Thursday 3 September 2009

MUXUU ILAAHAY U ABUURAY JINKA IYO INSIGABA ? WAA CASHARDII DIINIGA AHAA EE SHEEKH SAKARYE SALAFI

MUXUU ILAAHAY U ABUURAY JINKA IYO INSIGABA ? WAA CASHARDII DIINIGA AHAA EE SHEEKH SAKARYE SALAFI

Muxuu Illaahay u abuuray Jinka iyo Insigaba ?
Illaahay baa mahad leh, Illaaha sheegay inuu inoo abuuray shay aad u wayn oo muhhiim ah shaygaas oo ah cibaadadiisa, Illaahaas oo taagay Samaawaadka iyo Dhulalka Illaahaas oo inagu manaystay nicmooyin aynaan koobi karayn aynaan ka mahad naqi karahayn waxaan ku Saliyayaa Rasuulka Muxamed ah Calayhi Assalaatu Wasalaam Rasuulkaas oo yidhi
“waar Qofka Allaah xusaya (oo caabudayaa) iyo kaan xusayn waxay kala yihiin nin dhintay iyo nin nool oo kale”.

Waxaan Illaah u waydiinayaa naxariis iyo amaan Saxaabadii iyo Rasuulka reerkiisii muslimiinta ahaa ee rumeeyay.

Intaa kadib.

Walaalayaal waxaynu nahay dad Illaahay uu siiyay caqli Illaahay uu siiya maskax ay ku fikiraan laynagama dhigin sida Xoolaha oo kale ama Xawayaanka waayo hadaynu sidaas oo kale noqon lahayn laynama ciqaabeen waxbana laynama waydiiyeen laakiin maadaama oo laynaga dhigay dad wax kala garanayo inbadan oo khalqiga Illaahay ka mid ahna laynaga fadilay ama laynaga duway oo aan isku mid laynaga dhigin waxa waajib inagu ah inaynu garano wixii Allaah inoo abuuray wuxuu Allaah inoo keenay aduunkan wuxuu Allaah inaga rabo ee uu maalinta qiyaame inagula xisaab tamayo waayo hadaynu garan wayno taa waxaynu noqonaynaa sida Allaah yidhi {iska daa ha cunaan ha cabaan yididiiladu ha lumisee mar dambay ogaane}
Allaahu Akabar.

Qaar ayaa Illaahay ka waramayaa waana dadka aan Illaahay caabudayn waxaana la leeyahay Nabi Muxamed iska daa waa la cadaabayaa kuwaa waxaa uu Allaah mar kale yidhi
{waxaanu u abuuray jahanamo dad badan oo ka mid ah insiga iyo jinka kuwaas oo caqliga aan kaga shaqaysiin dhagahooda xaqqa aan ku dhagaysan indhahooda aan ku arag xaqqa kuwaasi waa xoolaha oo kale may waabay ka daran yihiin kuwaasi waa kuwa aan ogayn meel ay u socdaan iyo meel ay ka socdaan}.

Waxay ilaabeen xaqii Allaah ku lahaa wuxuu Allaah ka rabay wixii lagu waajibiyay waxay noqdeen qaar ka meeqaan liita xoolaha.

Walaalayaal hadaba maadaama ay tahay arintu sidaa waxa is waydiinta lihi waxay tahay Illaahay muxuu iinoo abuuray ileen Illaahaybaa yidhi
”mawaxay u malaynayaan inaanu ciyaar ciyaar u samaynay ama u abuuray” Illahaybaa ka nazahan inuu wax ciyaar ciyaar u sameeyo isaga oo ay ka mid tahay magacyadiisa magaca {Al-xaq} Illaah xaq lagu caabudaa ma jiro isaga mooyee Illaah kale oo xaq lagu caabudaa Rabiga leh carshiga wanaagsan .

Walaalayaal hadaan u daadago waxa Illaahay inoo abuuray waa cibaado sidi Illaahay yidhi
”Insiga iyo Jinkaba waxaan u abuuray inay i caabudaan kama rabo inay ibiiliyaan inay i arsaaqaan.”

Waxa Illaahay inoo keenay kawnkan ama aduunkan hadaynu nahay Jin iyo Insiba waa cibaado walaalayaal cibaadada aan ilaalino

CIBAADADU WAA MAXAY?
waxay tahay cibaadadu siduu yidhi Shaikh Al Islaam Ibnu Taymiyah Raximahu Allaah
{cibaadadu waa hadal kasta ama ficil kasta oo Illlaahay jecelyahay raalina ka yahay ha muuqdo ama ha qarsoonaadee}.
Allaahu Akbar

Dadka qaar ayaa waxay odhanayaan waar hadaan Ashahaato maxaa layga rabaa qaar aya ku odhanaya sheekh hadaan tukado meeshaan doono aan ku tukadee maxaa laygu leeyahay
waxaad moodaa inay Illaahay kala shaqaysanayaan walaal u fiirso Nabigu waxa uu yidhi:
”Ogaada qof idinka mid ahi camal kiisa janno kuma galo markaasay saxaabadu ku yidhaahdeen Rasuul Aloow macal adiga miyaanad camalkaag ku galayn jannada' wuxuu yidhi haa macal aniga inuu Illaahay naxariistiisa igu galiyo janada mooyee”
Haddaba walaal maanta hadaad qof wajileh doonayso inaad u tagto oo aad gurigiisa gasho maxaad samaynaysaa ma wax raali galinaya o uu jecelyahay mise waxaanuu raali ka ahayn oo uu u cadhoonayo hadaba kawaran hadii lagu yidhaahdo guriga hebel kuma galaysid waxaad u tarto ama camal fiican oo aad samaysee waxaad ku galaysaa amarkiisa ma waxaad odhanaysaa hadad caqli leedahay waan caayayaa wax cadho galinaya ayaan samaynayaa mise waxaad is odhanaysaa walaw camal fiican oo samayso yaanad ku galin gurigee yaanuu kaa cadhoone isaga iska jir uun wuxuu diidayo.

Hadaba maxaad Illaahayna u malayn subxaanah isagoo abuuray adoomahan yaryar
waa inaad ku dadaashaa cibaadada aad ku dadaashaa wuxu kaa rabo oo aad ka baqataa iska Jirtaa ciqaabkiisa waxa Allaah yidhi
”kuwa i rumeeyayoow iga baqa baqaha dhabta ah hana dhimanina idinka oo muslimiin ah mooyee”.

Islaamnimada gacanta kuma haysano lakiin waxa loo jeeda idinka oo ku dadaalaya camalka fiican mooyee camalkaasoo Ilaahay raali galinaya ha soo dhimanina idinka oo Allaah caasiyaya.

Illaahay cibaado ayuu inoo abuuray aan caabudno cilmi aynu u yeelano cibaadadaa
wayo ma hagaagayso cibadadu cilmi la’aan
Illaahay dartii aan u qabano cibaadada.

Allaah baa mahad leh
Qofka akhriya qoraalakani ha fara badiyo oo ha faafiyo si looga wada faa’iidaysto ajar badanbaa ugu jira.

Waxa Qoray:Sheekh Sakariye Cali Diiriye

No comments:

Post a Comment