Monday 7 September 2009

DOQON MILANTAY & GEESI MALLAFSI BARTAY WAY ISKU MIYIR DOORSOOMAAN

DOQON MILANTAY & GEESI MALLAFSI BARTAY WAY ISKU MIYIR DOORSOOMAAN

Image and video hosting by TinyPic

Waxan marka hore umadda reer Somaliland ugu hanbalyaynayaa bisha barakaysanee ramadaan ee badhtanka loogu jiro ilaahay khayrkeeda ha inna siiyee.



Marka labaad anigoo in muddo ahba ka yara maqnaa saaxadda wacyi galinta iyo bararujinta dadka ,ama aragti soo gudbinta wax dhiba ugamaan maqnayne baylaho isku kay gaadhaybaan kala gurayayoo markan ka bogtay , hadda waxan usoo tafa xaydanahay inaan dalkaygii hooyo imaaddo oo an dadkayga la wadaago dhabatada guulaamooyinka iyo ufooyinka siyaasadeed ee dalkii hooyo ka dhacaya , dhibaatana uma arkoo meel lagu murmay maara lahelbay soomaalidu tidhaa .



Hadaba hadii an ka dhaqaaqo bartilmaameedkaygii ahaa ilaalinta danta guud iyo run iyo dhiirani ku hadalka wixii an maanka axadhashadiisa ku helo ( waa sidaan is leeyahaye ) , kollayba dadka qaarna way la xumaataa sidaan waxu dhigaa dadka qaarna qaab kale oo ka geddisanbay u arkaan wax sheegayga , aniguse jafladaydaan iska wataa iyo habarbaa iska hawhawlee heellada inoowada e .



An biyo dhacee maanta dalkii hooyo waxa ka taagan dhibaatto siyaasadeed oo ka dhalatay siday aniga ila tahay madaxdii iyo siyaasiyiintii umadda muxaafid iyo mucaaridba oo kusoo caana maalay amma kasoo hoos shaqeeyey maamul iyo talis aan waxba u hanbayn tala wadaagga diiwaankana aanay uguba jirin in wadari go aamiso talada dalka , siyaasiyiinteenna oo uu maankooda saaqay xukkun iyo kursi jacayl labada garabee muxaafid iyo mucaaridba ayaan u yaraysan sidii ay u hanan lahaayeen kursigaa siday doonto ha noqotee.



Dhinaca kale waxa aan waxba laiskaga tiring oo meel cidla ah sawaxankooda ka dacawa eegaysa, umadda reer soomalilandoo dhibaatadii loo gaystay awgeed aanay weli u bilawnayba inay aqbal keen noqdaan oo ay u hogaansamaan arrinkeenkooda markaa talada haya , welina ay shookaddu kaga go antahay dawlad la dhagaxtuuro oo laga hor yimaaddo .

Dalna sidaa kuma dhismo umadina sidaa kuma hore marto .



Hore ayaan u shegay in madaxweynuhu ku dagdagay laailsta liiskii booshaaqqa ahaa isagoo aan arintaa wax ka siin hay adihii la wadaagay go aan ka gaadhka arrintaa , hase ahaatee dadaalo dublamaasiyadeed oo cuffan kadib wuu ka noqday madaxweynuhu laalistaa waxana la isla meel dhigay in xareedinta liiska ajada ah loo saaro khubaro arintaa ku xeel dheer , isla khubaradaasina ay go amiyaan mudada ay kusoo dhamaystirayaan hawshooda si loo galo doorashadan inna ragaadisayee dhiigga inaga yaraysay , ilaa markaana sheekadu may xumayn, waxayse sheekadu xumaattay (wax ay ka dideenba mooyaane ) kadib markii mucaarid ku is tusay waddo ka dhaw doorashada oo ay ku hanan karaan kursiga madaxweynenimo ay lana yimaadeen Taktika siyaasadeed oon lagu ballamin oo u eeg inqilaab siyaasi ah ,( waa mooshinka ah in madaxweynaha kalsoonida uu goluhu kala noqdo ) iyo ka kale ka hor geeda ahee ( guddoomiyaha golaha wakiilada kalsoonida lagala noqonayo ) arimahaasoo is barkanbaa mustaqbalkii umadda ee siyaasadeed xaraar kusoo kiilay cirkana ku shareeray ka wada hadalkii doorashada .



Arimahaa is fan galayaana waxay oogta ka caddeynayaan sida aanay siyaasiyiinteennu ugu bislayn hanashada mayalka umaddan iyo u ila bixinta mustaqbalkeedan mugdigu ka dhammaan laayahay siiba mucaaridka waxad mooddaa in ay ka baqa qabaan inay cod ku heli doonaan korsigan hurdada u diiday ee soomalhaadiyay.

Hadaba si ay xeegana xeega u noqoto ilkana ku nabad galaan waxa haboon in cagta loo dhigo loolankan kursiga loogu tartamayo qaab aan cod loo marin xalaala , indhahana loosoo jeediyo xagga doorashada iyo meel marinteedii oo ad mooddo in melba la iska dhigay , qofkii kursi rabaana umada kalsoonideeda ha hanto hana ku helo sidaa kursigan loo wada boholyoobay ku ku fadhiya iyo ku hiigsayaba .

Umaddu sidaad moodaysaanna uma dhoohna e kaligiin gudcur ha gudina.



Waa Maxamuud Sheikh Cabdillaahi Maaray (Gabyaaye) oo idin leh ILAAHAYbaa Mahad iyo Maamuusba iska leh



E-mail: mxmud-gabyaye@hotmail.com

No comments:

Post a Comment