Monday 7 September 2009

DIYAARADO GEEYEY BUDHCAD BADEED MAGALADA GARCAD OO LAGU QABTAY MADARKA GALKACAYO

DIYAARADO GEEYEY BUDHCAD BADEED MAGALADA GARCAD OO LAGU QABTAY MADARKA GALKACAYO

Image and video hosting by TinyPic

Waxaa Airporka magaalada Gaalkacyo galabta lagu qabtay labo diyaaradood oo ka yimid dalka Kenya, kuwaasi oo maanta burcad badeed Soomaali ah geeyey magaalada xeebta ah ee Garacad.

Labadan diyaaradood ayay saaran yihiin dad ay soo siidaayeen Burcad badeed ku sugan xeebaha degmada Garacad ee gobalka Mudug.

Wararka aanu kasoo xiganay saraakiisha ku sugan Airporka Gaalkacyo, ayaa sheegaya in diyaaradahan maanta Airpor ku yaal magaalada Garacad geeyeen 23 nin oo Soomaali burcad badeed ah kuwaasi oo ay dowlada Sychelles sii deysay, isla markaana lagu soo bedashay shaqaalo ay horey u heysteen kooxo burcad badeed Soomaali ah.

Arrintan ayaan waxna lagala socodsiin Dowlada Puntland, sida ay Horseed Media u sheegeen xubno kamid ah Ciidamada amniga gobalka Mudug, oo intaasi ku daray in diyaaradahan markii hore si toos ah uga dageen magaalada Garacad, balse soo noqoshadoodii uu shidaalka ka dhamaaday isla markaana kasoo degeen Airporka Gaalkacyo ayagoo doonaya shidaal ay dib ugu noqdaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Magaalada xeebta ah ee Garacad ee gobalka Mudug, ayaa waxaa ku yaal airpor macmal ah oo aan dhameytirneen, halkaasi oo la sheegay inay maanta ka degeen diyaaradahan, ayadoo la rumeysan yahay inay halkaasi ku sugayeen kooxo burcad badeed oo hubeysan.

Diyaaradahan ayaa la sheegay in ay yihiin labo, waxayna wararkan sheegayan in mid kamid ah uu leeyahay Ganacsadaha caanka ah ee Soomaaliya Jaamac Buluug, halka diyaarada kale aan la aqoon shirkada leh.

Illaa iyo hada macada tirada saaran diyaaradan oo ah shaqaalihii ay siidayeen burcad badeeda iyo waliba inay yihiin kuwa kasoo jeeda dalka Sychelles ama inay yihiin kuwo u dhashay wadan kale.

Dowlada Puntland weli war cad kama soo saarin arrintan, ayadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay oo Burcad badeed Soomaali ah la keeno Puntland, isla markaana lagu bedasho dad ay heysteen kooxaha Soomaalida ah ee qawleysata xeebaha Soomaaliya.

“Ma jiraan wax cadeynmo ah oo aan ku helnay kooxdan, maadaam aan muddo dheer heynay, waxay dowladeena go’ aansatay in dadkan dib loogu celiyo dalkooda hooyo, sida uu sharciga caalamiga ah qorayo…” ayuu yiri Mr.Joel Morgan oo ah Wasiirka Bey’ada iyo Gaadiidka ee xukuumada Sychelles, oo ka hadlayey burcad badeeda ay siidaayeen.

Dowlada Sychelles ayaan ka hadlin goobta ay ku celisay kooxda burcad badeeda ah, ayadoo saraakiisha Puntland sheegeen inaysan jirin cid xiriir kala soo sameysay burcad badeed lasoo celinayo.

Baashe Maxame
Togaherer
Galkacayo

No comments:

Post a Comment