Thursday 3 September 2009

WASIIRKA KHAARAJIGA SOMALILAND OO DAWLADA SOMALIA KULAN QARSOODI AH LA YEESHA

WASIIRKA KHAARAJIGA SOMALILAND OO DAWLADA SOMALIA KULAN QARSOODI AH LA YEESHAY

Sarkaal ka tirsan dawladda Federaalka ku meel gaadhka ah ee Somaliya ee uu Sheikh Shariif Axmed hogaamiyo, oo magaciisa la yidhaa Maxamed Xasan Cismaan, ayaa sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdillahi Maxamed Ducaale, uu maalintii Arbacada ee todobadkan ee ay tariikhdu ahayd 2 September kulan kula yeeshay Wasiir ka tirsan dawaldda Fedraalka Somaliya magaalada Jabuuti.




Waxa sarkaalkani shaaca ka qaaday in intii uu ku sugnaa Jabuuti uu Cabdillahi Maxamed Ducaale shir dheer la yeeshay Wasiirkii hore ee Arimaha Dibadda ee dawladda TFG da Somaliya, hadana ah wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Mudane Maxamed Cabdillaahi Oomaar. Waxaana uu intaa ku daray masuulkani u hadlayay dawladda TFG du inuu wadahadaladan uu goob joog ka ahaa wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dawladda Jabuuri, Mudane Xaamud Cabdi Suldaan, oo dawladda Jabuuti u qaabilsan Arrimaha dib u heshiisiinta kooxaha siyaasadda ee Somaliya.



Mas’uulkani wuxuu ka gaabsaday inuu tafaasiil dheer ka bixiyo qodobada lagawada hadalay. Laakiin wuxuu sheegay in maamulka Sheikh Shariif soo dhowaynayo wadahadalka dhexmaraya maamulka Somaliland iyo xukuumadda TFGda.

Haseyeeshee, warar u dhuun daloola safarka Cabdillahi Maxamed Ducaale ee Jabuuti oo ka soo baxay ilo wareedyo ku dhaw xukuumadda Jabuuti ayaa daboolka ka qaaday in khilaafaadka siyaasadeed ee haatan ka taagan Somaliland ee u dhexeeyay xukaamadda Rayaale iyo xisbiyada mucaaradku ay muujinyaan in xukuumadda Daahir Rayaale ay ku dhawday burbur, sidaa awgeedna loo baahan yahay in la helo qaab siyaasadeed oo kale oo xal u noqda helitaanka dawlad Somaliyeed oo Somaliland qayb ka tahay, si ayna Somaliland gacanta ugu galin kooxaha mucaaradka oo la filayo inay sii wadaan siyaaasadii kale gooynta Somaliliya, oo hadda u muuqda inay ku guulaysanayaa talada hogaaminta Somaliland.


Xilli ay shacabka Somaliland ay u diyaargaroobayaan doorasho madaxwayne oo ay xukuumadda Rayaalana ka caga jiidayso ayuu madaxwayne Rayaale u diray Wasiirkiisa khaarijiga dalka Jabuuti si uu shir ula galo masuuliyiin ka tirsan Jabuuti iyo maamulkaTFG da. Waxay dadka siyaasadda gorfeeyaa talaabadan ku tilmaameen mid uu ulajeedadeedu noqon karto in haddii uu Rayaale ku guulaysan waayo sii wadida xukunka dalka in aanay Somaliland sii jirin


Wasiir Cabdillahi Maxamed Ducaale oo in muddo ahba joogay dalka jabuuti ayaa la garan la’aa sabatu uu u joogo dalkaasi muddo intaa leg, iyadaoo aanay xukuumadda Daahir rayaale wax tafaasiil ah ayna ka bixin joogitaan dheer ee Jabuuti. Haseyeeshee warkani wuxuu caddayn buuxda u yahay hawlagalada uu Cabdillahi Maxamed Ducaale u tagay Jabuuti wakhti lagu jiro xiligiii ugu adkaa ee ay siyaasadda Somaliland soo marto tan intii la qaatay nidaamka dimuqraadiyadda.

No comments:

Post a Comment