Thursday 3 September 2009

DOOFAARKA FICIL LA AAN BAA LAGU CADAABAA!!!

DOOFAARKA FICIL LA AAN BAA LAGU CADAABAA!!!




DOOFAARKA FICIL LA'AAN BAA LAGU CADAABAA!!!

Miyaanay ahayn wax laga yaq-yaq-soodo, xishoodo, dib la isaga taago, bani'aadam-nimada debeda ka ah, axmaq-nimo fool xun ahayn, damiirku diidayn, miyaayey-se tahay wax indhaha laga duwi karo, aamusi karo, la is iloow-siin karo, la daawan karo, la eegan karo, loo dul-qaadan karo, saw maaha wax ka baxsan anshaxa, xishoodka, xuquual insaanka, aqoonta wax gradka, bulshada caafimaadka qabta in uu maamulka NAALEEYE HABACSANE ( waa riyaale'e) uu 19 hooyooyin ah, oo weliba dhawr ka mid ahi ay yihiin UMULO ilaa laba wiig ku siman oo ay CAANAHU dareera-yaan lagu rido jeel, iyaka oo ilma-hooddii gaajo la qayli-naayo, markii naaskii lagu riday XABSIGA oo gabadh kale ay ku hayso ABAYDIN-NIMO siddii qof rajo ah, lagana yaabo in hooyooyin-kaas ay ku jiraan kuwo haysta caruur agoon ahi, oo ayna cidi uga dambayn markii loo xabaadhay JEELKA, ilaa imikana wax ay ku sugan yihiin ubadkii laga xidhay hooya-dood aanay jirin cid ka war qabtaa, haddii uu maamulka inoo
dhisani uu sidan u yahay umula doox, saw maaha midh subxaa-nala oo waxba la'aantu ma dhaanto, waxa la yidhi:-

Hadaad dhimato geeridu, mar bay nolosha dhaantaaye,
nin dhir-baaxo quudheed dusaday, dhaqaya-deed maalye.

Kuwa sacabka u garaacayaa ee dhuunta uun in ay ka qooyaan rabaa, ma waxa ay ku ogol yihiin sidan ka dhacday TOG-WAJAALE? ee loo soo xawada-miyey hooyooyinkii MUDAAHA-RAADAY GEBILEY caruurtiina ay ka jalwana-yaan cidla?, kuna dhacay siddii GEELII KAREEBKA AHAA EE ILMAHA LAGA REEBI JIRAY?, waxa aanay sina-ba dheguhu u maqli karin saw maaha?, miyaanu damqanayn jidhku? oo aanu gubayn xuskoodu? waxa jira meelo aan la iska marin oo qofka ay xalaal u tahay haddii laga soo wareego xuduudaha xasaasiga ah, lama galaanka ah, oo haddii aad cag saarto sida laydhka baabuurta kala hora ( traffic lights) midab cas bixinaaya, haddii la soo fara geliyey hooyooyinkii, dumar-keenii, habla-heenii maanta, ma jiraan wax inoo hadhay, maxaa AF-WEYNE lagu haystay ee qoriga degta loo saaray, raashinku mar buu kaa yahay xaaraan, oo waa marka aad ka dhabar adayg-tid amuuraha caynkan ah, ILAAHAY baan kugu denbi dhaafayn, haddii aad wax ka qaban waydo, abdo ma laha nolosha aad
eeganaysaa marka ay gaadho heerkaas laguu dhaafo maxasta maatada ah, la iska maro CAARKA iyo xagiisa, waa quudhsi uu qofkii in uun dhiig lihi qaadan karin hooyo umul ah oo askri timaha jiidaayo, oo uu ka gaxeeyey ilmihii labada wiig jiray.

Igama aha ha la kaco oo ha timaado gacan ka hadal, foodad, umana jeedo rebshedo ha loo faqa-tiirto, oo dhibaato ha la sii guda galo, mana lihi SAMAROON baa xun iya qabyaalad ha lagu rido, waxa aan u jeedaa waxa weeya maamulka NAALEEYE way cadaatay caleen-tiisii, ee maalinta ay timaado food yaanu dib u soo noqon, mar haddii ay marayso in HOOYO TIMAHA inta uu askri qabto iyada iyo ilmaha kala tuuro, waxa laga soo sheegaayo TOG-WAJAALE dad daayoo, waxa aan yeelin xayawaanka marka dumarka iyo caruurta laga weeraro oo gadooda, xataa DOOFAARKA la yidhi wuxu naarta ku galaa ficil la'aan baanay ka suura gelin in uu daawado iyada oo gacan la saaray xaaskii iyo caruurtii, sidaas haday tahay maxaad ka filaysaa naflaha aynu ka midka nahayn ee loo yaqaano dadka, waxan ku soo lingaxay maqaalkan oo aan dabarka ugu jiiday waxa weeyey NIN QOYANI BIYO ISKAMA DHAWRO wax inoo hadhay ma jirto oo aynu siinaa wakhti, kab iyo xaarkeed waa la isku tuuraaye, hayna wada dhaafo
mar qudha goorta ay timaado maalinta aynu lee-nahay oo ah 27/09/09 haddii kale miyaa waxay ku dhici tii uu sheegay CIGAAL SHIDAAD ee uu yidhi HADAAN LAGA GUURIN KARIN-TAAS WALLEE IN AY GORAYO HEERYEY-SANI KA SOO DHICI lana arkay wixii uu yidhi.rag waa-kii kufa, kub-kiyo bawdada ka kala jaba, kabta ee hadana kaca.

*N.B Wixii tegay tiig-simaad maleh, ee haday talo ila gudboon tahay.
abdi-shotaly.

No comments:

Post a Comment