Sunday 6 September 2009

FADHIGII SAAKA EE WAKIILADA HORYAALEENA LABADA MOOSHIN EE ISKA SOO HORJEEDA MAXAA KA SOO BAXAY?

FADHIGII SAAKA EE WAKIILADA HORYAALEENA LABADA MOOSHIN EE ISKA SOO HORJEEDA MAXAA KA SOO BAXAY?

FADHIGII SAAKA EE WAKIILADA HORYAALEENA LABADA MOOSHIN EE ISKA SOO HORJEEDA MAXAA KA SOO BAXAY?
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa saaka u fadhiistay si ay uga doodaan Mooshino isku lidi ah oo la hore keenay Golaha.
Fadhigii Saaka oo uu shirgudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. C/raxmaan Cirro ayaa ahaa mid loo diiday Saxaafadu inay Gudaha u gasho iyadoo ay xildhibaanadu isku Kaliyeystayn, Saxaafadii ugu horeysay ee timid subixi hore ayay u suurto gashay iyaga inay sii galaan intaan Xildhibaanadu Iman.

Fadhiga oo la filayey in lagaga doodo Mooshinka Xil-ka Xayuubinta Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa iyo Mooshinka Ujeedadiisu tahay Badalida Shirgudoonka ayaanay suurto galin kadib markii Shirgudoonku ku dhawaaqay in La taliyaha Dhinaca Shirciga ee Golaha Wakiilada oo loo dhiibay Mooshinadaas si uu u eego inay sharciga Waafaqsan tahay aanu iman lana maqan yahay Labada Mooshinba.

Golaha ayaa ahaa mid degan oo aan wax dhibaato ahi ka dhicin waxanay Jirin dadweyne iskugu soo xoomay Agagaarka Xarunta Golaha Wakiilada si ay u ogaadan waxa kasoo baxa Golaha.

Waxa sidoo kale Xarunta iyo Agagaarkeedaba Buuxay Ciidamada Amaanka oo sugayay amniga goobta waxana loo diiday dadka iyo gawaadhiduba inay Maraan Wadada hor marta Golaha wakiilada iyo Madaxtooyada iyada oo Ciidamo Laxaad leh ku wareegsan yihin marka laga soo bilaabo Dhinaca Galbeed ee Wasaarada Maaliyada, Dhinaca Koonfureed ilaa Maxkamada Gobolka Hargeysa iyo Bari ilaa Cusbitaalka Wayn iyo Dhinaca Waqooyi ilaa Wasaarada Arrimaha Dibada Agteeda, Aaagaas oo dhan cidna looma ogola inay Maraan.

Golaha ayaa u balamay Fadhigooda Dambe inay doodu bilaabanto marka Lataliyaha Dhinaca Sharciga ee Golaha Wakiiladu soo gudbiyo Mooshinada.

Dhinaca kale waxa socday ololayaal ka dhex socda labada dhinac waxaana ay indhahu qabanayeen mudanayaal koox koox u taagan sidoo kale waxa ku sugnaa goobaha qaar xubno ay ka mid yihiin Ku xigenka Gudoomiyaha UCID Md Aden Mire Waqaf Xoghayaa Guud ee UCID Axmed Xuseen Fagfagaash , Kayse Cali Geedi Iyo C/laahi Siciid Dheere halka xisbiga Kulmiye ay ishu ku dhacday Eng Saylaci Musharax M/weyne Ku xigeenka Kulmiye iyo rag sar sare oo Kulmiye ah halka xisbi xaakimku ay iyana meesha ay marayen rag badan oo uu horkacaya Xoghayaa Guud ee UDUB Md Jaamac Yaasin .

Mo Yusuf
Hargeysa

Xafiiska wararka Togaherer

No comments:

Post a Comment