Thursday 3 September 2009

MAXAY RAMADAAN KA BEDESHAA QAAB-NOLOLEEDKAAGA?

MAXAY RAMADAAN KA BEDESHAA QAAB-NOLOLEEDKAAGA?

MAXAY RAMADAAN KA BEDESHAA QAAB-NOLOLEEDKAAGA?

Dhamaan mahad waxa iska leh Allaah, Allaha abuuray dhamaan makhluuqa kuna sheegay kitaabkiisa Qur’anka ah inuu u abuuray Insiga iyo Jinka inay caabudaan cibaadadaasoo keen sanaysa inay Allah wayneeyan isuna dhul dhigaan iyaga oo rajaynaya abaal marin kana baqanaya ciqaabka iyo cadaabka Allaah waxaan amaanayaa Allahna u wayiinayaa inuu amaano Nabiga Muxamed.
{Calayhi Assalaatu Wasalam}.

Waxaan Allaah u waydiinayaa inuu amano una naxaristo Saxaabada Nabiga iyo Ehelkiisa oo ah cidii qaraabada la ahayd Nabiga ee Islaamka ahayd iyo cid kasta oo imanaysa dabadii iyaga oo rumaysan Nabigaa.
{Calayhi Assalaatu Wasalam}.

Intaa kadib.

Siddiisaba qofka Muslimka ah waa mid ay noloshiishu hadaf iyo ujeeddo leedahay,waana mid ay u caddahay natiijada ka dambeysa nolosha kownka amma dunida,sidaas awgeed xilliyadda ama wakhtiyaduna waxay raad ku yeeshaan qaab-nololeedkiisa caadiga ah,sidaas awgeed walaalka shabaabka ah ee Muslimka ah ama muslimada ah,bisha Ramadaan ee barakaysan maxay tahay inay saameyn ku keento noloshaada caadiga ah marka laga tago soonka? sidoo kale maxaa ku fiican in aad ka qaadato dabeecad Ramadaanta oo aad wakhtiyada kale(wakhtiga aan ramadaanta ahayn) u baahan tahay in aan dabaqdo?.

waxa qofka muslimka ahi iswaydiinayaa waxa ay tahay ramadaan inay ka badasho noloshiisa.

waxa ay tahay bishan ramadaan bil aad ka nasanayso cadawgaagii waa bil aad sahay qaadanayso waa bil aad hub qaadanayso si aad iskaga celiso iskagana difaacdo cadawgaaga shaydaanka ah waayo waxa uu Rasuulku {calayhi assalaatu wasalaam} yidhi ,haday bishan ramadaan soo gasho waxa la furaa albaabada jannada waxa la xidhaa albaabada naarta waxa la xidh xidhaa shayaadiinta kuwooda madaxa ad adag,
markaa maadaama ay tahay sidaa oo cadawgii laynaga xidhay bishan ramadaan kaliya aan u hub qaadano nolosheenana aan wax ka badalo sidii uu cadawgeenu inagaga tagay aan wax iska badalo inaga oo awoodle aan wajahno cadawgeena si aan uga adkaano Allaahna ta waa ina faray siduu yidhi:-
{shaydaanku cadaw ayuu idiin yahaye cadaw ka dhigta waxa uu ugu yeedhaa asxaabtiisa naarta saciira}.
Hadaba waxay ku haboon tahay inaan badalo qaab nolodkeenii hore qaab nololeed cusubna aan galo.

1. Waxay tahay Salaadu tiir ka mid ah tiirarka Islaamka waa inaad ilaaliso hadii aadan tukan jirin Ramadaanka ka hor oo Allaah ku waafajiyay ramadaanka dhexdeeda waa inaad sii wadaa daa’imtaana hadii kale waad khasari, hadaad ramadaanka la baxdo oo aad cibaadaadki ka hadho ramadaanku marka ay baxdo hadii aad ahayd qof salaada ilaaliya oo ku dadaala laakiin aan jamaacada kula tukan jirin muslimiinta hadaad nin tahay waa inaad ku dadaashaa inaad jamaacada tagto waayo jamaacada oo dib looga dhacaa waa arin xaaraam ah Allaahna ma ogola salaad qof aan jamac ku tukanayn oo nin ah subxaana Allaah waa dambi wayn.

2.qofka muslimka ahi wa inoo nafta eegaa xaaladaheeda mar kastana uu ku dadaalaa daacada Allaah iyo Rasuulka
{calayhi assalaatu wasalaam}.
Naftu waxay u qaybsantaa sadex qaybood.
1. Naf qofka muslimka ah faraysa wanaaga ku xasiloon khayrka jecel samaynta wanaaga aan ka daalayn mar kaliya inay ku dhex jirto wanaaga iyo xuska Allaah waana tuu Allaah ku tilmaamay Qur’aanka ee Allaah yidhi:-
{nafyahay xasiloonayd ee ku xasiloonayn Dkriga Allaah iyo diintiisa u noqo rabigaa adoo raali ah raalina lagaayahay } waa nafta janada galaysa Allaahna u yaboohay inuu raali galin doono Allaah haynaga dhigee.

2.nafta labaad waa nafta canaananaysa qofka ay ku jirto oo odhanaysa samee wanaaga maxaad u samaysay xumaanta waana nafta allaah uu ku dhaartay wuxuuna Allaha yidhi:-
{waxaan ku dhaaranayaa qiyaamaha waxaan kaloo ku dhaaranayaa nafta qofka ay ku jirto canaanata}.
3.waa nafta qofka faraysa xumaanta Allaahna waxa uu qur’aanka ku yidhi {naftu waxay faraysaa qofka xumaan ilaa qof Allaah uu u naxariistay mooyee }.

Isku soo waxa duuduuboo walaal ramadaantu xaalkaagii hore wax haka badasho adoo Allaah talo saaranaya Allaah wuu kula garab galiye.

Allaah waxaan ka baryaynaa inuu dambigeena dhaafo inoona naxariisto

Amiin amiin amiin
Diyaarintii:- Sheekh Sakariye Cali Diiriye ( Sakariye Salafi).


No comments:

Post a Comment