FALANQAYN BUUG : SHEEKH MADAR AASAASIHII HARGEYSA

1.0. Hordhac:
Buugaan waxa qoray Cabdirazaaq Caqli, waxana uu ka kooban yahay. Buugga kuma cadda gu’ga la soo saaray iyo meesha lagu daabacay. Guud ahaan buuggu si fiican ayuu u habeysan yahay, marka la eego sida ay taxanaha (silsiladda) dhacdooyinku isu daba yaalliin. Tiro dhan toban (10) sawir (madow iyo caddaan ah) ayaa sit eel-teel ah ugu dhex daadsan boggagiisa, oo muuqaalka ama tayada sawirradu aanay dhay (saafi) ahayn.
Buuggu waa sheeko sooyaal-qofeed (biography) koobaysa noloshii Sh. Madar oo ku caan baxay “Aasaasihii Hargeysa”.
Buugga waxa ka muuqda in qoruhu baadhitaan qotto dheer sameeyey oo uu adeegsaday ilo koowaad (primary sources) oo kala ah qoraalladii sahamiyeyaashii iyo ugaadhsatadii Ingiriis ee carriga Somaaliyeed socdaallo ku gaalaa bixiyey dabayaaqadii qarnigii 19-aad, iyo qoraallo u qoran qaabka Munaaqibka ama Qasiidooyinka ee ay xertiisa iyo qaar ka tirsan dirkiisuba u tiriyeen Sheekha muddooyin kala duwan. Qoruhu waxa kale oo uu adeegsaday ilo labaad (secondary sources) oo badiba uu ka helay dirkiisii iyo dad ku dhow-dhow maqaamka Sh. Madar ee Hargeysa.
2.0. Waxyaalaha iiga soo baxay buugga:
2.1. Hab-qoraalka buugga
In kasta oonan arag buug hore oo uu curiyey qoruhu, kan ha hor, hase yeeshee waxaan ogahay inuu ku caan baxay gu’yaashii 1975-1985 inuu af-Somaali u min-guurin jiray buug-yareyaal (booklets) Islaami ah sida Macaalim fi-dariiq (Sayid Qutb) iyo qaar kale oo badan oo Sacuudiga lagu daabacay, kuwaas oo qayb ka haa ololihii fidintii dacwadda siiba fikirka Wahaabiyada ee ay baalasha u ahaayeen badhaadhihii ka dhashay baatroolka Khaliijka, waxa buugga ka muuqda dadaal ballaadhan oo uu sameeyey si uu xog sugan u helo – marka la eego sida uu tixraaca u sameeyey.
Qoruhu wuxuu isku deyey inuu arrin walba si qotto isu dul taago dhacdooyinka iyo waayihii ku xeernaa Sh. Madar. Marka laga tago sooyaal-nololeedka Sheekh Madar, akhristuhu waxa uu ka heli karaa sooyaalkii dhacdooyinkii siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale ee ka jiray aaggaas dhuleed – in kastoo ay qofahaan iila muuqatay in mararka qaarkood si aan loo baahnayn uu ugu tiigaalayey faah-faahintooda. Waxa kale oo uu qoruhu milicsi sooyaal oo qurux badan ka bixiyey dariiqooyinkii diineed (sida Qaadiriyada, Saalixiyada iyo Axmadiyada) ee ka jiray carriga iyo loollankii ka dhexeeyey.
