Thursday 3 September 2009

DHALINYARADA IYO RAMADAANTA QAYBTII 2AAD W/Q SHEEKH SAKARIYE SALAFI

DHALINYARADA IYO RAMADAANTA QAYBTII 2AAD W/Q SHEEKH SAKARIYE SALAFI




Dhalinyarada iyo Ramadaanka Qaybtii Labaad



Dhamaan mahad waxa iska leh Allaah, Allaha abuuray dhamaan makhluuqa kuna sheegay kitaabkiisa Qur’aanka ah inuu u abuuray Insiga iyo Jinka inay caabudaan cibaadadaasoo keen sanaysa inay Allah wayneeyan isuna dhul dhigaan iyaga oo rajaynaya abaal marin kana baqanaya ciqaabka iyo cadaabka Allaah waxaan amaanayaa Allaahna u wayiinayaa inuu amaano Nabiga Muxamed
{Calayhi Assalaatu Wasalam}

Waxaan Allaah u waydiinayaa inuu amano una naxaristo Saxaabada Nabiga iyo Ehelkiisa oo ah cidii qaraabada la ahayd Nabiga ee Islaamka ahayd iyo cid kasta oo imanaysa dabadii iyaga oo rumaysan Nabigaa
{Calayhi Assalaatu Wasalam}

Intaa kadib

Allaah waxa uu inagu wajibyay soonka iyo cibaadaad fara badan bishan Ramadaan dhalinyarada gaar ahana waxa laga rabaa inay ka qaniimaystaan cibaadaadkaa Allaahna waxa uu siiyay dhalinyarada nicmo aad u wayn oo ay waayen dadka `waayeelka ahi nin gabyaaya ayaa yidhi {Ala malin uun yaa dhalinyara nimadii soo celiya aan uga waramo waxay ciradu na badaye} waxa Allaah uu siiyay dhalinyara firaaq ama wakhti halka dadka waawayn ay yihiin qaar mashquula wax ay ku mashquulsan yihiinba waxa Rasuulkuna uu yidhi {Aalayhi Assalaatu wasalaam} laba nicmoba waxy dageen in badan oo ka mida ibnu aadamka caafimaadka iyo firaaqqa’ markaa maadaama ay tahay taa dhalinyaranimada waa lays waydiinayaa sida Rasuulk uu yidhi{calayhi assalaatu wasalaam} Allaah qofna ka hor dhaqaaqi mayo maalinta qiyaame ilaa Allaha uu waydiiyo saddex arimood.

1.Cumrigii wuxuu ku bixiyay.
2.Dhalinyara-nimadii waxa uu ku gaboojiyay.
3.Haduu cilmi lahaa muxuu kaga camal falay.
4. Xoolihii halkay ka zoo galeen halkay kaga baxeen’ Allaahna waxaan ka baryanaa inuu inaga dhigo kuwa kaga faa’iidaytsa wanaag iyo khayr Amiin……


Waxyaabaha Dhalinyaradu u Baahan yihiin

1. Waa inuu ninka dhalinyarada ahi iska jiraa wax kasta oo uu ka murugoonayo samayn tiisa waxaanay tahay xaaraamta samayn teeda , Allaah waxa uu inoo sameeyay inaan caabudno waxa ka mida cibaadadaa inaynu ka tagno wax kasta oo Allaah ina faray ka tagidiisa waa waajib ina saran inaynu ka tagno dhamaan waxyaabaha Allaha diiday, sida shirkiga oo ah cibaadada Allaha inaad soo dhex galiso in aadam sida inaad cid is tuso is maqashiiso adoo amaan ama wax la mida raadinaya Zinada ,Khamriga, Khamaarka noocyadiisa kala duwan, Xanta isku dirka Kibirka isla waynida ,Nacdasha Tuugnimada ,Beenta, Khiyaamada wakhtiga oo uu lumiyo kuna lumiyo sida Films Games Shax Dubnad Laadhuu iyo wixii Allaah ka xarimay hadii qofka dhalainyarada ahi iska jiro waxa Soonkiisa kharibaya waa badbaadayaa Nabiguna {Calayhi assalaatu wasalaam}waxa uu yidhi “qofka aan ka tagin hadalka xun iyo ku camal falkiisa iyo xanta iyo wixii soo raaca Aallaha waxba ku fali mayo inuu ka tago cuntadiisa iyo cabitaankiisa” Allaah haynaga dhigo kuwa iska jira waxa Allaah cadha galinaya Amiin Amiin Amiin

