Thursday 3 September 2009

DHALINYARADA IYO RAMADAANTA W/Q SHEEKH SAKARIYE SALAFI

DHALINYARADA IYO RAMADAANTA W/Q SHEEKH SAKARIYE SALAFI

Dhalinyarada iyo Ramadaanka




Dhamaan mahad waxa iska leh Allaah, Allaha abuuray dhamaan makhluuqa kuna sheegay kitaabkiisa Qur’aanka ah inuu u abuuray Insiga iyo Jinka inay caabudaan cibaadadaasoo keen sanaysa inay Allah wayneeyan isuna dhul dhigaan iyaga oo rajaynaya abaal marin kana baqanaya ciqaabka iyo cadaabka Allaah waxaan amaanayaa Allah u wayiinayaa inuu amaano Nabiga Muxamed.
{Calayhi Assalaatu Wasalam}.

Waxaan Allaah u waydiinayaa inuu amano una naxaristo Saxaabada Nabiga iyo Ehelkiisa oo ah cidii qaraabada la ahayd Nabiga ee Islaamka ahayd iyo cid kasta oo imanaysa dabadii iyaga oo rumaysan Nabigaa.
{Calayhi Assalaatu Wasalam}.

Intaa kadib.

Allaah waxa u inagu adoonsaday cibaadaad kala duwan waxaanay taasi ku dhacday xikmadda Allaah ka leeyahay inuu adoomaha itaxaamo sidu Allah yidhi
{si laydiin itaxaamo kiina camal fiican sameeya}

waxa Allaah cibaadaadkaa uu inagu waajibiyay ka mid ah Soonka.

1.Waa maxay Soonku

Soonku waa in laga joogsado waxyaabaha qofka soonka ka jabiya laga bilaabo waaga barigiisa iyo gabalka dhicitaankiisa.

2.Xukunka Soonka

Xukunka soonka Allaah ayaa cadeeyay kuna cadeeyay ayaadka Qur’aanka ah ee aadka u faraha badan

waxa cadeeyay Nabiga {calayhi assalaatu wasalam} tiir kamida tiirarka Islaamka ee aadka u waawayn waxaanuu yahay mid waajiba

waxaan culimada qaar ku tageen in qofka soonka ka tagaa yahay gaal culimada qaarna waxay yidhaahdeen magaloobayo laakin dambiga lagu cadaabayo weeye kii la qataba labada qawl ee culimada waa khatar soonka in laga tagaa maadaama uu yahay tiir qofka tiir Islaamnimadiisii ahi duntay inay tiirarkii kalena dumaan ma cusla markaa waxa waajib ku ah qof kasta oo iimana leh oo Allah ka cabsanayaa inuu ilaashado siyaamkiisa Allah ka baqaa calmaladiisa kalena ilaashadaa
waxa Nabigu uu yidhi {calayhi assalaatu wasalam}

{waxa lagu dhisay islaamnimada Shan Tiir
1- Shahaadada
2- Salaadda
3 – Soonka
4-Zakada
5- Xajka
markaa maadaama soonku uu yahay tir waa tiirkaa la ilaashaa

3.xukunka qofka ogaan uga taga

ugu horaynba waxa uu yahay qof waayay fadligii uu lahaa soonku oo uu noqday qof waayay kharkaa wayn ee allaah uu ku tilmaamay inuu qofka sooman ku abaal mainayo xisaab la,aan marka labaad uu yahay qof laysku haysto islaamnimadiisa
waxaana nabigu {calayhi assalaatu wasalam}
uu shegay qofka cudur daar la.aan ka taga in lagu ciqaabayo laguna cadabayo qabriga intaan aakhiraba laysla gaadhin markaa waxa u dheer inuu yahay malinta qiyaame mid ku dhacay dambi wayn oo kabiira ah yahayna mid islaamnimada oo allaah la hor tagayaa tahay mid kala dhiman oo dhaawacan

4.xikmadaha laga leeyahay soonka

Allaah marka uu cibaado cibaadaadka ka mid ah sharciyaynayo Allaah waxa uu ka leeyahay ujeedooyin fara badan waxaanuu Allaah ka nazahanyahay inuu wax sharciyeeyo xikmad la’aan sidaa awged waxyaabaha cibaadaadka ah ee Allaah inoo sharciyeeyay waxa uu sheegay qaar ka mid xikmadahooda qaarna xikmadaha wax ka mid ah qaarna inagu garan maynu xikmada laakiin Allaha kaliya waa uuu inagu adoon saday hadaba soonku waxa uu ka mid yahay cibaadaadka Allaah uu sheegay xikmadaha wax ka mid ah waxaanuu Allaah yidhi {waxaan idinku waajibinay soonka sidaa ugu waajibinay kuwii idinka horeeyay si,ad Allaah uga dhawr sataan } markaa xikmada Allaah u sharciyeeyay aya ah in Allaah laga dhawr sado

5.Xakaamta siyaamka









1- niyee inaad 30 bisha Ramadaan soomeysid
2- ha ku soomin bilaa suxuur sabab la’aan waayo suxuurta waxaa ku jirta barako badan.