Buuggu si fiican ayuu u soo shaac bixiyey qofnimada Sh. Madar, sifooyinkaas oo ay ka mid yihiin: Aqoon qotto dheer oo diineed (20 sanno oo uu Herer wax ku baranaayey), hoggaamin (isagoo ahaa hoggaamiyaha guud ee dariiqada Qaadiriyada) , nabad-doonnimo (heshiisiinta iyo walaaleynta beelaha ku hareeraysnaa Hargeysa), samafalnimo (Hargeysa oo noqtay xilligii Sh. Madar meel dadka saboolka aad loogu gargaaro), diblomaasiyad (xidhiidhkiisii dibedda – Turkiga iyo Ingiriis). Arrimahaas oo dhami waxay suurto geliyeen in uu Sheekhu sabab u noqdo aasaadidda Hargeysa oo noqotay degsiimada ugu ballaadhan Somaliland. Ma filayo in xogta uu ururiyey Cabdirazaaq Caqli in cid kale ka diyaarin lahayd ama ka bixin lahayd Shiikha, marka la eego daneynta iyo iska-xil-saaridda uu qoruhu sameeyey, iyo weliba xeel-dheeridiisa cilmiga Tasawufka (anigoo weliba ogsoon in xilliyo hore uu bilaabay inuu af-Somaali u dooriyo kitaabkii Al-Qazaali “Ixyaa-culuum-u-ddiin”), waxaan se falanqaynteydan kaga hadlayaa waxyaabo aan is idhi qoruhu wuu il-duufin haddii aanu qaarkood badheedh uga teginba, kol haddii uu baadhitaan sidaas u ballaadhan sameeyey.
2.2. Gol-daloolooyinka iiga muuqday buugga iyo arrimo baadhitaan u baahan
o Markii aan buugga isha mariyey, judhiiba waxa indhaheyga soo jiitay is-bar-bardhigga laba sawir oo mid ku sawiran yahay dahaadhka (jeldiga) buugga oo Sheekh Madar keligii ku sawiran yahay, hase yeeshee markii aan barbar dhigay sawir kale oo ku yaal bogga 154 ee gudaha buugga oo ay ku wada sawiran yihiin Sh. Madar iyo nin la odhon jiray Cabdillaahi Maxamuud Hiraab, waxa ii caddaatay in sawirkii ninka dambe laga tirtiray, laguna soo reebay kii Sh. Madar si jeldiga loogu muujiyo keligii. Weliba haddii jeldiga loo fiirsado, waa la garan karaa madow yar oo ka sii muuqda meeshii sawirka laga baabi’yey.
Ninka sawirka kula jiray (ee haddana laga tirtiray) waxa uu ka tirsanaa beelaha laga tiro badan yahay. Arrintani waxay u muuqataa meel ka dhac lagula kacay qof xertii Sh. Madar ka mid ahaa oo weliba farsmo yaqaan dhinaca dhismaha, haqaajinta qoryaha, ugaadhsiga iyo u adeegsita Sheekha intaba lagu ogaa in sidaas foosha xun loo tirtiro. Waxa kale oo xusid mudan in ninkani sabab u ahaa in Sh. Madar nasiib u helo xarunta uu degganaa, ka dib markii uu ninkani libaax ka riday Lord Delamare oo lahaa guriga, ka dibna abaal-marin Shiikha u siiyey gurigaas.
o Qoruhu erayga “Somaliland” waxa uu u adeegsaday oo laga garan karaa sida uu meelo badan ugu sheegay inay ku koobnayd khariidadda maanta la isla yaqaanno ee dalka Somaliland. Hase yeeshee “Somaliland” waa tarjumadda erayada Carabiga ah ee “Berri Soomaal”, oo loola jeeday Berriga ay Somaalidu ku noolshahay, marka la barbar dhigo “Berri Carab”. Taas waxaan ula jeedaa, xitaa dhulka Kililka Shanaad, Koonfurta Somaaliya, Jabuuti intuba waxay ahaayeen “Somaliland” ama dhulkii Soomaalida. Markii ay “Somaliland” gaar ama goonni noqotay oo loo bixiyey “British Somaliland Protectrate” waxay ahayd bishii May 1891 ka dib heshiiskii soohdimeed ee dhex maray Ingiriiska iyo Talyaaniga.
o Qoruhu waxa uu isku dhabar jebiyey xaqiijinta in Sh. Madar uu ahaa aasaasihii Hargeysa, isagoo deedafeynaya in deegaanka looga soo horreeyey ama lagu marti-qaaday inuu la dego cid meesha deegaan u ahayd si uu diinta u baro.
