Monday 7 September 2009

RAQBA WAA KU RAGEEDA !! BY:-SHOOTALI

RAQBA WAA KU RAGEEDA !! BY:-SHOOTALI


RAQBA WAA KU RAGEEDA !!

Ruqo nin lihi daba hayaa ma kacdo bay soomaalidu tidhaahdaa, haddii uu qofku isaga laftiisu uu burburi-naayo gurigiisa, ama uu naf-tiisa dilaayo, isagu is dulay-naayo, ka dhaacdhsan tahay in aanu wax qabsan karin, wax uu samayn karaana aanay jirin, weliba waxba yaanu soo kordhsane uu sii rigaa-xaayo wixii hore uu u haystay iyo masalooyin fara badan oo qaar-ba-qaar ka duwan yihiin markuu uu ku dhaqmo, lana rabo in qofka la dareen-siiyo in uu isgu isku yahay dhibaato, oo ilaa uu joojiyo khasaa-raha uu isagu isku abuuraayo aanu noqon karin qof tamariya, ama meel gaadha, kuna dambaynaayo fadhiid-nimo siddii naafada ah oo kale, weligiina aanu ka soo raynay-nayn ee uu halkaas ku basbee-laayo, uguna dhamaanayso oo aanu sugayn nolol dambe iyo mustaqbal, ujeediyo haatan waxan u gol lee-yahay haddii aynu nahay sidan ma jirto ifka cidhib aan dhigaynaa oo aayo la'aan baa ina sugaysa, umad aan kala roonayn, isku wada caqli ah, midna aanu mid dhaamin oo isu wada
boori-naysa, lugta is jiidaysa, oo aan laba eray is dhaafsan karin, wax kala maqli la', oo ficil aan wax uu ku fadhiyo oo micna leh isku haysan, hadana kala bixi la', oo fartii la qaado-ba dhul gariir iyo is boqno goyni ka soo dhex baxayso, qofba meel lagu xaraystay oo madaxa laga haysto, mid qabiil ku xaadira, mid xusbi qool ugu jira oo aan ka hadli karin dhaliisha iyo khaladka uu samaynaayo, hadaad u sheegtid-na aan jirin wax ka furdaamiyaa, mid nin jeebka ku sita oo isak daba raq-raq leh siddii hal maqaar loo sido, wuxuu ku u daba lalaya-na aan kuu sharaxi karin, oo la cabsiiyey qaar kale in uu roomad kula haliilo marka la soo hadal qaado, in ah LAX DHUKANI ABAAR MOOG oo dhan ay u socdaan ama ka socdaan aan iyaka laf-toodu garanayn oo siddii awr faruur xidhan loo hogaami-naayo, kuwo damac hareereeyey dib-naha leefaaya oo cidna aan naf u hayn oo la yidhaaho maxaan cunaa oo maalin-ba meel laga daaro, kolba-na cid lagu jeediyo, mid KURSI hor orday oo
maqiiqan, dhan walba u ordaaya oo siddii uu wax ku heli lahaa ay ka khaldan tahay, oo been lagu maaweeliyo meel uu maraato-na aan garanayn, siyaasad uu hayaana aanay jirin, qalbi iyo laab uu wax ku fahmaana aaanay ku ool micnihiisu yahay LAGUMA DHAAMO EE DHAQAAQ, waana nooca lagu shaqaysto ee waxa uu ku hadlaayo, odhanaayo ama ficilada uu samay-naayo afku loogu rido ee iskala fuula meel aan loo jeedin, lagu-na jaan qaaday beel iyo xusbi kale waxad ku soo koobi kartaa waa qof ARBA-CUUNAN oo is madax qof kale saaran yahay.