2. Waxa qofka dhalinayarada ah saran inuu sameeyo waxa kasta oo Allaah ku waajibaiyay samayntiisa oo aanuu ka tagin waayo waxa ka mid ah cibaadaadka Allaha inagu waajibiyay inaynu samayno waxa Allaah yidhi samayntiisa waxa ay tahay samaynta waxa Allaah inaga rabo samayntoodu mid Allaha inagaga raali noqonayo waxa ka mid ah waxyaabaha loo baahan yahay dhalinyaradu gaar ahana inay bishan Ramadaan kaga faa’iidaystaan inay cibaadada Allaah u badhax tiraan iskana jiraan waxyaabaha cibaadada baabiinaya si kasta wakhti kastaba waxa uu yahay qofka dhalinyarada ahi nin ama dumar kuu doono ha ahaade mid Allaha raali galinaya waxa Allaah ka doonayna samaynaya kana dheeranaya wax kasta oo baabiinaya siduu Allaah faray {wuxuu Allaah yidhi Jalla Jalaaluhu } “Qofka raba inuu Allah la kulmo .arko.ha sameeyo camal wanaagsan yaanuu cibaadada Allaahna cid la waadaajinin” waxa ku xiga cilmiga saxda ah waayo qofku ma cibaadaysan karo hadaanuu hayn cilmi haduu jaahil yahayna inta uu kharibayaa ka xun inta uu hagaajainayo Nabiga {calayhi assalaatu wasalaam}’waxa ku ag tukaday nin kadib markuu dhamaytay salaadi ayuu u yimid Nabiga {calayhi assalaatu wasalaam}waanuu salaamay Nabigu{calayhi assalaatu wasalaam}intuu salaantii ka jawaabay ayuu yidhi orod tuko maad tukane dhawr jeer ayuu sidaa sameyay markii dambe ayuu ninkii nabiga {calayhi assalaatu wasalaam}ku yidhi wallaahi salaadan mid aan ahayn ma garanaye I bar’ sidaasay ahaayeen dadkii inaga horeeyay qaar khayrka ku dadaala waxa kale oo laynaga rabaa inaan ka faa’iidaysano cibaadaadka oo dhan sida Salaada waajib iyo sunaba waayo waxa nabigu yidhi {calayhi assalaatu wasalaam} “Qofka tukada habeenkii iyo maalintii 12 rakcadood Allah ayaa janada guri uga dhisa” waa Salaadaha waajibka ah qaar ka dheeraada 4 Duhur ka horeeya 2 ka dambeeya 2 Maqrib ka dambeeya 2 Cishaa’i ka dambeeya io 2 Subaxa ka horeeya

3. Waa inaynu noqonaa dhalinyarada hadaynu nahay qaar ku dadaala meesha ay u socdaan siday u hagaajisan lahaayeen waayo dadka dhimanaya waxa u badan dhalinyaro waa inaynu garanaa mustaqbalkeenu halka uu yahay maaha mustaqbalku maal la helo maaha guryo maaha duun waa aakhiro waxa uu yidhi Imam Al Qurdubi Raximahu Aallaahu “waxa ku waajiba qofka aan garanayn xiliga la qaban doono inaanuu ku dagmin dhalinyara nimada waayo ma garanayo xiim la qaban doono cida dhimataa dhalinyaray u badan tahay cida dhimatana odayaashaa u yar ka ku dagmin dhalinyara nimo iyo caafimaad” waa sax hadaad u fiirsato dagaalada cida ku dhimataa waa dhalinyaro gawaadhida dhacays cidda ku dhimata waa dhalinyaro waxkasta oo musiiba ah cida wax ku noqtaa waa dhalinyaro.

Waxa aan Aallaah ka baryaynaa inuu inaga dhigo kuwa hadaladda dhagaysta raacana kiisa fiican kuwaasuu Allaah hanuuniyay kuwaasaan caqli leh.

Amiin Amiin Amiin

Sheekh Zakariye Cali Diiriye
Sakariye Salafi
Hargeysa
sakariyesalafi@hotmail.com


No comments:

Post a Comment