3- marka aad suxuuraneyso dib u dhig suxuurata oo ha de-dejin.

4- marka aad afureyso ku afur Timir,biyo iyo wixii kale ee Alle ku siiyo,adoo duceysanaaya una duceynaaya walaalahaaga muslimiinta ah.

5- ka dheerow hadalka xun(laqwiga ah),xanta,beenta,isku dirka,kaftanka aan macnaha lahayn,ficilada xun-xun iyo ku dhaqanankooda,hadii kale waxaad noqoneysaa qof iska af xidhan oo aan Alle agtiisa ajar ku lahayn.

6- ka dheerow xaaskaaga intaad soomantahay(jamaac ha la yeelin).

7- dhib ma leh inaad is toobto hadii loo baahdo,ama inaad irbad(injuction)lagugu mudo.

8- waxaa kuu banaan inaad indha kuulato,is qurxiso,cadayato ama aad meydhato.

9- hadii adoo ilawsan aad cunto cunto amaba aad biyo cabto,soonkii kaama jabin ee sii wad Alle ayaa ku risaaqay oo ku jecel.

10- hadii aad matagto adoon iska keenin laguguma laha qalle,laakin hadii aad iska keento soonkii waa kaa jabay maalintaana waa lagugu leeyahay.

11- hadii aad safar gasho waxaa kuu banaan inaad soonto,waxa kale oo kuu banaan inaad afurto oo maalin kale aad qaleyso.

12- qofka waayelka ah ee aan soomi kareyn maalin walab oo ramadaan ah qof ha afursiiyo, ama kiila iyo badh raashinka la quuto badanaa wadanka uu jogto qallena laguma laha.

13- gabadha uurka leh ama ilmayar nuujinaysa haday nafteeda ama ilmaheeda u baqato waxay afurin qof miskiina malain kasta ama waxay bixi kiila iyo badh raashinka la quuto badanaa wadanka ay jogtaa .

14- ku dedaal inaad Taraawiixda tukatto,habeenkiina cibaado u kacdo,waxa lagu dhaafayaa denbigaaga waa hadii aad Alle ajar kaga dalbeyso oo niyadaadu wanaagsantahay.

15- 10 danbe ee bisha Ramadaan badi cibaadada una kac tahajudka.

16- Ramadaan waxaa ku jira habeenka loo yaqaan Laylatul Qadri oo culimadu ku sheegto in uu ku jiro habeenka 27 ama habeenada tirooyika is dheer(kinsiga ah) waa habeen ka ajar badan 1000 habeen ku dedaal in habeenkaasi aanu ku dhaafin,Alle ha inna waafajiyee.

17- badi ducooyinka adoo ku duceysanaaya"Allaahuma innaka tuxibbul cafwa,facfu cannii"iyo ducooyinka kale ee aad taqaano.

18- iska ilaali waxayaabaha wakhtiga lagu dilo,sida:- turubka,Laadhuuda,dubnadda,shaxda,heesaha,riwaayadaha,filimada, iyo wixii lah hal maala.

19- Afurka dib ha u dhigin ee de-deji yacnii marka qoraxdu dhacdo adoo duceysanaaya unna duceynaayaa waalidkaa iyo muslimiinta aad walaalaha tihiin.

20- can-dhuuf yar oo aad laqadaa waxba ku yeeli meyso

21- badi akhriska Qur,aanka Kariimka ah waayo bishani waa bishii Qur,aanka la soo dejiyey.

22- laab indhahaaga oo ka ilaali inay eegaan waxyaabaha xaaraanta ka ah.

23- maamul carabkaaga oo ka ilaali inuu ku hadlo wax xaraan ah ama aan dadka raali gelin.

Waxaan halkaa kusoo gaba gabaynaynaa wuxuu Allaha inooga sahlay mawduucaa ku saabsan Ramadaanka insha Allaah waxana Allaah ka baryaynaa inuu inaga dhigo kuwa wax ku qaata waxna ku fahma aayaadka Allaah inagu waaninayo waxaanan Allaah ka baryayaa inuu inaga dhigo kuwa Ramadaanka caafimaad qab ku dhamaysta Amiin Amiin Amiin
Sheekh Zakariye Cali Diiriye
Sakariye Salafi
Hargeysa
sakariyesalafi@hotmail.com

No comments:

Post a Comment