Marka aaynu nahay sida kor aan ku xusay, ee ay inagu yar tahay daacadi, lala kala safan yahay oo aan runta loo badhee-dhayn, farta lagu fiiqayn halka ay ka soo burqanayso ibtiladu, bal is waydii-yoo sidee bay u midho dhalaysaa? maxayse noqonaysaa marka ay wax soo maraan waxa laga soo hoos jiidayaa? iyo dheefta ay yeelan kartaa ee aynu ka sugaynaa? mar kasta-ba waa-taas siddii qof SURUCYO qaba uu kolba ladh ku kacaayo'e, waxa intaas kam sii daran kuwa aan ka mid ahay ee loo yaqaano qurba joog, oo ah kuwa ay ka bilaaban-toba waalidu, waa kuwa meel dhamaci ka oogan tahay oo samada ka dhacaysa aad yaabaysid, halkii ay isku deyi lahaayeen in ay qabooji-yaan, sii saara DOGOB RUUD ah, samada-na ku sii shareera arin kasta oo yimaada dhumuc uu lee-yahayba, kuwaas oo la dhex roora xulayo dab ah oo sii huriya mush-kiladdii taagnayd, oo xamaasad sii geliya halkii in la damiyo u baahnayd kuna dhex tuura xumaan aan xad lahayn, siina kala fogaysa, oo mararka
qaar-kood ay gaadho kala dhaqaaq, kuwan aan lee-yahay sheegtaan QURBO joog, waxy yihiin runtii fidmo walayaal aan rebshed mooyee wax ay soo kordhiyaan aanay jirin marka ay noqoto dhinaca SIYAASADA, waxad moodaa in ay ku gasaan-gasayaan siddii wax ka naxaya dalka iyo dadka laakiin waa kuwa inta badan buuqa abuura ee fooda isu geliya xusbiyada, waa halka laga bireeyo SOMALILAND, waxa-na aanu isu haysanaa qaar wax soo kordhi-naaya, bal kuwa foodaaya ma nihin ee maxaa na dhuray? ee aan ugu kala hiili-naynaa haddii aanan ka khaladan iyo kuwa daba socda laga qaba-nayn? marka aad akhrido mareegaha dalka ee war-baahinta ah waxad ogaanaysaa in halka ay boogtu ka qudhunsan tahay-ba ay tahay QURBA jooga, oo ay iyaku sii safayna-yaan seefta la isku garaacaayo oo aynu afka isu gelino, hada-na aynu iska dhino kuwo wax qabta, ma jiraan wax ka soo raynayaa, rajo laga qabo umad gees u wada jeesata, waayo horteen jira-ba waa oo waa aga quustay dunida oo koow ah, waxa
ku soo xiiqay oo dhuuntu ku cadaatay, xabaasha u galay siddii ay hadh iyo habeen wacyi ula dul taagnaa-yeen wax garadkii umada oo dhamaan AL-LE ha u naxariisto'e inaga hooseeya kana mid yihiin TIMA-CADE, QAASIM, CABDI IIDAAN, MAXAMED MOOGE, AF-QALOOC iyo qaar kale oo badan oo ay ka mid yihiin XUSEEN AW FAARAX, XASAN SHIIKH MUUMIN lama dhamaun karo, lamana soo koobi karo murtida ay ku burbu-riyeen, iyo wakhtiga kaga halaabay siddii ay u lahaayeen WAAR KA DAAYA CAYNKAAS kuma dhaqanto'e,oo dantiina u soo jeesta.

Maanta-na ta joogtaa waa tii uun, oo waad arag-taan waxa ka dhacaya SOMALILAND in ay siddii riyaha ay geesaha is kula jiraan, oo mid-ba kale hirdi-yaayo oo aan wax la isu u ogolayn, in la sii kala riixdo mooyee, halka ay imika maraysaa-na waa wado ay ka buuxi-yeen CARAAN-CAR, ay dul rasaysan tahay qodaxddii la odhan jiray CAARO DHEER oo haday ku mudo ilaa lafta isku kaa takhlaysa, si lagaaga soo saaraana ay adag tahay, haba-ba marka aad indho-indhaysid xaalka ina hor yaal waxad ku tilmaamaysaa mid aan inaku u nahay baat-rool, qaraf-kiina u sidno oo aan isku gubayno, siddii murtiddii ahayd DOONI YAHAY WAA KUGU JIRNAA NALA JAB, oo aan inaku is gawracayno oo weli-ba aan QULAAN-QULSHAHA xaga kale raacinayno, wax ka soo waantoo-bayaana iima muuqato kharibaad mooyaane, bal markaas umadan ku dhaqan SOMALILAND iyadu ha kala doorato if iyo aakhiro ka rabto in ay dhex joogto, waxan ku soo gunaanaday maqaalkan BAL AAN EEGNO UURAY-SATAYE WAXAY UMULI DOONTO.

*N.B QALBI GUDHAN MIYAA QOSOL LAGU GODLAA ( WAA MAYA).
ABDI-SHOTALY,
OODWEYNENEWS.COM

No comments:

Post a Comment