Saturday, 5 September 2009

UGAAS KA BEESHA CIISE OO LA DOORTAY IYO QABASHADA UGAASKA AMA HABKA LOO DOORTO UGAAS CIISAHA.

UGAAS KA BEESHA CIISE OO LA DOORTAY IYO QABASHADA UGAASKA AMA HABKA LOO DOORTO UGAAS CIISAHA.

Image and video hosting by TinyPic

Natiijadii ka soo baxday kulanadii is daba jooga ahaa ee ay soo xidhiidhiyeen gudiga qabanqaabada ugaaska iyo gudigii xulida ugaaska ee loo yaqaano gandaha ee ka socday Waaruf iyo Gugumacad ama Geed ugaas ayaa ku dhamaaday malintii Khamiistii in lagu soo bandhigo Ugaaska 19aad Ugaas Mustafa Maxamed Ibraahim Ugaas Wacays oo lugu soo wareejiyey Gacanta gandaha si loogu diyaaryo xafladaha caleemo saarka oo aad loogu hawlan yahay taaso ka dhici doonta magaalo madaxda Gobolka Selel ee Saylac.

Ugaaskan oo aad loo sugayey waxa damaashaad loogu riday meelo badan oo ka tirsan Geeska Afrika waana markii u horaysay ee Ugaas qaato muddo ka badan shan sano sida ay tibaaxeen xubno ka tirsan gudiga xulida ugaasku ee lagu magacaabo Gandaha.

Ugaaskan cusub ee Ugaas Mustafe ayaa ay da'diisu tahay 17 sano Jir ,sidoo kale beesha Ciise may lahayn wax Ugaas ah ilaa iyo 1994 oo uu dhintay Ugaaskoodii u danbeeyey.

Qaabka iyo dariiqa loo maro doorashada Ugaaska Ciise waxay ka duwan tahay qaabka ay maraan Qabaai’lka kale ee Somalida.

QABASHADA UGAASKA AMA HABKA LOO DOORTO UGAAS CIISAHA.

Ugaaska Ciisuhu waa inuu noqdo wardiiq wakhtishiile, Reer Xasan, Cabdale ama guntiwayne. Waa inuu noqdaa ciise, Ciise dhalaye 3 abtirsiimo,
Ugaaska hooyadii waa inay noqotaa bilcan, kolna ma noqoni karto dumaal ama xigsiin .
• Qolada Ugaaska hooyadii si cad umma qeexna, hasa ahaatee waa celeeye .
• Ugaas Wacays Cumar hooyadii waxay ahayd Reer Guulane.
• Ugaas Roble Faarax waxay ahayd Mamaasan.

Ugaas waxaa noqda nin quruxsan oo isku buuxa oo dhalin yar, Waa qof daggan, hadaladiisuna miisaaman yihiin, soona jeeda. Waa inuu noqdaa deeqsi, qof dulqaad badan oo samir leh, Waa inuu noqdaa qof aan iin lahayn waxaa la sheegaa in ay daruuri kor timaado qofka noqon doona Ugaas ama uu yeesho calaamado dadka gaar ka ah,
Nin madi ahi Ugaas ma noqdo.


Ugaasku waa astaanta udub dhexaadka u ah isku xidhka Ciisaha iyo xeerka.
Ugaasnimada Ciisuhu ma aha dhaxal carurtisuna kama dhaxlaan jagada ugaasnimada .
Ugaasnimada Ciisuhu ma aha mid ay koox yari ama qolo cayimi karto waa mid adag oo waddo dheer loo maro. Arintaas ayuu ciisuhu kaga duwanyahay qabiilada kale ee Soomalida.

Ugaaska waxaa qabta guddi ka kooban 144 Oday kuwaas oo kala ah Gande oo ka kooban 44 nin iyo boqolka Oday.

Boqolka Oday waxaa ku jira:

1) Guhaan: waa rag yaqaana cilmiga xidhigaha , faalka, faraha- dadkaasi waa kuwa aqoontooda la hubo, waxna looga soo joogay.

2) Geed joog : waa rag laga yaqaano dhamman galinada uu Ciisuhu dagan yahay sida Orax joog(waa geerisa), Ilkacase(saylac ilaa duudda, iyo Dameerjoog), jaan ma garato (ugul), Casajoog, Binin joog, Jidi gale,……

Guddidaas ka kooban 144 oday ayaa dagi goob ka dheer meel uu soo gaadhi karo cadawga Ciisuhu – Markii la qabanaayay Ugaas Xasan Xirsi guddida 144 oday waxay dagtay Waaruf.

Guddidu ayagoo ducaysanaya ayay hawsha baadhitaan ka ninkii noqoni lahaa ugaaska beesha ay u hawlgalyaan si foojigan oo habsamiya oo cidna la dareensiinayn xulashada la wado,Guddidu waxay iska dhex dooran 10 oday oo reeraha ugaaska laga qabanayo yaqaan.


10 kaas oday waxay soo baadhayaan ninkii ugaaska noqon lahaa. Waxay soo xulayaan 7 nin oo ay si tafatiran uga soo sheekaynayaan taariikhda isirkooda iyo dabeecadahooga isla markaana waxay tilmaamo badan ka bixinayaan hab-dhaqankooda, ka dib daraasadaas balaadadhan ee ku saabsan 7da nin ee la soo xulay, waxaa loo bandhigi 144 oday oo go’aan ka gaadhi doono markay xidigaha, faal iyo fareba ay u eegaan .

Waxayna tartansiinayaan kama dambayn labada nin ee isku soo hadha ee loo maleeyo in ay noqon karaan Ugaas.

Marka la xusho ninkii noqon lahaa ugaas, waxay odoyadu dul dagi doonaan Reer ka laga xushay Ugaaska, habeen dayaxu yahay 15 naad, waaberiga ayaa la qaban ugaaska ayadoo Reerkii uu ka tirsanaa aynan waxba arintaas ka ogayn oo ayna hurdaan, nin Sacad Muse oo Reer Guulane ah ayaa qabashada ku horayn isagoo leh “Lagu Reeyaw ugaas Rooble, Rayadaadaa dadka deeqdee” Markaasay odoyada kalina Ereyedaas ka daba odhanayaan iyadoo nin walba garabka taabanayo,Waxaa laga daadin dharkiisii duuga ahaa, waxaana loo xidhi maro xarrir ah.

Waxaana u xidhi nin Wardiiq ah oo Yeesif Reer Geedi Cali ah
Waana reerka cimaamadda Ugaaska u xidha, kana tuurra
Waa la fadhiisiin Ugaaska oo waxaa lagu fadhiisin macaws, waana loo ducayn oo qandhuuftaa loogu tufi,Macawstana waxaa keena Xasan Gadiidshe, Reer Aadan.
Dabadeed Ugaaska waa la wareejin. Habeenka u horeeya waxaa la gayn Guri Reer Xasan Gadiidshe ah, waxaana la siin Caano ama Cadiin, Habeenka 2aad waxaa soo dhawayn reer Wardiiq ah oo Yeesif ah.,Habeenka 3aad waxaa soo dhawayn reer Odoxgob ah.
Marka odoyadu ay soo dhamaystiraan wareejintaas, Ugaaska waxaa lagu soo celin reerkisii oo si cad loogu sheegi inay Ugaaska baylahda ka dhabaan oo sii fiican u hayaan muddada laga maqnaandoono.

Ugaaska wuu naga dhexeeyaa waana ammaano aan nii dhiibnay.


HABKA BOQRIDA UGAASKA IYO JIDKA LOO MARO UGAAS NOQOSHADA BEESHA CIISE.


Marka la qabto ugaaska ee la wareejiyo laguna duceeyo ayaa reerkii uu ka dhashay lagu soo celin, loona sheegi in ay ka ilaaliyaan baylahda muddada laga maqan yahay oo karaamadiisa la tijaabinayo.

Muddadaasi waa mid la tijaabinayo saamaynta ugaasku ku leeyahay roobka ama barwaaqada, colaadda iyo abaaraha waxaana lagu amri inuuna timaha iska jarin ka hor socdaalka caleema saarka boqrida ee lagu tagidoono Saylac, Saylac baa timaha lagaga jari iyadoo loogu maydhi doono biyo xareed ah, Boqrida ugaaska ciisaha maaha arrin sahlan.

Waa mid loo maro jid dheer oo nidaamyo iyo qorshe u gaar ah leh.
Reerkii uu ugaasku ka dhashay ayaa la waydiisan ammaanadii loo dhiibtay ugaaska waa la lugaysiin oo waxaa la marin dhammaan galinada Ciisaha, arrintaas oo looga dan leeyahay in uu ugaasku barto dhamman deegaanka beesha Ciisuhu dago iyo in uu ku duceeyo socdaalkaas barakaysan. Socdaalkani waa mid calaamado iyo astaamo gaar ah leh. Ugaasku wuxuu booqan goobaha taariikheed ee Ciisaha gaarka u’ ah, qabuuraha odoyadii laga tafiirmay Maqaamyada muhiimka ah iyo 12 ka Dixood ama Geed ee xeerka Ciisaha ku qeexan. Dix walba ama galin walba uu ugaasku booqdo waa lagu soo dhawayn, waa loo ciyaari waxaana la ururin sabeentii ugaasku xeerka u lahaa.

Marka socdaalka barashada deegaanka Ciisaha ay gabagaboowdo waxaa la gali socdaalkii boqridda ugaaska ee lagu tagayay Saylac. Goobaha la siimarayo ama la mari jiray waxaa ka mid ah Habaqo, Geel Case ama Siti, Biyo Qaboobe, Biya Baxay, Meeta, ugaas lagu baqor, Xasan Gaddiidshe, Ashkir Xagaa, Selel,Biyo Caanood,Toqoshi iyo Saylac. waxaa hubaal ah in 12 kii dixood ay ku soo biireen kuwa kale oo la nabadeeyay ama ka dheer meel uu cadaw ka soo weerari karo Ciisaha.

Waxayna tahay ama qasab ah in ugaaska la qaban dooni uu socdaal ku soo maro dhamman deegan ka Ciisaha. Dixaha ku soo biiray ciisaha waxaa ka mid ah Lalibala, Caydoora, Casbuli, Dhagaray, Gablalu, Dahawi, Cundhufo, Cadaytu, Karaaba, Cali Jiir, Afcase, Butuji,Geed Ugaas iyo Jabuuti. Boqrida ugaasku waxay ka dhici doontaa Saylac oo caado u ah. Marka ugaaska la keeno Saylac, waxaa lagu soo dhawayn ciyaarihi dhaqanka oo halkaas waxaa laga muujiin farxad gaar ah. habeenkaas ayaa ugaaska la bariin Saylac.

Maalinta labaad ciyaarihii way sii soconidoonaan hasa ahaatee salaadda duhur dabadeed, ugaaska waxaa laga xiiri timaha oo waxaa ka xiiri siday caadadu ahayd nin Sacad Muuse ah oo reer Makaahiil ka sii ah.
Dabadeed waxaa ugaaska la gayn Maqaamka Ibrahim Saylici halkaas oo xafladda bogriddu ka dhicidoonto. Waxaa halkaas ka dhici duco wayn. Maro 9 waar ah ayaa ugaaska lagu duubi ayadoo laga dhowrayo inay taabato dhulka isla markaana ay ducadu hareer socoto.

Marka ducadaas dheeri dhamaato waxaa ugaaska la gayn xeebta. Wuxuu ku maydhan biyaha badda. Ugaaska waxaa loo xidhi dhar cusub waxaana loo dhiibi cimaamad .Waxaa cimaamada uu dhiibi nin Wardhiiq Reer Yeesif reer Geedi Cali ah. Ugaasku cimaamadda ayuu xidhan wuxuuna noqon ugaaskii 19 aad ee taarikhda ugaasyada Beesha Ciise.

SOO LAABADKA UGAASKA.



Safarka soo laabadka ugaaska waxaa loogu horaysiin in lagu marti galiyo reer Sacad Muuse, reer Guulane, reer Axamed ah. Waxaana loo lisi hasha “GODO” reerka labaadi wuxuu noqon reer Dhabac reer Saciid ah – waxaana loo lisi saca “LEEFA”. reerka saddexaad waxaa la sheegaa Walaaldoon reer Kote iyo Wardiiq reer Yeesif, reer Sarardoon ah. Waxayna u lisayaan laxda “ DHARO’’. Socdaalka soo noqoshada ugaaska iyo goobaha la soo marin doono waa mid odoyada galbinaya ugaaska ay go’aan ka gaadhi doonaan sidoo kale meesha ama goobta xarruunta looga dhigi ugaaska waa arrin odoyada u taal in kastoo ay noqoni doonto meel badhtame ah.

Marka Saylac laga soo baxo waxaa la soo mari Ceel Gaal ,Selel halkaasaa laga bilaabi ururinta sabeenta “Badhicade” iyo ciyaaro dhaqameed aan kala joogsi la hayn. Xoolaha ugaaska loo uririyo waxaa loo dhiibaa reerka Fuurlabe. Waxaa laga soo noqon jiray Selel,Biyo Qaboobe, Biyo Canood, Biya Baxay… Xoolaha la ururiyo qaar waa lagu sadqayn, inta hadhayna ugaaska ayaa lagu dajin oo reer looga dhisi.

GUURKA UGAASKA.



Ugaaska waxaa loo dhisi socdaalka soo laabadka. Waxaana looga dhisi Yonis Muse, oo reer Geedi ah. Waxaa loo dhisi gabadh bilcan ah, xil-kas ah oo bilicley ah.

WAXBARASHADA UGAASKA.
WAXA LA BARI:


- Xeerka Ciisaha .
- Taariikhada Ciisaha.
- Xidhiidka Ciisaha iyo dariskiisa.
- Dhaqanka iyo Abtirsiimada Ciisaha.
- Deegaanka Ciisaha iyo Maqaamyada Barakaysan.


XIL KA QAADIS UGAAS.

- Xil ka gaadista Ugaas ku waxay dhacdaa marka khayrkii laga filaayay ugaaska laga waayo.
- Haddi deeganka ciisuhu yaalo soo food sarto abaaro isdabajoog ah,roobab xad dhaaf ah iyo cuduro lagu wiiqmo.
- Sidoo kale marka nabada ugaasku wax ka qaban waayo ee khilafaad ku bato mid doceed iyo ku dibadeed ayaa layswaydiiya xil ka qaadista ugaas.
- Guddi odoyaal oo ka kooban dixaha ciisuhu ku noolyahay ayaa gorfaysa arinta xilkaqaadista ugaas.
- Haddi laysku afgarto, waxaa lagu amri nin wardiq reen yesif, reer Geedi Cali ah in uu ka tuurro cimamada. Nidaam kaas ayaa Ugaas lagu Casila ama Xilaka looga qaadaa.

W/Q: Webmaster ka ToggaHerer: Oday Maxamed

No comments:

Post a Comment