“Dadka qaar ayaa marka laga wareysto bilowgii degitaanka Hargeysa u yeela arrinka weji qabiilnimo, tiiyo ay ku andacoodaan inuu Sh. Madar ugu yimid reerkooda markii uu soo degay Hargeysa. Dadkaasi oo ka kala tirsan reeraha kala dawn ee Hargeysa maanta dega, wuxuu mid walba oo ka mid ahi ku dedaalaa inuu reerkiisa ka dhigo reerkii degi jiray Hargeysa markii uu Sh. Madar yimid, iyagoo mararka qaarkood tilmaamaya inay odoyo reerka ka tirsan keeneen Sh. Madar Hargeysa, si uu diinta u baro”(Bogga 60)
Qof-ahaan waxa ay iila muuqataa in doodda qoraaga ee sugaysa in Sh. Madar Hargeysa aasaasay inay wax ka jiraan, hase yeeshee dhinaca kale aanan ku raacsanayn inuu iskii u yimid, bal se reer ka mid ah qabiilooyinka deegaanka degganaa ay marti-qaad u fidiyeen inuu la soo dego. Caddaymaha aan adeegsanaayna waxaan kala soo dhex baxay buugga uu Cabdirazaaq Caqli qoray laf-ahaantiisa.
Qoraagu waxa uu sheegay in Hargeysa ahayd meel waaq la’ ah. Ceel laga cabbaana jirin. Ceelka Xaraf iyo Dhogor (Aw Barkhadle) aaney jirin meel u dhexaysay oo laga cabbi jiray, oo uu markaas xertiisii dejiyey qoobtaas aan biyaha lahayn, loogana soo dhaamin jiray Dhogor. Waxa se xiise leh oo u baahan in hoos loo dhugto hadalka qoraaga ee odhonaaya:
“… wararka afka la inoogu soo tebiyey waxay sheegayaan in ugu horreyntii halkii uu ka degay Hargeysa ahayd meel ku beegan meesha loo yaqaan Dabada Cadaadda. Hase ahaatee markii loo adkeysan waayey qaniinyadii kaneecada badan ee goobtaasi lahayd, loo soo digo rogtay taagga yar e xaafadda loo yaqaan Jamaaca weyn..”(bogga 78)
Qoruhu waxa uu xusay in reeraha Soomaaliyeed qolo waliba ceelasha deegaankooda ku beegan u aroori jireen. Kolkaa sida la ogsoon yahay, Dabada Cadaaddu waa duleedka tuulada Haleeya ee bariga Hargeisa.Cidda degta ama degi jirtayna waa la yaqaanaa. Waana la og yahay in weligeed ay biyo joogto ah lahaan jirtay iyada iyo Xaraf, Dhogor (Aw Barkhadle) iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin Beeyo Shalax-shalax (una dhexaysa Halleeya iyo Aw Barkhadle). Waxa haddaba is weydiin mudan: Miyaan tani marag u noqon karin in reer Halleeya marti-qaad u fidiyeen Sh. Madar in uu la dego? Sidoo kale, kol haddii uu qoraagu xusay in beelaha xafiiltan ka dhexeeya, muxuu Sheekhu bilowgiiba u degi waayey meel aan cidina sheegan si uu u ilaaliyo dhex-dhexaadnimada xertiisa? Ma laga yaabaa sababta uu Halleeya iyo Dabada Cadaadda uga soo guuray una degay goobta loo bixiyey Jamaaco Weyn inay ahayd inuu Xarun madax bannaan ka sameeyo goobtaas lama galaan/lama degaanka ahayd (buffer zone) ee u dhexaysay reer Haleeya iyo reer Xaraf?. Guuritaanka Xerta oo ay keentay iyagoo u adkeysan waayay duumadii ka dillaacday Dabada Cadaadda, miyaan marag u noqon karin in Haleeya ay ahayd meel biyo joogto ah leh oo suurto gelisay inay soo jiidato dadka iyo xoolahaba? Miyaan sidoo kale la odhon karin in Sh. Madar uu rabay inaanu cid marti u noqon e, hase yeeshee isaga marti loo noqdo? Runtii markii uu Dabada Cadaadda degay cid waliba marti ayey u noqoto.. ilaa facaca maanta deggan.
