Thursday 3 September 2009

ABWAAN DHALINYARO AH OO DAAHFURAY HAB MAANSEED CAJIIB AH OO CUSUB!!!!!!!!

ABWAAN DHALINYARO AH OO DAAHFURAY HAB MAANSEED CAJIIB AH OO CUSUB!!!!!!!!

Maanso laba xaraflay ah “Daahfur Maanseed Cusub”.

Intii aan ku guda jiray barashada iyo wax ka ogaanshiyaha maansada. Waligay ma arag maanso inta ay ku bilaabanto laba xaraf haddana ku dhamaata laba xaraf.

Laakiin waa aan arkay tuduc ka mid ah maanso oo leh laba xaraf-raac, sida tuducan ku jira gabayga uu magaciisu yahay “Geela”, oo uu sameeyay Cumar Maxamed “Usteeliye”, tuduca ayaa ah;

Waa dhabarka seedaha ku yaal, sidigta Dhaameele

Tuducani waxa uu wataa laba xaraf-raac oo kala ah “Dh iyo S”, laakiin gabayga Geelu guud ahaan waxa uu leeyahay hal xaraf-raac oo ah “Dh”.

Haddaba badhtamihii sanadka 2008 ayaan arkay Maanso ay dhamaan tuducyadeeda ku laba xafar, tuducyadeeduna ay ku bilaabmayaan kuna dhamaanayaan laba xaraf-raac oo kala gooni ah. Maansadan waxa sameeyay Abwaan Axmed Saleebaan Xirsi, oo ah hal-abuur dhalinyaro ah, kana mid ahaa wakhtiga uu Maansada sameeyay, ardayda wax ka barata dalka Suudaan.
Abwaan Axmed waxa uu maansadiisa ku qotomiyay oo uu waafajiyay labada xaraf ee “Deel” iyo “Shiin”. Tuduc kasta oo ka mid ah maansada uu Abwaan Axmed sameeyay waxa lagu arki karaa, kuns jira, labadaas xaraf-raac ee Deel iyo Shiin oo si wada jir ah ugu jira.
Sidaas daraadeed, Axmed waxa uu mutaystay in uu ahaado abwaankii koowaad ee Soomaali ku maansooda ee sameeya maanso laba xaraf-raacdo ah.

Maansada Axmed oo la yidhaahdo “Dun iyo Shaal” oo uu Axmed kaga qayb galay sililad Deelley ahayd oo ka socotay mareegta wararka iyo arrimaha bulshada ee www.hadhwanaagnews.com, ayuu Axmed ku mutaystay in uu noqdo, loona aqoonsado “abwaankii ku guuleystay kaalinta koowaad ee silsiladaas”. Daahfur-Maanseedka farshaxanka ah ee uu soo kordhiyey Abwaan Axmed Saleebaan Xirsi, waa guul suugaaneed mawduuca maansada ah, oo u soo hoyatay guud ahaan hal-abuurka dhalinyarada ah ee nool qarniga koow iyo labaatanaad (21). Iyada oo ku beeggan munaasibadii qalinjabinta jaamacadeed ee Abwaan Axmed, oo dhawaan ka dhacday dalka Suudaan, ayaan jeclaystay in aan ku beego baahinta daahfur maanseedka Abwaan Axmed, oo aan isku lamaaneeyo hambyalyada qalinjebinta Abwaan Axmed iyon hambalyada daahfur maanseedka uu sameeyay.

Tuducyada iyo erayada maansada “Dun iyo Shaal” ee uu allifay Abwaan Saleebaan Xirsi waa kuwan


Dulmibaa i sheeg yidhi
Dibintaa ka sheex tidhi
Danbaa tidhi ha shaacine
Maansadan dun iyo shaal
Dadka ugu shafeecoo
Dareenkii shidaadiyo
Dookhooda shaandhee

Maansadu duciyo sharaf
Waa dubaalad shidanoo
Shicibkiyo dadwaynaha
Dareenkii shidaayiyo
Danta loogu sheega

Ninka deel ku shawriyo
Ninka shiin ku daba gala
Docna lama sharaystoo
Caawaba shaxdaan degay
Shaqalkiyo dawaarkii
Shicirkeenu daayimay
Shay buu ka duwantahay
Sharciguna ma diidana

Shaacirkuna ma daalee
Kolba sheeko dedan iyo
Dabin iyo shirqoolbuu
Intuu sheed ka daawado
Duur xulkeeda shiilaa

Anna shayga ii daran
Dulmar aan ku sheegee
Duudsigii shalaytiyo
Shaaruba dukhaanlihii
Shicibkaaga dala´saday
Shilkii looga daw galay

Wixii diric shahiidiyo
Wixii doob ku shaaxiday
Dulmiguu sharaystoo
Darajadii shanjeer kacay
Dalkiibuu ka shidanyoo

Dadku muu shidaysane
Daacad bay u shifaysteen

Ma dareenkii shidayaa
Dus-dus iyo shaxaad iyo
Dufan lagu shifeeya ?

Dulucdeeda sheekadu
Waxay daarantahay sheeg?
Ma dil iyo shirqooliyo
Doogiyo shilbaa dhacay ?
Ma duumiyo sharbaa jira?


Dadwaynii shibtuu galay
Ragna dogobyo sii shiday
Dahab bay ku shiilan
Shan kun oo dillaalbaa
Ilaa Shaariqiyo Dubay
Sheerkooda daabula


Shaamareerka daba yaal
Shiinaw daryeelkii
Shalaw buu ka duuloo
Da,yartiyo shabaabkii
Darxumay la shoogeen


Shaadh ay dabaqableeyiyo
Shamis dayn ku siisay
Shilin shilin u diiqaan

Waxaan doodeey kugu shubay
Sharcigiyo dastuurkiyo
Daacadnimadaad sheegtaa
Danyartiyo shaqaalaha
Da,may shaafiyaysaa ?



Siciid Maxamuud Gahayr
Hargeysa
saedmgahair@hotmail.com

No comments:

Post a Comment