Thursday 3 September 2009

DHAMBAAL HAMBALYO AH OO KU SOCDA SHACBIGA DEGAN MAGAALADA TOG-WAJAALE

DHAMBAAL HAMBALYO AH OO KU SOCDA SHACBIGA DEGAN MAGAALADA TOG-WAJAALE

Dhanbaal Hanbalyo Oo ku socda shacbiga degan magaalada Tog-Wajaale



Anigoo ku hadlaya magacayga Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine) ,deganna carriga Ingiriiska,una
dhashay magaalada Tog-Wajaale,waxaan marka hore salaan sharaf iyo qadarinba mudan u dirayaa dhammaan shacbiga Somaliland,meel kast oo ay joogaanbba.

Anigoo fursaddan ka faaideysanaya , waxaan mahadnaq iyo salaan u dirayaa dhammaan
saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland,oo runtii qayb laxad leh ka qadata ilaalinta
sharafta iyo karaamada dalkeenna.

Haddaan u gudbo dulucda qoraalkaygan,waxaan hanbalyo iyo taageeraba u dirayaa
dadweynaha degan Tog-wajaale , ee ka dhiidhiyey fool xumooyinka iyo xeeladaha
uu adeegsado,maamulka usha boocda ku tukubaya,kuna jira maalmihiisii u danbeeyey,
kuna fashilmay dhaartii iyo ammaanadii ay umaddu u dhiibatay.

Anigoo ka trisan xisbiga Kulmiye,milgo iyo sharafna u haya dhammaan taageerayaasha iyo
Guddomiyahaba,Mujaahid Axmed Maxamed Siilaanyo,waxaan aad ugu diirsaday geesinimada ay dareenkooda
ku muujiyeen taageerayaasha xisbiga Kulmiye,tuseenna sida aanay raali uga ahayn Riyaale iyo
kuwa degaanka ka soo jeeda ee baal maray rabitaanka ummadoodii , una adeegaya danahooda gaarka ah,hungurina ku doorsaday sharaftii iyo wadaninimadii, magac xumana u soo jiiday dadka sharafta leh ee degaanka ku nool.

Maahmaah Somaliyeed baa u hore u tidhi, "Nin soori kaa qaaday,waa nin seefi kaa qaaday,"
taana waxaa maanta ka dhigan,kuwa maanta Riyaale u raadinaya taageero ,iyagoo ay dhex joogaan ,una muuqato ,dhibta uu maamulka Riyaale umaddan baday,waa nasiib darro iyo af kala qaad.

Runtii aad bay ii damqaysa,waana wax ninkii inuun damiir wadani nimo iyo garasho bani aadanimo ku hadhay , garan karo halka xaalku marayo maanta,umana baahna inaan halkan ka sheego dhibaatooyinkaas , waana mid ay ka siman yihiin shacbiga Somaliland,haddii aan
laga hor taginna,Somaliland meel dheer baa laga raadin.

Akhristaw bal aan ku weydiiyee,umaddan ilihii dhaqaalaha laga baabiiyey,biyo la'aanta iyo darxumada la silcaysaa,dhalin yartii rajo xumo uga tahriibayso, dekadahoodii la curyaamiyey,xoolahoodii ajanabi loo xidhay,xaga juglayn,car juuq dheh iyo xadhig
dhameysteen, maxaa la gudboon ?.

Jawaabta adaan kuu dhaafi,se aan tusaalana kuugu daro.Waxaa la xaqiijiyey in isu soo baxii Tog-wajaale ka dhacay,dad badan baa xoriyadoodii laga qaaday, oo ay ku jiraan
hooyooyin UMUL ah ,oo caanihii ilamahooda siin lahaayeen ka da'ayo, loo dhoofiyey saldhiga dhexe magaalada Gabiley !!!!!

Marnaba kumaan seexan,Somaliland ayaa dadkii naf iyo maalbba u soo huray,ay mar labaad
arxan darradaa loo geysan.Waxaan kula dardaarmayaa shacbiga Tog-wajaale iyo dhamaan shacbiga Somalilandba , inay iska dul qaadaan dulmiga lagu hayo,ilaahoodana ka baryaan inay helaan xukun caadil ah oo ay xaqooda muwaadinimo ka helaan.

Waxaan mar labaad leeyahay , Hanbalyo Tog-wajaale,iskana ilaaliya xeeladaha ay adeegsanayaan damiir laawayaasha degaanka u dhashay ee maamulka gabal kiisii dhacay taageerada u raadinaya.

Waxaan idinku dhaafayaa dhammanba akhristayaashiina sharfta leh,heestan wadaniga ah ee magaceeds la yidhaa Naftii Hure:


Waxaan ahay naftii hure
Neecaw qabaw iyo
Nimco iyo barwaaqiyo
Sabad kagu nagaaduyi
Noloshaba illoobee
..............

Nacasaw gumeysigan
Nabarada qarsoon niyo
Nacaan iga hadhayn niyo
Igu reebay naafada
Nabad lama wadaagee
.................

Nidar baan hore u maray
Niyadeydu waa meel
Haddii aanan soo noqon
Calankeyga nuurow
Allahayaw ku nabad geli
..........................

Aamiin Aammin Aamiin



Mujaahid:Cabdirisaaq Cali Muse (Shiine)
Birminghma UK

No comments:

Post a Comment