Saturday 5 September 2009

FARIIN KU SOCOTA HOGAAMIYAHA XARAKADA AL-SHABAB WAXBA MA OGID EE AAN KU SIIYO TALO FIICAN

FARIIN KU SOCOTA HOGAAMIYAHA XARAKADA AL-SHABAB WAXBA MA OGID EE AAN KU SIIYO TALO FIICAN

Anigoo taageersan jawaabtii cuslayd ee uu cabdiraxmaan shotaly siiyay miskiinka yar ee ina godane. ayaan ana u raacinayaa laba midhoo tusaale ah bal inay ku duxdo murtidu.
Horta ina godanoow waxaad tahay jaahil aan aqoon iyo cilmi lahayn
Waxaad tahay nin aan garanayn waxa uu u dagaalamayo iyo diinta islaamku waxay ka qabto.
Waxaad aaminsan tahay in ay banaan tahay in caruurta bam iyo waxyaabaha qarxa futada loogu xidho ka dibna la yidhaa is qarxiya janadaa tagaysaane.

Ina godane waxba ma ogid ee aan ku siiyo talo fiican , hadalka dhagayso
Laba nin oo kaliya oo wata laba reer oo ay ka soo jeedaan ayaa kugu shaqaysanaya kuna isticmaalaya , waxaanad tahay miskiin aan waxba kala ogayn.
Daahir aweys oo wata beeshiisa cayr - habargidir.
Xasan turki oo wata beeshiisa ogaadeen .
Waa labadaa reer marka hore waxa la yidhaa alshabaab, waxaanay galeen itifaaqiyad iyo talo u gaara oo ah.

Waxa ugu horayn la isla gartay in daahir aweys oo wata beeshiisa cayr laga caawiyo qabsashada xamar iyo nawaaxigeeda oo ay beesha ogaadeen ka caawindoonto.
In beesha ogaadeen ay gobolada jubooyinka oo ay ku xoogan tahay si buuxda u qaban doonto, ka dibna maamulka daahir aweys ee xamar laga dhisi doono la hooskeeni doono.
Waxa taa markaa loogu badalayaa oo daahir aweys ugu badalayaa in beesha cayr oo isticmaalaysa mahagaca dawlada soomaliya ay caawiso jabhada onlf ee la dagaalanta ethoobiyaanka , sidaana lagu hantiyo dhulka ogaadeenku dago ee ethoobiya maamusho .

Daahir aweys ma oga in dhulka ismaamulka ethoobiya ay ogaadeenku yihiin qaar manoratiya oo looga badan yahay marka loo eego umadaha kale ee daga .
Xasan turkina waxa ka maqan in beesha cayr aanay awood u lahayn inay riixdo quwada ethoobiyaanka ee dhidibada aasatay.
Waxa kaloo ka maqan labad nin in umada soomalidu aanay niyad u qabin labadan nin iyo beelaha ay kasoo jeedaanba , maxaa yeelay waxay qabaan dhiig badan oo muslima.

Hadaba miskiin axmed godane waxba ma ogid gadheere waxaanad tahay nin la isticmaalayo .
Miyaad aragtay axmed godonoow meel dad islaam sheeganayaa ay bisha ramadaan dad muslima qoorta ka jaraan .
Axmad godonoow miyaad aragtay meel inta tuulo la soo galo saacad ka dib la yidhaa kitaabka ayaa lagu maamulayaa ka dibna dadka gacmaha la jaro. oola yidhaa nacnacbuu boobay iyo xabad muusa ayuu xaday ka dibna gacanta ayaa la jarayaa.
Saw ma ogid xataa goynta gacantu in ay leedahay qadar ama miisaan la saaro waxa qofku xaday qiimha ay leeyihiin.
Axmadoow miyaanad ka war qabin in gacan goynta iyo dilka ay ka horayso in umada diinta la baro , oo dhaqaale loo sameeyo , oo nabada la sugo.
Waxaas oo dhan waa la garanayaa aweys iyo turkina way og yihiiin laakiin diin ma wadaan ee waxay wadaan qabiil la dagaalamaya qabiil kale.
Waar miskiinbaad tahay ee waxba ma ogid ,waxaad dhex boodaysaa beelo kala aarsanaya.

Ugu danbayn waxaad ogaataa in hanjabaada aad madaxwaynaha somaliland mudane daahir riyaale aad u dirtay ay tahay mid daciiifa .
madaxwaynaha somaliland mudane daahir riyaale kaahin oo runtii aanan shakhsiyan jeclayn sababo badan aawadood ,
Hadana markay noqoto in alshayaadiin soo weerarto madaxwaynaha waxa igu qasaba inaan difaaco madaxwaynahayga, waana waajib saaran qofkasta oo somalilander ah.
Anigoo axmed qoorgeesina waxaan u dhigayaa xabada shafkayga kuna dhici mayso madaxwaynahayga anaana difaacaya .
Taasina waa mid aan ku leeyahay aqoonteed lahaw, raga badan ee emailka iisoo dira ee moodaya goolaaftanka siyaasada ee na dhex yaala inuu yahay mid nagu talax tagay , waxaan leeyahay candhuuftiina dib u liqa , midnimada somaliland waa muqadas, diinta islaamkuna anaga waa naga dhab , dadkana dhiigooda sidiina ma cabno.

axmed qoorgees
qoorgees-maqosle@hotmail.com
uk

No comments:

Post a Comment