Haddaba waxa lagu soo ururin karaa arrinkan in Sh. Madar ku yimid aagga dooxada Maroodi Jeex martiqaad ay beesha Haleeya/Dabada Cadaaddu u fidisay. Waxa kale oo iyaduna maan gal ah, markii uu taagada loo bixiyey Jamaaco Weyn u guuray inuu isagu sidaas ku noqday Aasaasihii Hargeysa. Waxa xusid mudan in Jamaaco Weyn ay u jirto masaafo is le’eg labada tuulo ee Haleeya iyo Xaraf oo laba beelood kala degaan. Waxayna ahayd siyaasad wacan inuu dhex-dhexaadnimo xertiisa ku ilaalsho – waayo sidaas ayey dan iyo dheefiba ugu jirtay.
o Saddex sheeko-baraley:
Waxa uu qoruhu xusay in Sh. Madar sabab u ahaa in Hargeysa biyo laga helo ka dib markii uu weysadiisii biyeysnayd gunta dalool yar uga sameeyey, ka dibna isaga iyo xertiisi socod kasoo bilaabeen galbeed magaalada ilaa barigeeda. Intii ay biyihii weysadu ku tifleeyeenna tahay inta maanta biyaha laga helo (bogga 71).Waxa kale oo qoruhu xusay in masaska Hargeysa iyo kaneecadeeduba aanay waxa dadka yeelin oo uu Sh. Madar uga duceeyey dadka (boqqa 73). Qoraagu kuma uu qefin inuu soo guuriyey ku-tidhi-kuteenka jaadkan oo kale ah, hase yeeshee waxa ay muujinaysaa sida ay dadkeennu wax walba isaga rumeystaan.
Haddii aynu kaba soo qaadno in ay dhacdooyinkan wacdaraha lehi ay ahaayeen karaamo uu lahaa Sheekhu, oo markaana ay suurto gal noqon karto inuu ku kici karo arrimo kalena – tusaale ahaan in caleenta galoolkii tirade badnaa oo kale noodh lacageed u beddelo iwm, waxa is weydiin leh maxaa ku xambaaray Sheekhu inuu si jaban wax u weydiisto gaal sahamiyey/ugaadhsato ahaa oo Hargeysa ku soo booqday. Dhacdadan oo aanu Cabdirazaaq Caqli buuggiisa ku qorin oo uu C.V.A. Peel ku qoray dhiganihiisii “Somaliland” waxay u dhigan tahay sidan:
“Goor casar dheere ah, waxa na soo booqday Sh. Madar, oo ah nin muuqiisa iyo hugiisaba aad u daneeya. Waxa uu ahaa nin qurxoon oo gadh cirro ah leh, kuye “Salaam” isagoo gacan-qaad igu xejiyey. Si fiican ayey sheekadi isugu kaayo dhacday (mahadna waxa leh af-celiyahaygii – tarjumaankaygii). Waxaan weydiiyey waxa ay ku sugan yihiin xoolihiisu, wuxuuna iigu eray celiyey “bar-laawe ayaan ahay”, ka dib waxa uu i weydiiyey tiro intee le’eg oo libaaxyo ah oon dilay, oon anna ugu eray-celiyey “waxbana”. Hakad hadal oo yar ka dib, waxa uu i weydiistay hadiyad. Kolkaasbaan baadh-baadhay kolleygeygii, waxanaan ka helay lix middiyood oo ah kuwa jeebka (kuwa laablaabma), waxanaan weydiiyey inuu ka miidho (ka doorto) mid. Si dhaqso leh ayuu ugala dhex baxay tii ugu fiicnayd, markaasuu haddana i weydiistay inaan wax kale siin karo, hase yeeshee markii aan “MAYA” ugu eray-celiyey, ayuu qunyar ka lugeeyey taambuugeygii (teendhadii) isagoon dhihin “mahadsanid” iyo “nabad-gelyo-toona”.(Bogga 20)
o Xidhiidhkii Ingiriis iyo Sh. Madar:
