Saturday 5 September 2009

QAYBTII 2 AAD : XOG-WARANKII MUJ GAMBOCADDE IYO GOORTII UU KU BIITAY HALGANKII SNM

QAYBTII 2 AAD : XOG-WARANKII MUJ GAMBOCADDE IYO GOORTII UU KU BIITAY HALGANKII SNM

Qaybtii 2aad: Xog-warankii Muj. Gambo-Cadde iyo Goortii uu Ku Biiray Halgankii SNM


“Muj. Ceerigaabo waxa uu ahaa Mujaahidkii u horeeyay ee SNM igu soo dhaweeya ama Gacan qabsho iyo Xog-waran I siiya”

Image and video hosting by TinyPic
Sidaynu kusoo sheegnay Qaybtii Koowaad ee Xog-warankii Mujaahid Maxamed Cali Gambo-cadde kaga warramay Waxyaabihii ku kalifay in isaga oo Shaqo wanaagsan iyo Sharci degenaashaba ka haysta wadanka Sucuudiga uu ku soo biiro, Halgankii dib u xoraynta qaran ee SNM Horseedka ka ahayd, waxa ay inoo sheegtay Qaybtaas 1aad markii uu ka soo tabaabushaystay Sucuudiga una soo ambo-baxayay Gudaha Itoobiya oo Mujaahidiinta SNM saldhig u ahayd.



Image and video hosting by TinyPic
Photo File: 1988, Muj. Maxamed Cali Gambo-Cadde

Image and video hosting by TinyPic

Photo File: 2009, Muj. Maxamed Cali Gambo-Cadde

Mujaahid Gambo-cadde oo xog-warankiisii halkaa kasii ambo-qaadayaa ugu horeyn waa kan Isagoo ka hadlaya Sababtii ku dhalisay in uu dhiigiisa u huro Halganka dadkiisana la qaybsado dhib iyo dheefba waxa uu yidhi “Anigu Halganka waxaan ku biiray 1986, wakhtigaas anigoo sucuudi carabiya ka shaqaysta oo ciqaamadaydu wanaagsan tahay ayaan Nin Soomaaliya ka yimi ka waraystay , waxaan idhi iiga waran dalkii?.
Image and video hosting by TinyPic

Waxa uu I yidhi Maxaan kaaga waramaa Dalkiiba dad aan la garanay baa qabsaday, dadkiiniina waa aga saaray oo xun yahaw xunku dhalay baa lagaga dareeriyay. Kolkaasaan idhi oo lacagtan aad shaqaysatay halkeed gayn haddii dalkii la qabsaday miyaad halganka kaga qayb qaadatid.”


Isaga oo Mujaahid Maxamed Gambo-Cadde faah-faahinaya sidii ay ugu suurto gashay sida dhakhsaha ah ee uu Sucuudiga uga soo baxay iyo cidii u fududaysay waxa uu yidhi “Markaan ka soo Tabaabushaystay Sucuudiga waxa Ambo-bixidayda gacan iga siiyay oo ii fududeeyay Helida Vissa-ha aan Diyaaradda ku raacay Nin aanu Saaxiibo ahayn oo la yidhaa Muj. Carab Nuur. Isaga iyo Eng. Cabdi Biixi Taar-wale ayaa Vissaha Itoobiya Jiddah iigaga soo dhuftay.” “Kadibna waxaan soo raacay diyaarad Markaasuun Madaarka Jidda keentay Xasan Guuleed (Madaxweynihii Hore ee Djibouti), diyaaradaas ayaa Diridhaba I keentay. Markaan Madaarka ka degeyna waxaan Telefoon u diray Xafiiskii SNM ee Diridhaba, Muj. Cabdillaahi Askar iyo Muj. Xuseen Cali Xirsi oo Xafiiska hayay ayaa kadibna Airport-ka iigu yimid, kadibna waxa ay ii geeyeen Nin Mujaahid ahaa oo ka mid ahaa Illaalada Gaarka ah ee Axmed Siilaanyo (oo Wakhtigaas ahaa gudoomiyaha SNM), Mujaahidkaas oo la odhan jira CEERIGAABO, waxayna ku yidhaahdeen waar Ceerigaabooy Mujaahidkan Inta uu helayo Dadkii ay is garanayeen Hay oo u wehel yeel.”ayuu yidhi Muj. Gambo-cadde. Waxaanu intaas ku daray “Ceerigaabo waxa uu ahaa Mujaahidkii u horeeyay ee SNM igu soo dhaweeya ama Gacan qabsho iyo Xog-waran I siiya”.


