Thursday 3 September 2009

QALAAMA-ROGADKA WADAADA IYO QALINSHUBATADA DIINTA!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

QALAAMA-ROGADKA WADAADA IYO QALINSHUBATADA DIINTA!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

Qaran-jabkii dhacay ee qararay qolafkii Dawladdii Soomaaliyeed, qalalaasihii xigay iyo dagaaladii sokeeye ee Qabiil Qabiil loo diray, wixii qasaaro naf iyo noolba lahaa ee ka dhashay laguma cibra qaadan, waxaa soo shaac baxay qaybo siyaasadeed oo kala qoqoban, waxay u sii xuub siibteen Qabqablayaal iyo hogaamiye-kooxeedyo, midba afar sar oo qabyo ah ku amar ku taaglayo, wixii qabqab dhaaf ahaa ee dhacay iyo qir iyo qir la kala istaagay, tanaasul la'aan iyo inaan la kala roonaan waxay na dhaxal siisay dhagar-qabayaal iyo dhiigyo cabyo aan dhimrin lahayn!.

Qabqablayaashii Dalka u diiday xasiloonida waxaa lagu eedayn jiray inay yihiin Iimaan laawayaal aan diin xaggeda war u hayan, waxaa lagu eedayn jiray inay yihiin Calmaami garab maray xigmaddii Islaamka, xalkana ka raadshay meel uusan jirin, intaas waxaa u sii dheer inay ahaayen kuwa ku huriya colaadaha Magaca Qabiilka, iyagoo u adeegsanaya danahooda gaarka ah, kuna awr-kacsanaya maan-gaabyada uu madax maray Qabiilku, dhaliilahaas iyo kuwa kaloo badan ayaa lagu far fiiqi jiray laguna xantaa wali.

Qabqablayashii qadka waa laga saaray waxayna ku biireen sacaboolayda Magaalada, waxaa booskoodi buuxshay Wadaaddo waran layaal ah, waxaa la sugayey inay dhaqamadii horay loo bartay aan la sii arkin, waxay ahayd in arxan darradii lagu sheegi jiray qabqablayaasha ay badali doonto naxariista Wadaadadu ay ka soo xigteen Diinta iyo Islaamka, waxay ahayd in Qabiilka xad loo yeelo ama qaabkii loo adeegsan jiray wax laga badalo, balse maxaa is badalay oo dhacay?!.

Wadaadadii isla markii ay la wareegeen hannanka talada waxay sameeyeen wax ka xun wixii ay samayn jireen Qabqablyaashu ama ka sarriigan jireen, waa midda hore waxay ka arxan darraadeen Qabqalyaashii, oo waxay isku dheeheen Diintii iyo Qabiilkii, halka Qabqablayaashu mid qura ku qaraaban jireen, naxariistii laga sugaayey waxay noqotay: GACMA LA GURO!, XIBNO LA JARO!, ILKA LA SIIBO!, ay sii wehliso dagaalka joogtada ah iyo madfaca aan xuduudka lahayn ee habeen iyo maalin lagu ridayo Maatida, naxariistii laga filaayey Wadaadada waxay noqotay cadaadis joogta ah iyo caburin xad dhaah ah, oon marnaba laga maqlin hogaamiye-kooxeedyadii, xaalku wuxu marayaa heer la fara gashto Salaadda Aayadaha lagu aqrinayo tiradooda iyo dhirirkooda iyo Iidul fidriga qofka la siinayo iyo sida lo bixinayo!.

Qabqablayaashii waxaa lagu dhaleecayn jiray inay kala qayb sanaayeen oo aysan ogalayn inay wax wada qayb sadaan, wixii la soo dhoodhoobana ay kala qoqobi jireen, iyagoo ku andacoonayana: LOOMA DHAMMA IYO WAA QABYO, mudduac iyo xujjana ay ka dhigan jireen, waxaase isla hilinkii maray Wadaadadii, wuxuuna qaalmo-rogodku la gaaray inay sidii tusbax furtay kala faniinaan, waliba ay uga sii xariif sanadaan ama uga fara dhuudhuub naadaaan Qabqablayaashii dagaalaynta iyo colaadaynta, is-rogroggii Wadaadada wuxuu isu dhaafay bidix iyo midig, waxay kala fariisten Aqalka madaxtooyada iyo safka hore ee Mucaaradka hubaysan!.

Qalin-shubatada Diinta waxay tahay ku qaraabashada magaca Diinta iyo in qiil iyo gabbaad laga dhigto Diinta, iyadoo laga been sheegayo si loogu berin-gaaro ama loogu gaaro dano gaara(Qabiil, ama Urur) iyo mid shaqsiyadeed, bal ila dhowra ninkaan Madaxa iyo gafuurku caddaaday ee Aayado badne ah waa Xasan Daahir Awayse ee ku doodaya bil Soon masaakin aan afur hayan in madfac iyo miino lagu afuriyaa inay tahay Jihaad ama diin Ilaahay loogu dhawaanayo!, waa su'ale muxuu idin kula muuqdaa?!, sow ma aan cajiib iyo cibaaro adduun nin cimrigaa ku jiree ku jimic sanayaa dhibka maatada la il daran gaajada iyo cudurada!, haddana Aayaduhu afkiisa ka burqanayaan, miyaan Aayadaha laga helayn qaybo sheegaya Dhimrinta, naxariista, iyo nabadaynta!.

Qalin-shibatadu badan kalana daran, Al-shabaab iyagu waaba safka hore ee hoojinta iyo halaajinta marasta, saan-caddaha halla sii daayo ama madax furasho halaga qaaato, Soomaaligana kurka halaga jaro afkana ciidda halloo galsho Al-shabaab unbaa laga hayaa ismase qabanayso!, Al-shabaabaase isku milay oo isku midabeeyey, intaas waxaa sii dheer sida caadada ah u adeegsiga Diinta dano gurracan oo aan u adeegayn jiriraanka Umadda Soomaaliyeed.

Qaalmo-rogodka Wadaadada wuxuu cadeeyey in wixii lagu eedayn jiray Qabqablayaasha ay ahaayeen wax aan cilmiyeysnayn ama aan ku fadhin caddaymo xoogan, maxaa yeelay Wadaadadii Diinta isla wadadii ayey mareen, balse waxaa u sii dheer qalin-shubadnimada ay Diinta ku mira guranayaan ama u maroojinayaan maha ay rabaan, waxaa ayaan darro ah in Qabqablihii noo badalo Qalain-shubato Diimeed iyo waranley Diimeed ee aan bil barakaysan iyo bil naxariiseed midna aan xaq dhowrayn!, xaalku wuxuu marayaa magaca Wadaad in laga CAWDU BILLAYSTO! maqalkiisa, Wadaad waliimaysta waxaa badalay Wadaad waran wata!, Wadaad Tusbax wata waxaa badalay Wadaad Tikiniko saaran!.

Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com

No comments:

Post a Comment