Xidhiidhka Ingiriis iyo Sh. Madar waxa la odhon karaa inay yihiin kuwo ay xog badani ku laaban tahay. Qoraaguna meelaha qaarkood waxa uu si cad ugu sheegay inuu Sheekhu hawl-fududeeye u ahaa Ingiriiska oo uu gaar ahaan sahamiyeyaasha iyo ugaadhsatada Ingiriis socdaalkooda u fududeyn jiray, isagoo dhambaallo gacan-siin ah ugu qori jiray culimada dhulalka durugsan deggan (bogga 183) si aan dhibaato loo gaadhsiin, socdaalkana loogu fududeeyo. Si la mid ah Swayne waxa uu qoray “Sh. Madar a steady supporter of British Interests”[1], taasoo micnaheedu yahay {Sh. Madar wuxuu ahaa mid danaha Ingiriiska si aad ah u taageera}.
Ingiriisku waxa uu u aqoonsaday Sh. Madar madaxa dariiqada Qaadiriyada ee carriga Somaliland (bogga 183). Sidoo kale, Ingiriisku Qaadiriyada marnaba nacab uma uu arkeyn, marka la barbar dhigo Saalixiyadii uu madaxa u ahaa ina-Cabdille Xasan. Qaadiriyadana had iyo jeer waxa lagu yaqaan maamul kasto oo ay ku hoos dhaqan yihiin ay taageeraan.
Haddaba arrinta ugu xadantada badan (xasaasisan) ee uusan qoruhu soo ban-dhigin waxay tahay in taageeradaas xad-dhaafka ah ee Sheekhu Ingiriiska u hayey ay mararka qaarkood gaadhay in warar iyo xogo xadanto lehi u kala gudbaan Somaalida iyo Ingiriiska.
Si aynu u iftiiminno arrintan, waxa jirtay in gu’gii 1899 uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan dhambaal u diray Suldaan Diiriye Suldaan Xasan (Ciidagale), isagoo ka digaaya hawl-gallada gaaleysiinta ee Ingiriisku ka waday dalka – siiba meesha lagu magacaabo Dhaymoole. Hadalladii ku qornaa dhambaalkaas waxa ka mid ahaa: “Sow ma aragtaan inay gaaladii baabii’yeen diinteennii iyo inay carruurteennii ka dhigeen carruurtoodii[2]”, ayaa ka dib waxa caddaatay in qoraalkaasi gaadhay Ingiriiska. Waxay taariikhdu xusaysaa waraaqdaa markii laga dhex akhriyey shirweyne Suldaan Diiriye ka talinayey waxa kacay bulaan xagga diinta ah iyo dabayl bari ka soo dhcaysa[3]. Sida ku cad qoraal uu qoray Wakiilkii markaa Ingiriiska u joogay Berbera, oo uu ku socodsiinayey Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska, waxa uu qoraalkaasi ku bilaabmay sidan soo socota:
“Waxaa sharaf ii ah inaan halkan kuugu soo lifaaqo tarjumad waraaq wadaadka Maxamed Cabdille Xasan uu u diray Ciidagale, gaar ahaan sida uu isugu deyey in uu u beer-laxawsado oo ka gooyo daacadda ay noo yihiin. Iyadoo ay warqaddu hadda i soo gaadhay, waxa la maleyn karaa in Suldaanka Ciidagale oo ah Suldaan Diiriye uu helay warqaddaas muddo laga joogo laba bilood, maxaa yeelay Sheekh Madar wuxuu iigu sheegay inuu xilligaas Suldaan Diiriye ka helay farriin uu wadaadka (Sh Madar) ku weyddiisanayo inuu kala taliyo inuu ku biiro (ina Cabdulle Xasan) iyo in kale…”
Waxa hadalkan laga garan karaa in Suldaan Diiriye arrin uu la sireystay Sh. Madar uu Sh. Madar gaadhsiiyey Ingiriiska. Waxa weliba xusid mudan in ay Sh. Madar iyo Suldaan Diiriye ay lahaayeen xidhiidh soke oo Cabdillahi Sh. Madar qabay gabad uu dhalay Suldaan Diiriye.
