Saturday 5 September 2009

G. GUURTIDA OO GUDIDA TURXAAN SAARKA U SOO GUDBIYEEN 3 QODOB OO LAGU XALINAYO KHILAAFKA DHEXDOODA


Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah waxay ku meel mariyeen saddex qoddob waxaana ansxiyay 55 xildhibaan oo ka mid ahaa 58 mudane oo fadhiyay golaha, 2 mudane way ka aamuseen, Guddoomiyuhuna muu codaynin


Go’aankaasi goluhu ansixiyay wuxuu u qornaa sidan:-

" Guddi ahaan markii aanu derisnay dood iyo falanqayn badana ka yeelanay Habkii iyo qaabkii loo wajihi lahaa muranka jira, dalkana looga samato bxin lahaa khal-khal jira iyadoo ay muhiimadu tahay in goluhu dhexdhexaad noqdo, waxaanu soo jeedinayna gudi ahaan Qodobadan:-

1. Waxanu mar labaad ayiddaynaa go'aankii goluhu ansixiyey, Dhexdhexaadna noqono sida ku cad go'aankii lambarkiisu yahay GG/JSL/Go'aan-04/08/2008 kuna taariikhaysan 18/08/2009 ee ka koobnaa 7 qodob.

2. si dhexdhexaadnimada Golaha Guurtidu u xaqiijisanto waa in aan xubnaha Goluhu ka mid noqon xisbiyada Siyaasiga ee Qaranka.

3. In Goluhu isagoo dhinaca maslaxada guud ka eegaya, wuxu ansixinaya wixi xal ah ee ay kusoo heshiiyaan seddexda xisbi qaran ee lagu soo afjarayo Muranka siyaasiga ee dalka ka taagan. Haddii ay ku heshiin waayaan Goluhu wuxu ku hawl-gelaya Waajibaadkiisa Dastuuriga ah.

Sidaa Darteed marka qodobada kor ku xusan la helo ayaa goluhu u gudbi karaa waajihi karaana wixi khilaafaad ah ee jira doorkiisana ka qaadan karaa.

Alla Mahad Leh
Magacyada Mudanayaasha.

1.Axmed Dirir Cali
2. Cabdiraxmaan Axmed Aaraye
3. Cabdilaahi Ibraahim Xirsi.
4. Cabdikariim Xuseen Yusuf
5. Maxamed Jaamac Abokor
6. Muxumed Aw. Axmed X. Adan
7. Cabdisalaan Maxamed Siciid
8. Aadan Shire Faarax
9. Cabdiqaadir Aw. Xuseen Mire
10. Axmed Muuse Obsiiye
11. Sahal Iidle Dirir
12. Cabdiqaadir Maxamed Xasan
13. Jaamac Faarax Axmed
14. Nuur Rayaale Kheyre
15. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax
16.Xirsi Ciise Jaamac
17. yusuf Cabdillahiwaale
18. C/raxmaan Sh. Yusuf Sh. Madar
19. C/rashiid Sh. Cabdillahi Adan
20. Maxamed Maxamuud Yaasiin
21. Saleeban Garas Seed
22. Axmed Daahir Jirde.

Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah

MO YUSUF
Hargeisa

No comments:

Post a Comment