Sunday 6 September 2009

MUXUU KOMISHANKU YEELAYAA HADDII DOORASHADU DHICI WAYDO 27 SEPTEMBER?

Muxuu Komishanku yeelayaa haddii Doorashadu ku dhici waydo 27 September?

“Komishanku qayb buu ka yahay khilaafka taagan, isu-soo-dhawayntii iyo muqiinintiina wuu gabay”

“Beesha Caalamku mar walba toddobadayada xubnood oo wada fadhina ayay noo sheegayeen in aanay nagu kalsoonayn iyo in aananu Doorasho qaban karayn. Markaa..”

Xasan Cumar Hoorri – Waraysi gaar ah

Komishanku ma bedelayaa xubnihii laga dalbaday inay bedelaan?

Xubin ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa sheegay in Komishanku aanu dhex ka noqon karin dhexdhexaadinta dhinacyada Siyaasadda Somaliland, isla markaana ay iyagu qayb ka yihiin khilaafaadka. Waxaanu sheegay in Doorashada Madaxtooyadu aanay ku dhacayn waqtigii loo cayimay ee 27 September.


Xasan Cumar Hoorri oo ka mid ah Xubnaha Komishanka Doorashooyinka oo xog-waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Ogaal, ayaa wuxuu beeniyay War ay baahiyeen Wargeysyada maxalliga ah qaarkood oo sheegaya in Komishanku ay kulan ka yeesheen xaaladaha ku gedaaman Doorashada. “Wax allaale iyo wax ka jira in aanu fadhi ka yeelanay arrintaas ma jirto.” Ayuu yidhi Xasan Cumar.

Xasan Cumar Hoorri mar aanu waydiinay in ay Komishan ahaan wada-tashi ka yeesheen xaaladda dalka iyo in Doorashada Madaxtooyada waqtigeedii dhacayso iyo in kale, ayaa wuxuu sheegay in aanu jirin ilaa hadda kulan rasmi ah oo laga yeeshay, isla markaana aanay Doorashadu ku dhacayn waqtigeedii 27 September ee loo cayimay. “Wallaahi, runta markaan sheego ilaa hadda wax go’aan ah oo laga gaadhay ma jirto, waanay muuqataa oo shaki kuma jiro in aanay Doorasho dhacayn. Hase ahaatee, in la soo fadhiisto oo si rasmi ah looga wada-hadlo oo go’aan laga soo wada-saaro, taasi ma dhicin.” Ayuu yidhi Mr. Hoorri.

Mar aanu waydiinay Xasan Cumar in xubnaha Komishanku ay marnaba isku dayeen inay isu-soo-jiidaan dhinacyada Siyaasadda ee muranku ka dhex aloosan yahay, ayaa wuxuu sheegay inaanay taasi dhicin, Komishankuna qayb ka yihiin khilaafka taagan oo aanay dhexdhexaadin meeli uga bannaanayn ee ay hawshoodii gabeen. “Wallaahi, markaan aragtidayda shaqsiga ah ka hadlo, Komishanku qayb buu ka yahay dhibaatooyinka taagan. Markaa anaga (Komishanka) waa nalooga roon yahay (dhexdhexaadin). Horena waan u sheegay in Xilkii Komishanka ee isu-soo-dhawaynta, isu-soo jiidista iyo muuqininta intaba in uu gabay Komishanku. Sida ugu fududna, haddiiba saddexdii Xisbi laba ka mid ahi ay leeyihiin garba nooma geli kartaan, haddii labadii Gole Qaran (Baarlamaanka) aad ka warqabtaan, haddii Bulshadii Caalamku farta nagu soo godayaan, anigu waxaan qabaa Komishanku kaalintaa wuu gabay oo wuu ka baxay.” Ayuu yidhi Xasan Cumar Hoorri.

Waxa kale oo aanu Mr. Hoorri waydiinay waydiin nuxurkeedu ahaa, in ay Komishan ahaan ku hawlan yihiin xil-ka-qaadista xubnihii ay soo jeediyeen Beesha Caalamku in la bedelo iyo in kale, waxaanu kaga jawaabay oo uu yidhi, “Wallaahi, xil-ka-qaadistii jid loo marayaa jira sida Sharcigu dhigayo, waana in la helaa Codadka xubnaha Komishanka inta badan oo ay isku raacaan. Tirada ay Beesha Caalamku soo jeediyeen in Xilkii laga qaadaana waaba intii badnayd. Markaa waa wax aan waxba laga qaban karin, haddii aanay qofka isaga Damiirkiisu siinayn waar dalka caqabad ha ku noqonin oo dalku yaanu kuu dabranaan. Aniga kollay iima muuqato in aanu xilligan wax ka qaban karno.”

Mar aanu sii waydiinay in marka laga yimaaddo arrinta sharciga ay maslaxadda dalka awgeed kala hadleen xubnaha Beesha Caalamku dalbeen in la bedelo ay isku dayeen in ay ku qanciyaan is-casilaad, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi, “Kun iyo kow goor ayaa laga wada hadlay arrintaa, haddana waxba kamay suurtogelin. Waayo, Beesha Caalamku mar walba toddobadayada oo wada fadhina ayay noo sheegayeen in ay Kalsooni-darro jirto oo aanay nagu kalsoonayn, in aananu kolnaba Doorasho qaban karayn.”

Waxa kale oo aanu waydiinay in Xubnaha loo jeediyay is-casilaaddu u caddeeyeen inaanay xilka ka degayn, waxa uu si kooban ugu jawaabay oo uu yidhi, “Haa wixii way iska cad yihiinba”.


Gebogebadii, mar aanu waydiinay Xasan Cumar Hoorri, waxa ay Komishan ahaan yeelayaan haddii Doorashadu waqtigeeda ku qabsoomi waydo, waxa uu sheegay in arrintaa ay maanta wada-tashi ka yeelanayaan. “Beri (maanta) ayaanu shir ka leenahay arrintaa lafteeda oo aanu ka tashaynaynaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo gebogebeeyay.


Hadalka Xubintan Komishanka ayaa wuxuu ku soo beegmay waqti toddobaaddadii la soo dhaafay Guddoomiyaha Komishanku sheegay in ay waan-waan ka dhex wadaan dhinacyada Siyaasadda.

ogaal

No comments:

Post a Comment