o Xilligii uu socday qalalaasihii uu kiciyey ina-Cabdille Xasan (1895-1920), waxaynu xusi karnaa laba dhacdo oo Sh. Madar ka dhex muuqday oo la xidhiidha isku-dey lagu faruur-xidhaayo (lagu xakamaynaayo) dhaqdhaqaaqii ina-Cabdille Xasan: Ka hore oo uu Cabdirazaaq Caqli ku xusay dhiganihiisa waxa uu ahaa dood aqooneed oo la xidhiidhay diinta oo dhex martay ina-Cabdille Xasan oo markaa (1897) bilaabay dariiqada Saalixiyada oo dhinac ah, iyo dhinaca kale oo ahaa wadaaddo dhowr ah oo uu hoggaaminaayey Sh. Madar; dooddaasi waxay ka dhacday magaalada Berbera.
Dhacdada kale oo aanu Cabdirazaaq Caqlina ku xusan dhiganihiisa waxay ahayd ergo saddex sheekh[4] ka tirsan oo markii uu ina-Cabdille Xasan dalkii geliyey qalalaashe isugu jira nabad-gelyo-darro, dil iyo dhac u amba-baxay Makka si ay in-Cabdille Xasan uga ashkateeyaan Sheeku dariiqihiisii oo la odhon jiray Sh. Mohamed bin Saalax Al-Rashid. Dhacdadani waxay ku dambeysay in Sh Maxamed bin Saalax uu aad uga cadhoodo falalka ina-Cabdulle Xasan, oo uu u soo diray dhambaal aad u kulul oo uu ku xusay inuu diintii Islaamka ku tuntay, kuna goodiyey inuusan xidhiidh dambe la samayn doonin haddii aanu ka waantoobin falalka foosha xun ee uu ku eekaysiiyey carrigii Soomaaliyeed. Arrintani waxay qayb libaax ka qaadatay nayad-jebintii iyo kala-furfurankii awooddii ina-Cabdille Xasan. Waxa se xusid mudan in dadka ina-Cabdille Xasan u dhisaaleeyey taariikhda been-beenta ah, iyagoo badi u yeelaya sidaas sababo qabiil awgood, inay dhambaalka Sh. Maxamed bin Saalax usoo diray ina-Cabdille Xasan ku tilmaameen inuu ahaa mid la been-abuuray, isla markaana lagu beddelay qoraal waano fudud ahaa oo uu sheekhaasi usoo diray ina-Cabdille Xasan.
3.0. Gebo-gebo
Dhiganaha (Buugga) marka aad si fiican ugu dhabbo gasho, waxa la moodda in qoruhu u dhaqmay sidii arday barihiisii (macallinkiisii) wax ka qoraaya, oo dhinac keliya uu wax ka eegaya. Waxaan hubaa in arrimaha aan ku xusay iyo qaar kale oo aan moogganahayba ay soo if-bixintoodu qiimo iyo xiise badan u yeeli lahaayeen buugga.
