Sunday 6 September 2009

WAR DEG DEG AH: KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO SHEEGAY IN AANAY SUURA GAL AHAYN DOORASHO 27 SEP

WAR DEG DEG AH: KOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO SHEEGAY IN AANAY SUURA GAL AHAYN DOORASHO 27 SEP

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta sheegay in aanay suurtagal ahayn in doorashada madaxtinimada Soomaliland qabsoonto 27ka September ee hore loogu cayimay.
Shirkan ay komishanku ku gaadheen go’aankooda oo ay u dhamaayeen todobada xubnood ee guddida doorashadu ka kooban yahay, ayaa waxay si wada-jira u gaadheen inay duruufaha lagu jiraa ay leeyihiin tix-gelintooda,

Sidaa daraadeedna waxay go’aamiyeen qodobadan in lagu dhaqmo:

1 In laga noqday go’aankii ahaa diwaangelin la’aan in doorashooyinka lagu galo taas oo ay hore u ansixiyeen afar xubnood oo ka mid ah komiishanka doorashooyinka, madaxweynuhuna uu taageeray.
2 Inaanay Suurtagal ahayn qabashada doorashooyinkii xiligii loo mudeeyey oo ku beegnayd 27 September 2009, iyaga oo sheegay inay ka eegeen dhinacyada Farsamado ee Siyaasada, iyo dhaqaalahaba.
3 Inay Fursad siiyaan waan-waanta socota ee dib-u-heshiisiinta Xisbiyada qaranka Inay ka dhursugaan heshiis ay u dhan yihiin sadexda Xisbi qaran oo lagu mudeeyo xiliga ay doorashadu suurtagal noqon karto iyo qaabka lagu gelayo.

Ugu danbeyntii waxay xubnaha komiishanku ugu baaqeen Xisbiyada qaranka, Golayaasha xeer-dejinta iyo Xukuumada in dalka dib loogu soo dabaalo tallo loo wada dhan-yahay iyo dhaqansamaantii dalkeena looga bartay.

Komishanku muu sheegin waqtiga ay doorashadu qabsoomayso laakiin waxay caddeeyeen in muddo kordhin iyo dib u dhigis loo baahan yahay. Arrintani waxay sii murginaysaa siyaasadda cakiran ee dooroshooyinka Somaliland.

WARQABDKA TOGAHERER
HARGEISA

No comments:

Post a Comment