Waraysigan Gambo-cadde oo uu ka Qaaday Xasan-Keefkeef oo ka tirsan shabakadda wararka ee Sallaxleynews, waxa kale oo uu kaga warramay sidii uu u soo gaadhay Jiiddaha hore ee Dagaalka, iyo raggii u horeeyay ee uu Fronta kula kulmay waxa uu yidhi “Markaan Diridhaba waxoogaa joogay ayaa waxaan imi Magaalada Xarshin, oo aan kula kulmay Muj. Ibraahim Dhega-wayne oo ahaa Abaan-duulaha Ciidamadda SNM.”.


Isagoo Mujaahid Gambo la weydiiyay Xilkii u horeeyay ee uu SNM ka Qabto ama raggii u horeeyay ee uu ugu Imaado Faranta waxa uu yidhi “Anigu wakhtigaas iigumay horeyn Ciidannimadu, hore ayaan u soo lahaa Aqoonta Ciidanimadda, Markaanu Ibraahim-dhega-weyne is xog-waraysanay ayuu igu soo Qoray inaan Noqdo Taliyaha Nabad-gelyadda ee Deegaanka Qudhac-raamaale, oo isagu wuu I garanayay.


Qudhac-raamaale markaan imi Mujaahidiintii ugu horeeyay ee aan jiiddaha hore ugu imi inkastoo ay badnaayeen waxaan hadda ka xusuusan karaa Muj. Cali –Gurey, Muj. Yoonis Cali, Muj. Axmed-weyne, Muj. Mustafe Xasan Nuur, Muj. Isleeke, Muj. Beelo-guba, dabadeena halkaasaana Muddo shaqo ka hayay.


Dagaalkii u horeeyay ee aan galo waxa na watay Muj. Yoonis Cali waxaanu ka galnay Deegaanka Masaajidka layidhaa, oo ahaan jiray Mujaahid Qaali ah Weliba sitay Derejada Ciidannimo ee Police Officer, Alla ha u naxariistee Hargeysa ayuu nagaga dhintay 1988-kii.
Dagaalkaasi aanu Masaajidka ka galnay intuu Nagu Ballaadhay ayaa waxa nagala qayb galay Ciidamo Caydaroosh degenaa, Illaahay wuu nagu guuleeyay dagaalkaa, Haddana waxaanu mid kale ka galnay Geed-ballaadh, kaasoo gaadhay in xataa gacanta la isula Tago oo la isku baaba’ay”.


“Markii danbe waxaa naloo magacaabay aniga iyo Muj. Yuusuf Cabdi Gaboobe Waaxda Saxaafadda ee SNM, si aanu u faafino wararka ka nixinaya AFweyne, Waxaanu dadka xadka iskaga tallaabaya oo u Badnaa Rag Deglayaasha Jaadka ahaa u Qaybin jirnay waraaqo ay ku qoranyihiin Dacaayado oo aanu odhan jirnay markaad Magaalooyinka tagtaan ku daadiya wadooyinka…..”.

La soco Qaybta 3aad ee Qisadan Gamb0-Cadde oo uu kaga Warramay Dagaalkii Biimaha ahaa (Suicide War) ee Hargeysa ay ku soo Galeen 31 May 1988


Hassan Hussein Abdillahi (Keefkeef)
Sallaxleynews Desk
Mrkeefkeef@gmail.com
Sallaxleynews@gmail.com


1 comment: