Friday 4 September 2009

M/WEYNE OBAMA OO AFUR U SAMEEYEY MUSLIMIINTA MARAYKANKA

M/WEYNE OBAMA OO AFUR U SAMEEYEY MUSLIMIINTA MARAYKANKA

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa todobaadkan afur u sameeyey xubno sar sare oo kamid ah Muslimiinta ku dhaqan dalka Maraykanka iyadoo xafladaasi ka dhacday Aqalka Cad kana soo qeyb galeen xubno sar sare oo kamid ah maamulkiisa iyo Golayaasha Maraykanka.

Image and video hosting by TinyPic

Xafladan Afurka ah oo maalinimadii Isniintii ka dhacday Xarunta laga maamulo dowlada Maraykanka ee White House-ka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey xubno si gaar ah loo casumay oo kamid ah Muslimiinta ku dhaqan dalkaasi, oo ay ku jiraan labadii Xildhibaan ee u horeeyey oo Muslim ah oo xubno ka noqda Congereska dalka Maraykanka.

Obama ayaa horey wakhtigii Ramadaanka bilaabntay dhanbaal u diray muslimiinta caalamka, ayaa xafladii todobaadkan si gaar ah uga hadlay Muslimiinta ku dhaqan dalka Maraykanka.

Image and video hosting by TinyPic
Obama ayaa sheegay in Bisha Ramadaan ay tahay mid dhamaan Muslimiinta caalamka ay si weyn uga faa’iideystaan inay noloshooda si weyn ugu xidhaan cibaadadooda, isagoo sidoo kale sheegay in muslimiinta ku dhaqan dalka Maraykanka ay kamid yihiin si weyna uga dhex muuqdaa, bulshada Maraykanka caana ka yihiin;

Ganacsiga, Waxbarashada, Sayniska, caafimaadka iyo waliba Sportiga,

HALKAN KA DAAWO AFURKA


Isagoo sheegay in xafladaasi ay si gaar ah ugu xasuusanayaan bisha Barakeysan ee Ramadaanka iyo waliba horumarka ay muslimiinta kusoo kordhiyeen Bulshada Maraykanka.

Obama ayaa sheegay in Muslimiinta ay u doodaan xuquuqdooda ku aadan cibaadeysiga iyo waliba diintooda.

Wuxuu Obama si gaar ah uga hadlay khudbadiisii uu halkaasi kasoo jeediyey, haweenay lagu magacaabo Mushala Hern, oo ka timid gobalka Oklahoma, oo hada ka hor iskuulkii ay tegi jirtay looga diiday inay xidhato Xijaabka, ayadoo arrintaasi maxkamada u gudbisay kuna guuleysatay in xaquuqdeeda la dhawro loona ogolaado inay Xijaabkeeda u qaadato Iskuulka.

Obama ayaa sidoo kale kusoo dhaweeyey gabadh lagu magacaabo Biliq Cabdulqaadir oo uu sheegay inay jabisay Recodhkii dhibcaha ciyaaraha Basketballka ee gobalka ay kasoo jeeda, asagoo ku sheegay Biqil iney tahay gabadh muslim ah oo dhanka waxbarashada aad ugu fiican isla markaana tusaale u ah dhamaan haweenka Maraykanka, gaar ahaan haweenka Muslimka ah.

No comments:

Post a Comment