Saturday 5 September 2009

TAAGEERADII XISBIGA UDUB OO DHAMAATAY IYO KALSOONI DARRADA AY LA KULMEEN SHACABKU (WARBIXIN)

TAAGEERADII XISBIGA UDUB OO DHAMAATAY IYO KALSOONI DARRADA AY LA KULMEEN SHACABKU (WARBIXIN)

Taageeradii Xisbiga UDUB oo dhammaatay iyo kalsooni darrada ay la kulmeen Shacabku.(Warbixin )


Waxaa maalmahan u danbeeyey aan u kuur galayay xaaladaha dhabta ah ee shacbi waynihii taageersanaa xisbiga UDUB gaar ahaan madaxweyne rayaale, u kuur gelid badan iyo sahan badan oo aan sameeyey waxaan ogaaday in dhammaan Bulshadii taageersanayd xisbigaasi aanay iminka ku qanacsanayn sida ay wax ka yihiin qaab socodka xisbigaas ba.
Waxaan in badan dareenkooda iyo waxa ku kalifay inay ku qanacsanaanwaayan xisbigii ay sida niyadda ah ku taageersanaayeen wax ka waydiiyey Bulshada reer Somaliland Gaar ahaan Togdheer iyo saxil ay iigu jawaabeen sidan:

“wallaahi waanu ka xunahay in xisbigu sidii uu ku shaqayn jirey ka leexday oo masuuliyiintii xisbigaasi la darawaliyey iyadoo ay darawalinayaan cid aan u tudhayn Somaliland,hadaba annagu markii horeba kumaanu qanacsanayn xisbiyada mucaaradka ah oo mid waxa lagu xantaa dagaalyahan gaboobay oo maskax cusub ayuu dalku u baahanyahay, midna waxaanu ku xaman jirnay nin salfudud oo xattaa salfudaydkiisa dadka aadka uga sii niyad jabiyey waxa ka mid ahaaberi aan ka dhegaystay idacada V O A oo uu yidhi magaca Somaliland waan bedelayaa, markaa waxan ku xisaabtami jirney annagu yaa dalkan Nabadiisa si amba qaadi kara oo maskax degen furfuran oo shaqaynaysa ku maamuli kara, taasna way nala noqon wayday inaan kii hore ku beddelano Oday ka sii wayn, Hadaba annagu markaan ku soo koobno hadalka ma jeclin mana taageersanin xisbigaan sida weyn ugu ham iyo dig lahayn Dantuna waxay na badday inaan ku biirno kulmiye annagoo u fiirsanay Tallabooyinka iyo dulqaadka badan ee uu la yimaado mar walba waan ta uu ku kasbado taageero badan oo aanu hore u haysan” sidaas waxa yidhi mid ka mid ah Ganacsatada sida weyn u taageri jirey xisbiga UDUB.
“Niyow marka Runta laga hadlayo xisbiga UDUB uu majara habaabay oo si uu yahayba lama garanayo, markaa anigu waxaan odhan karaa kalsoonidii shacabka in badan buu iska lumiyey ee sidan wax ha ka bedelo maalin walibana kasloonidiisa dad badan baa saluuga oo kaga baxa xisbiga, Tallaabooyin Gurracan oo u qaadayna way ka sii niyad jabiyeen dadka” axmed geele oo ka mid ah waalidiinta Gobolka Togdheer ku sugan gaar ahan Burco.

“habeen kasta iyo maalin kasta waxaan tegi jirey TV macmacaanle halkaasa yalla si aan uga daawado wararka, macmacaanlahaas waxa ka buuxa waxay isugu jiraan wax hore kulmiye u ahaa iyo wax iminka ku biiray oo UDUB ka niyad jabay, waanu muranaa oo Dood ayaa na dhexmarta anigoo markaas ah UDUB taagerayaashooda, waxa la is barbar dhiga waxa uu kulmiye iminka samaynayo iyo waxa uu daahir iyo xisbiga UDUB samaynayo, caqliga saliimka ah marka uu inbadan is barbar dhigo waxa xumaada tallaaboyina UDUB waxana bata wanaaga Kulmiye wixi hadhow ka iman doona waa la sugiye, dabeto halkaasaa la igaga badiyaa Doodii oo aan rajo xumo kala laabta habeen walba meeshii aan ku cawayn lahaa, ugu danbayntii iyagii ayaan ku biiray oo kulmiye ayaan si direct ah ugu biiray markaan arkay Dulqaadkiisa iyo wannaaga mar walba o ficilka ku muujinayo, masuuliyiiintana hadalka looma qiimeeye ficilka ayaa loo qiimeeyaa, waayo Siilaanyo wuu dacaayad iyo hadal xun yahay ficilkiisuna wuu wanagsanyahay, Rayaalena wuu hadal wanaagsanyahay oo afsoomaali ayuu taageerada u badan ku kasbaday lakin uu ficil Gurracan yaahay waxa wax burburiyaana waa ficilka oo caawoo dhan haddaad leedahay meel hebla aayaan qarxinayaa iyo meel hebla ayaan qabsanayaa kaa socon mayso markaad qarxiso ama qabsato se dadkii way arkeen oo way kaa soconaysaa markaa ficilkiisaa xumaaday UDUB oo waan ka baxnay aniga iyo dhalinyaro badan oo Sxbday ah oo inbadan u ololaynayay Xisbiga” mid ka mid ardayda wax ka barata seconderyada Burco.

“walaal magacaygu waa faysal, waxaan ka xumahay in Xisbiga UDUB oo kalsooni badan iyo taageero badan aan u haynayba inuu iska lumiyey fursado badan, waayo annagu waxanu nahay Urur dhalinyareedyo ka jira Gobolka, waxaan isku bahaysanay annaga oo ah dhowr Urur in xukuumadda iyo xisbiga UDUB aan ku taageerno ficil, maskax iyo caqli, lakin waxa xafiisyadeedii haysta dad aan la fahmayn oo dabeecadda ka arraday isla markaasna aan kaba soo xaadirin xafiisyadooda, markaa waxaan aragnay in xisbiga UDUB aanu rabin taageero iyo wax sheeg toona oo ay wax meel u yallaan waxay doontaba ha ahaatee, dabeto waxan ula wareegnay Taageerdayadii xisbiga Kulmiye oo aanu u aragnay inuu yeeshay Dulqaad,tanaasul,masuulnimo iyo waayo aragnimo badan oo aanu is nidhi xaalada dalka waxa iminka ka saari kara xisbigaas” mid ka mid masuulyiinta Urur dhalinyareedyada ka jira Gobolka Tog-dheer.

Marka laga yimaado afkaarta dadkaasi aadka ugu Olalayn jirey xisbiga UDUB ee iminka ka niyad jabay xisbiga waxaan kormeer ku tagay xafiiska xibiga UDUB ee G/ Tog-dheer tiro ka saddex jeer, iyadoo aan marar badan ka waayay Guddomiyihii iyo ku xigeenkii balse aan arkayay dad tiro yar oo haween u badan oo sugaya, waxaana markii danbe xilli habeen ah aan ku so noqday xafiiskii oo uu ka maqna Guddomiyuhu iyadoo ay halkaasi fadhiyeen Dhalinyar tiro badan oo u maleeyey dhalinyar isugu jirta Groups araday ah iyo Groups Ururo ah, waxay kolba garacayeen tellka Guddomiyaha isagoo u sheegayay inuu soo socdo, waan sugay laftaydu bal si aan u ogaado xilliga uu yimaado Ugu danbayntii waxa uuyimi 9:30kii pm habeenimo iyagoo dhalinyartii cadho jiq ah aya waxa uu markiiba u glay dhowr haween ah oo meel kale fadhiyey isagoo xattaa aan salaamin dhalinyartii inta badan sugaysay, waxa iska ag fadhiistay dhowrkii dumar ahaa waxana ay dhalinyartii bilaabeen inay kacaan oo u tagaan, wuxu markii ba ugu jawaabay adeer waan idiin soo baxayaa suga maxaa la qaylinaysan, mid ka mid ah dhalinyartii ayaa yidhi “Guddomiye ayaanle waxaan soo noqnoqonaynay 7habeen oo aan marwalba annagoo aan ku helin ka noqonaynay caawana waad na aragtaa oo nagumad soo leexan markaa nooma baahnidin baan u malaynayaa ee iska kaaya fasaxa xiiliigan aan ku sugaynayna waa xilli danbe oo xaafadahayaga markaan 10ka habeenimo tagno sarkhaamin ayaa naloo malaynaya waddankuna dhalinyaro ayuu ku shaqeeyaa oo waad ogtahay”

Guddomiyihi Xibiga UDUB ee gobolka Tog-dheer Mr.ayaanle ayaa ku jawaabay “adeer haddaydaan isugi karin fasax baad iska tihiin”intaas ayuuna ku soo koobay wuuna iska jeestay.

Markii aan halkaasna fikrad ka qaatay qaabka ay u shaqaynayaan masuuliyinta xafiisyada xisbiga UDUB ayaan isku dayay bal inaan weli sii dabagalo hawlaha ay wadan xibiga UDUB iyo in wax dadka soo jiidan kara ay sameeyaan, waxan fikrado badan ka qaatay dad inta badan ka soo bax baxa xafiiska xibigaasi iyagoo dhammaan cabasho ka muujinaya qabka ay shaqeeyan masuuliyiinta xisbiga UDUB.
Hadaba waxan sidoo kale kormeero noocan oo kale ah ku soo sameeyey xafiisyada Mucaaradka oo iyagu tiro badan isla markaasna mar walba camiran, oo Bulshada iyo saxaafaddaba looga soo dhoweeyo si hagara la’aan ah halka laga takoorayo bulshada iyo saxafaddaba xisbiga UDUB.

Isku soo wada duuduuboo waxa Xisbiga UDUB mar qudha sumcadiisii iyo tageeradii ay
dadku u hayeen hoos u dhigay dhowr arrimood:

-Xafiisyadii xisbigaas oo anay haynin Dad u qalmaa
-Taageero Raadinta Xisbiga oo aad u yar
-Tallaabooyinka Xisbigu uu qaado maalin walba isago adeegsanaya Power ah Xukunkii Dalka ayaan hayyaa.
-Ku talo gal ah in uu Doorashada sidii uu doono lagu gelo ee anay noqon sida shacabka iyo dadku doonaan
-is diidsiin wax kasta oo wanaagsan oo dadku doonaayaan
-aamusiin saxaafadeed iyo xadhig joogto ah oo lagula kaco saxaafadda oo ah tan saxaafadda oo dhan mucaaradka ka dhigtay

Hadaba Xisbiga UDUB oo u muuqda mid gabalkiisu sii dhacayo ayay dadkii reer somaliland oo dhami is tuseen inuu samaynayo ficil ah MAXAA KAA GALAY , kadib markii uu ka war helay kalsoonidii badnayd ee shacabku u hayyay oo baaba’day.
Hadaba waxa Kalsoonidii shacabku u hayyay xisbigaas baabi’iyey koox yar oo warxumotashiil ah oo dhinaca xun mar walba wax ka eegta oo dahir rayaale uu talooyinka ka qaato isla markaasna wixii ay soo jeediyaan uu ku dhaqaaqo, horena dahir rayaale sidan uma ahayn iminkana maaha ee ficilada xun xun ee xukumaadu waxay ka socdaan kooxo yar oo dano gaar ah leh iyagaana ugu danbyan dhidibada u siibi doona xisbiga marka ay dhigaan meel aanu ka soo waaqsanayna ayayna garan doonaan. Umana malaynayo in wax uu kalsoonida shacabka ku soo ceshado uu hayo iminka xisbiga UDUB, waayo dadku way la qabsadeen hadalada wanaagsaan ee geesinimadu ka muuqato iyo ficilada xun xun ee ka dhaca mar walba.



W/D:
Mustafe Osman A/rahman
Mustafe_480@hotmail.com
2522,4411480
Burao Somaliland

No comments:

Post a Comment