawaaninta ay leedahay iyagoo keliya iska qaadanaya qalabka saxaafada kaas oo uu qofwalba haduu uu intaa haysto uu saxafi yahay hadaba ma odhan karanaa waxaa iyana meesha ka maqnayn idaacada ama websiteka ama joornaalka inaanayn iyaguba eegayn qofka ay saxafi ka dhiganayaan aqoontiisu halkay gaadhsiisantahay ma yahay qof xirfad u leh aqoonta saxafada ma yahay qof masuul ah oo garanaya shuruucada saxaafada iyadoo dhaliilooyin badan jiraan ayaa saxaafada Somaliland isku wada mid maahee hadana kuwii aqoonta u lahaa waxaa ka batay dadka aqoonta u lahayn ee saxafi isku sheega

Waxaan halkan ku sheegi doonaa hawsha suxufiga xirfadyahanka ah

Yaa suxufi ah ? side qofku ku noqon karaa suxufi ?

1. Qofku inuu soo qaatay waxbarasho heer dugsi ilaa heer jaamacadeed oo dhamaystiran

2. Inuu soo qaatay tababar xirfadeed oo ku saabsan culuunta saxaafada

3. Waxbarasho rasmi ah oo saxaafada sida dugsi ama jaamacada oo saxaafada ah

4. Tababar shaqo oo uu ku soo qaato wargeys ama idaacad ama talafiishan muddo sannad ilaa laba sanno

5. Qofku isaga oo aan lahayn aqoon iyo waayo aragnimo saxaafadeed loo aqoosan karo suxufi waxaa shardi u ah inuu leeyahay aqoon sare oo saldhig adag leh ama awood iyo hibo sare culuunta qorista baahinta agabka saxaafadeed



Maxaa uu sameeyaa xirfadyahanimada suxufiga



1. Suxufiga tayda wanaagsan wax ay qeyb ka qaataa in uu yeesho maskax wanaagsan oo wax is waydiisa oo madaxbanaan

2. Inuu leeyahay dareen xog-ogaalnimo dulqaad iyo go’aan adag dhawrsanaan daacadnimo iyo sharaf waji furfuran not to be hamble codkarnimo (not to be shapeless )

Professional Ethics

Libel constraints

Libel: Danbi adoo ka qoray sharaf qof oo meel ka dhac ah

Defamation : magac dil oo afka laga sheego

1. Warka iska Hubi

2. Hadyad haddii laguu keeno oo aad war aad sii dayso waa lagu laaluushay waxaad galaysaa (libel)

3. Inaad qaadato war tuug ah oo aad qof xafiis jooga aad laaluush siiso si uu warka kuu soo xado

4. Sheekada marka aad qoreyso waa inaad magacayada caadiga ah aanad isticmaalin magacayo hore isticmaashaa

5. Markaad eray aad qof ku tilmaanto sida faqash waa inaad cadeyso



Waajibka suxufiga

1. Suxufiyiintu waa inay wariyaan runta oo iska ilaaliyaan beenta

2. Suxufiyiintu waa inay hubiyaan ka hor intaanay qorin ama aan idaacad ka baahin

3. Waa inay saxaan khaladka ay galaan

4. Waa in aanay dadka kala sareysiin u kala yeelin mudnaan

5. Waa in jidadka ay u marayaan war helista iyo war doonka waa inay yihiin kuwa daacadnimo ku salaysan

6. Waa in aanay suxufiyiintu aqbalin laaluush iyo waxyaabo gaar oo looga danleeyahay in laga duwo ama laga leexiyo dhexdhexaadnimadii cadalaadii ama sugnaashaha warka

7. Waa in aanay suxufiyiintu marnaba ogolaan danahood gaarka ka leexiyaan hawshood

Hadba ma laga helayaa kuwa manta suxufiyiinta sheeganayaa inay waxyabahaa ay ku dhaqamaan waxaa aad inoogu yar in aanay jirinba qof walba hawsha uu ku haboonyahay waxaan weli is weydiyaa wax ku kalifay dad badan oo anaan is lahayn way u qalmaan suxufi inay hawshaa galaan maxaa ku kalifay ma hawlo kale oo uu qaban karayay ay tani uga fududaatay waxaan hadaba baaq u soo jeedinayaa idaacadaha websites iyo joornaalada inay qofka ay ka dhiganayaan suxufi ay shuruudo ku xidhaan si anaay dadka aqoonta iyo sharci saxaafada waxba ka garanayn aanay danbi idinku danbi idinku soo jeedin si professional aad u imtixaantaan si ay noqoto warbaahintnaasi mid ku salaysan sharciga iyo hufnaanta inaad baahisaan warar dhex ah oo xaqiiqa si ay dadkan saxaafada ku ordayaa ay dub uga noqodaan oo hawlo kale oo ka muhiimsan qabtaan

Waxaan intaa ku soo koobayaa maqaalkayga wixii khalad aad u aragtaan ka raali ahaada ma khaldame waa ilaahay subxaan watacaala

Ramadaan kareem

By: Ladna Rashiid Cabdilaahi

Email: ladnaindho@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland

No comments:

Post a Comment