Friday 4 September 2009

DAWLADA MARAYKANKA OO WALAAC KA MUUJISAY XAALADA SOMALILAND

DAWLADA MARAYKANKA OO WALAAC KA MUUJISAY XAALADA SOMALILAND

Agaasimaha guud ee waaxda Africa u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, Donald Yamamoto, ayaa sheegay in Mareykanku uu si weyn uga walaacsan yahay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, iyo dib u dhigista doorashada.

Donald Yamamoto, oo ka hor intii aan jagada uu hadda hayo loo magacaabin ahaa danjiraha Mareykanka u fadhiya Ethiopia, ayaa sheegay in walaaca ay qabto dowladda Mareykanka uu ku saleysan yahay welwel ay ka qabaan in xiisadda siyaasadeed ay horseeddo dhibaato kale.

Danjire Yamamoto wuxuu sheegay in dhowr bilood kahor uu magaalada Addis Ababa kula kulmay madaxweyne Dahir Rayaale Kahin, kalana hadlay xiisadda siyaasadeed.

“Waxaan ku dhiirri galinay madaxweynaha in isaga, baarlamaankiisa, xukuumaddiisa iyo axsaabta siyaasdeed, inay isku af-gartaan hannaan doorashadu u dhacdo. Annagu uma yeerineyno, kumana sandulleyneyno inay qaataan hannaan gooni ah. Balse waxaan dooneynaa in la helo hannaan loo dhan yahay, kaas oo horseeda doorasho xor ah oo waliba hufan.” Ayuu yidhi Mr Yamomoto

Donald Yamamoto, agaasimaha waaxda Africa ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, wuxuu intaas ku daray in dibu dhig dambe oo ku dhaca doorashada uu yahay mid aan habbooneyn. Waa laga quman yahay buu yiri in sida ka dhacda meelaha qaar Africa, in xisbiga talada haya uu beddelo dastuurka, ama hannaan doorashada, si uu u hubiyo inuu jagada kusii nagaado.

Yamamoto ayaa sheegay in Somaliland ay tusaale wanaagsan u aheyd dalal badan oo African ah. Ma wanaagsana inay sumaddaas dib uga laabato sida uu sheegay Mr Yamomoto.


Donald Yamamoto wuxuu ku celceliyey in muhimadda koobaad ee uu Mareykanku ka leeyahay Somaliland, inay tahay in dhinacyadu ay hore u socdaan, oo ay soo afjaraan ismarin-waaga.

Wuxuu sheegay in danjiraha Mareykanka, iyo waliba kan Britain u fadhiya Nairobi, inay isku taxallujinayaan la socodka howsha meesha ka socota. Balse wuxuu sheegay in tan iyo sanadkii 2000, aan loo oggoleyn danjirayaasha Mareykanka inay Somaliland tagaan.

Danjire Yamamoto mar la weydiiyey in Mareykanku uu dhaqaalaha $20 milyan ee dollar gaaraya ee uu siiyo Somaliland, inuu u isticmaali doono aalad cadaadis, haddii ismarin-waagu sii socdo.

ayaa waxa uu sheegay in taageerada dhaqaale ee Somaliland maraykanku siiyo ay u badan tahay mid bani’aadannimo, mana dhaceyso in dad tabaaleysan lagu ciqaabo xurguf ka dhaxeysa siyaasiyiin.




Mr. Yamamoto, agaasimaha guud ee waaxda Africa u qaabilsan wasaaradda arrimaha dibadda, wuxuu sheegay in walaaca laga qabo hanjabaadda Al-Shabaab aysan Somaliland ku sinneyn, balse ay la wadaagaan dalalka dariska, sida Djibouti, Ethiopia iyo xitaa Kenya.

Mr Doland Yamamoto oo wax laga weydiiyey mowduuca aqoonsiga Somaliland, kaas oo dad badan oo reer Somaliland ah ay rumeysan yihiin in caalamku uu u dabrayo koonfurta Somalia ee ay colaaduhu ragaadiyeen., ayaa sheegay in arrinta aqoonsiga, ama calaaqaadka, aanay ahayn mid u taalla Mareykanka, waxaana uu sheegay in ay u taallaa Midowga Africa, Qaramada Midoobay, iyo waliba Somalia xitaa.”


Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu daneynayo inuu calaqaad la yeesho Somaliland, balse inay habboon tahay in Hargeysa ay dadaalkeeda kasoo billowdo dhanka Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay.

No comments:

Post a Comment