Friday 4 September 2009

SHACBIGAYGA REER AWDAL IYO SAYLAC ILA WADAAGA TALOOYINKAN DUURXULKA AH

SHACBIGAYGA REER AWDAL IYO SAYLAC ILA WADAAGA TALOOYINKAN DUURXULKA AH

Reer awdal waxay eedeen in magacooda lagu shaqaysto , ayagoon wax loo qabtay iyo wax ay umada dheer yihiin jirin.
Waxa dadku moodayaan in awdal la siiyo maal badan , lacag, iyo dhaqaale badan.
Waxase xaqiiqa in aan wax loo qabtay umadaasi aanay jirin, wax ay dadka dheer yihiina aanay jirin.

Hadaba waxaan kula talin lahaa shacbiga xalaasha ah ee reer awdal iyo saylac waar waxa laydinku shaanbadaynayaa arimo idiin keeni kara cawaaqib xumo.
Arimi utun iyo xumaan idiin galin kara umada aad la nooshihiin.
Waxa madaxwaynaha daahir riyaale ku wareegsan 8 nin oo danayste ah .
Ragaasi waxay u sheegaan been iyo khayaali, asaguna wuxuu u qaataa inay xaq u sheegayaan.
Waxa shacbiga laga dhaadhicinayaa in reer awdal yahay ka meeesha wax ku haysta ee ayagu qaska wada.
Waxase xaqiiqa in dad kale ay dheefta iyo dhaqaalahaba idiinka badsadaan. meeshuna tahay maqaaxi si dadban loo adeegsado.

Reer awdal fadlan wake up and look what is around you , meesha ha iska fadhiyina ee walaalayaal ka dhiidhiya xumaanta iyo magac xumida hogaanka dalka ka taliyaa idiin soo jiidaayo.
Hadaa maal iyo dahab iyo lacag iyo dhayman ku haystaan garbay ahaan lahayd inaa meesha sidaad doontaan ka yeeshaan.
Hadaa umada wax dheertihiin oo xataa wax laydiin qabtay inuun baa la odhan lahaydeen waar meesha waxbaynu ku qabnaa.
Waxase maanta aad umada dheer tihiin ma jirti, wax gaar aad u hesheena ma jirto.

DHinaca siyaasada hadaan eego ma haysataan qaybtiinii xaqa ahayd hadii la idin barbar dhigo beesha dhex oo haysata ugu yaraan wax ku dhaw 20 wasiir halka idinku haystaan 4 wasiir
DHinaca palrlamanka ma haystaan qaybtiinii xaqa ahayd waxa haystaan tiro u dhiganta hal beel oo ka mida beelaha dhaxe ugu yaraan sadex meelood marka loo qaybiyo kuraasta baarlamanka ayay ahayd inaan qayb ka mida heshaan taas oo ku dhawdhaw 100 kursi.
Guurtida hadayn noqoto mahaystaan quruskiinii xaqa ahaa , 82ka mudane waxay ahayd inaad qaadataan qaybtiina xaqa ah oo ku dhawdhaw 21 halkaa imika haystaan 8 nin oo kaliya ee la idin la simay mid ka mida beelaha dhexe.

Hadaba reer booramoow maxaa ku dhimanaysaan , maxaa ku waayaysaan sumcadiina iyo magaciina.
Maxaa dheef iyo dhaqaale ku qabtaan maamulka udub ee hada talada haya.
Nin haduu dhimanaayo waakii wax ku dhinta , nin haduu halgamaayo waakii macno ku halgama.
Reer awdal waxaan talo idin siin lahaa inaad ka fikirtaan halka taladiinu marayso
Waxaad ogaataan in xisbiga UCID uu yahay mid uu ku xigeen ka yahay nin ka soo jeeda awdal oo waliba aqoon iyo cilmi leh.
Waxaad ogaataan in aan xisbina laydinka lahayn oon laydinka xigin.
Waxaad ogaataan in xataa mudane daahir riyaale kaahin shalay uu ku yimi cod aqlabiyada ee aanu ku iman qabiil iyo reer u fooday.
Madaxwaynuhu maantana asaga ayaa talada iska xumaynaya ee waxay ahayd inuu sharftuu ku yimi uu ku tago.
Sideeda nin ee kaadhka ka gubaya mid kastaa qabiil ayuu ka yimi oo ayagu way is qarinayaan .
Ninka la isticmaalayaana waa madaxwayne daahir riyaale kaahin.
Gabagabadii waxaan leeyahay shacbiga xalaasha ah ee reer awdal iyo saylac waar dalku waa dalkiini dadkuna waa dadkiini UCIDNA GACMO FURAN KUSOO GALA.
Mudane faysal cali waraabe [faysal hangool] iyo dr halyay cabdirashiid waxay idinku soo dhawaynayaan qalbi furan gacmo furan iyo niyadsami.
Waxaynu eegnaaba waa idiinkoo wadar wadar iyo shakhsi shakhsi ugu soo qulqula xisbiga cadaalada iyo daryeelka.
axmed qoorgees
qoorgees-maqosle@hotmail.com
uk

No comments:

Post a Comment