Siday tahayba, haddii loo hollado in sooyaal-qofeed la qoro, waxa habboon in dhinac kasta la iska taago falliimaha (wax-qabadkii) iyo hab-dhaqankii cidda waxa laga qoraayo. Waxa habboon in ay sheekadu si le’eg u muujiso meelaha uu qofka laga sheekaynayaa ku fiican yahay ama ku xooggan yahay iyo sidoo kale meelaha la odhon karo inay liidasho kaga jirto. Ogowna, dhamaanteen, wadaad iyo waranleba, kol haddii aynu nahay ilma-Aadan, innagama madhna nuqlaani “wa khuliq-al-Insaanu daciifaa”. (Qur’aan: Suurah an-Nisaa 4:28).
Taariikhda uma akhrinno waqti-dhaafis iyo madadaallo oo keliya, hase yeeshee waxa ku dhex duugan waayo-aragnimooyin, casharro iyo wax-lagu-qaateen (cibrooyin); kolbana marka ay runta u dhowdahayna waa marka wax laga baran og-yahay. Haddii kale, waxay qayb ka qaadan kartaa majaro-habaabin, waayo xog kala dhantaalan ayaad talo-goosigaaga ku dhisi kartaa.
Ugu dambeyn, iyadoo ay jirto qaddarinta iyo maamuuska ay innaga mudan yihiin culimadeennu mid hore iyo mid dambeba, waxaan rumeysnahay in marka sooyaal laga hadlaayo inay habboon tahay in muuqaal dhammeys-tiran laga bixiyo qofkaas, balse maanka lagu hayo laba qodob oo kala ah: ka-run-sheegnimo (daacadnimo), iyado ugu horreynna qoruhu naftiisa ka run sheego inta aanu dadka kale ka daacad noqonin. Qodobka labaadna waa ilaalinta waxyaalaha bulshadu qiimeyso (qiyam) iyo anshax guud. Ogowna, tallaabooyinka jaadkan oo kale ahi waxay uun soo ban-dhigi doonaan nololsha foolasha-badan (wejiyada badan) ee cidda laga hadlaayo; kolbana marka wax laga sii ogaado ayey si le’eeg xiisuhuna sii ballaadhanayaa.
Sooyaal-qoraalkan aan halkan ku gorfeeyey ma noqon doono kii ugu horreeyey, mana noqon doono kii ugu dambeeyey. Gorgeyntaydanina waxay tusaale u noqon kartaa qoreyaal dambe oo qalinka u qaadan doono inay wax ka qoraan qofyaal bulshadeenna ka soo jeedda/jeedday oo raad muuqda kaga tegay ama kaga tegi doona.
Waxa se loo baahan yahay in sido kale maanka lagu hayo maah-maahda Somaaliyeed “Eebbow aqoon-darro ha nagu cadaabin, eexashona ha nooga tegin”. Waa inaynu dhacdooyinka ka run sheegno – inta karaankeenna ah, isla markaana ay tixraac sugan u yeelno. Awoodda qalinka weynu ogsoonnahay, waanuu ka xanaf badan yahay hadal afka laga yidhaahdo (the pen can be mightier than the sword). Waxa aad se qoraatna waa markhaati aan tirtirmeyn.
Waxaan kusoo gunaanadayaa mid ka mid ah Afarreydii (Rubayciyaat) Cumar al Khayaam
The Moving Finger writes; and, having writ,
Moves on: nor all your Piety nor Wit
Shall lure it back to cancel half a Line,
Nor all your Tears wash out a Word of it
“The Moving Finger writes, and, having writ;
Moves on: Nor all your Piety and Wit,
Shall lure it back to cancel half a Line,
Nor all your tears wash a Word of it”.
“Gacan Socotaa wax bey qoreysaa, markay qortona;
Wey sii wadda (qoraalka): Alle-ka-cabsigaaga iyo Fariidnimadaada midkoodna (haddaad adeegsato)
Kuma sasabi karaan inay tirtiraan Sadar badhkii (oo qoran),
Ilmadaada oo dhamina ma maydhi karto Xaraf (qoraalka) ka mid ah.”
Waxa qoray: Ahmed Abdi Dalmar
Ahmed Abdi “Dalmar” dalmarnow@hotmail.com

No comments:
Post a Comment