Monday 7 September 2009

MUDAAHARAAD LAGAGA SOO HORJEEDO MUSLIMKA OO KA DHACAY MAGALDA BIRMINGHAM EE DALKA UK

MUDAAHARAAD LAGAGA SOO HORJEEDO MUSLIMKA OO KA DHACAY MAGALDA BIRMINGHAM EE DALKA UK

Image and video hosting by TinyPic

Magaalada Birmingham ee caasimada labaad ee dalka Ingiriiska, ayey shalay ka dhaceen mudaharaadyo rabshado wata, kadib markii koox cunsuriyiin ah isku dayeen inay magaalada ka dhigaan mudaharaad lid ku ah Islaamka.

Kooxda English Defence League ayaa magaalada Birmingham ka bilowday maalinimadii Sabtidii mudaharaad ay sheegeen inay uga soo horjeedaan diinta Islaamka oo ay sheegeen inay kusii fideyso magaaladooda.

Magaalada Birmingham ayaa ah magaalo ay degen yihiin dad aad u badan oo Muslim ah, isla markaana kamid ah magaalooyinka ugu muslimka badan dalka Ingiriiska.

Banaanbaxa ay dhigeen kooxda English Defence League ayaa markii danbe isku dedalay mudaharaad rabshado wata, kadib markii ay gacanta isula tageen kooxo kale oo ayaguna kasoo horjeeda banaanbaxa ay wadeen kooxda lagu tilmaamo inay yihiin cunsuriyiin.

English Defence League ayaa ah mid xiriir laleh xisbiga dhanka midiga ee BNP (British National Party) iyo waliba kooxaha kale ee cunsuriyiinta ah ee ka jira dalkaasi Ingiriiska.

Waxayna rabshadihii ka dhacay magaalada Birmingham ay Booliiska xaqiijiyeen inay kusoo qabqabteen dad ka badan 20 ruux.

Maaha markii ugu horeysay oo rabshado noocaan ah ka dhacaan magaalada Birmingham, oo ay hada kahor isku dhaceen dadka ajnabiga ah iyo kuwa kale ee Ingiriiska ah ee kasoo horjeeda tirada dadka ajnabiga ah iyo kuwa kale ee kasoo jeeda wadamada kale ee kusii kordhaya magaaladaasi.

Waxaa had iyo gooraale la saadaaliyaa in rabshadaha noocaan ah iyo weliba falal danbiyeedka la xariira jinsiyada ay sii bataan xiliyada ay dalalka Yurub ka jiraan xaalado dhaqaale xumo iyo shaqo la’aaneed.

Axmed Xasan Khayre
UK

No comments:

Post a Comment