Thursday 3 September 2009

KANSARKA NAASAHA KU DHACA WAXA SOO DIYAARIYAY HERSI OSMAN

KANSARKA NAASAHA KU DHACA WAXA SOO DIYAARIYAY HERSI OSMAN

Ramadaan Kariim dhamaantiinba.

Dadka Hilibka cunaa 20 bis 50% ayay uga nugul yihiin kuwa khudrada cuna inuu kudhoco kansarka noocyadiisu marka lagasoo tago miisaanka qofka iyo qiijinta Sigaarka
Macluumaad loogu kuur gelayey kansarka kudhaca Naasaha oo ay samaysay„Ontario Cancer Institute“ waxay silama filaana ugu ogaadeen in Dumarka mar-mar iyo dhifuun cuna hilibku 13% uga nugul yihiin kuwa aan cunin,sidoo kale kuwa hilibka aad u cunaa waxaabay gaadhaa 17%. inuu kudhoco cudurku.45 kamida tijaabooyinkaa lasameeyey waxay kubiyashubteen in asalka kansarka naasuhu ahaa cuntooyin duxdu ku badanayd oo ay isticmaali jireen dumarkaasi.
Baadhitaan lagu sameeyey 580.000 oo Dumar caafimaad qaba ah iyo 25.000 oo xanuunsanaya ujeedadiisuna ahayd bal in la ogaado waxyaalaha ugu faraha badan ee dhaliya kansarka naasaha oo ay qaadeen labaatan Company oo caafimaad ahaydna markii u horeysey taariikhda ee tiro intaa leeg oo Companiyo caafimaad iyagoo leh hal ujeedo oo isku mida (Kansarka kudhaca Naasaha) uuna hogaaminayey Dr. Takeshi Hirayama waxaa kamid ahaa waxyaalihii ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay in Dumarka maalin walba Hilibka cunaa afar jeer uga nugul yihiin inuu kudhaco Kansarka-naasuhu kuwa aadka u yaraysta cunida Hilibka ama aan cuninba Hilibka.

Image and video hosting by TinyPic
Marka uu bilowga yahay sida caadiga ah lama dareemo haba yaraatee wax xanuun ah,xataa marka uu fido lafteeda qasab maaha in xanuunkiisa laga cawdo,waxase jira calaamado muujin kara Tumor-ka,hadii tuhun noocaasa aad dareentana waxaa muhiim ah inaad sida ugu dhaqsaha badan Dhakhtar latashato.


Calaamadaha ugu muhiimsan ee lagu garto.




Meelo adag iyo Guntimo kugu cusub oo Naaska kusoo kordhay ;
Isbedel kuyimi qaabka iyo weynida mid kamida Naasaha ;
Dhaq-dhaqaaqa Naasaha oo kala duwanaada marka aad Gacmaha kor u qaado ;
Oogada ama Caarada-naaska oo u ekaata sidii wax jactadey ama fuuq-baxay ;
Isbedel kuyimaada Midabka iyo dareenka oogada sare ee qaybaha kudhow ama Naaska caaradiisa ;
Dhinac kamida Caarada hore ee Naaska oo u ekaada sidii wax Dhiigu kategey ama dhiig rooray ;
Barar ama Guntin aad kadareento Kilaankilooyinka
Cun-cun kuyimaada caarada hore ee Naaska.
Xanuun aad kadareento guud ahaan Naaska gaar ahaan maqaarka sare;
Dheecaan kayimaada Naaska caaradiisa.(waxa suurta gal ah inuu dheecaankaasi yahay Dhiig).
Appetit-ka oo iyo miisaanka Qofka oo hoos u dhaca iyadoo ay weheliso tabcaanimo baahsan.


Hadii mid ama qaar kamida calaamadahan kor ku xusan aad kadareento Naasaha ama Qanjidhada Kilaankilooyinka macneheedu maaha mar walba inuu kuhayo Kansarka-naasuhu,waxaa dhici kara in Guntintaas ama kuuskaasi yahay wax kale ama Infection sababo kale kuyimi,xataa isbedelada qaarkood waxay noqdaan hadhow qaar aan wax lug ah kulahayn Kansar,ujeedadaduse waxay tahay inaanad Waqti iska lumin oo aanad dhayalsan ee aad sida ugu dhaqsaha badan ugu tagto Dhakhtar baadhisna lagu sameeyo,hadiiba maxsuulka kasoo baxa baadhistaa lagu ogaado inuu yahay Kansar bilow ah waxay aad u fududaysaa wax weyna katartaa daaweynta iyo xakamayntiisa si aanu ugu fidin Xubno kale oo hor leh.










Image and video hosting by TinyPic


Qof kastoo Dumar ah waxaa lagudboon inay Naaseheeda iyo Kilaankilooyinkeeda si joogto ah utaataabato indhahana kuhayso isbedelada kuyimaada Unugyada xubnahaas,baadhis-shaqsiyeedku (self-examination) waa dariiqa ugu fudud,uguna dhaqsaha badan ee aad ku ogaan karto Guntin kasta oo ku cusub Xubnahaas.


Siyaabaha loo baadho.



Hadii ay jirto calaamao muujinaya inay hordhac u yihiin Tumor oo badiyaa marka lagasoo tago kurxinta ay weheliyaan astaamo kale oo lagu arko Naaska caaradiisa ama maqaarka Naaska oo sidii wax jactaday oo kale noqday,waa inaad sida ugu dhqsaha badan ula tashato Dkakhtar.

Baadhista taabashada ah:Ugu horayn dhakhtarku baadhis taataabasho ah kusamaynayaa labada naas iyo meelaha badiyaa ay kabilaabmaan Guntimaha naasuhu.


Mammografie: Hadii ay taataabashada ugu kala cadaan weydo dhakhtarka wuxuu markaa samaynayaa inuu sawirka ex-ray-ga Naasaha (Mammografie) kaqaado sawirkaas oo awood u leh inuu muujiyo guntimowga iyo xarkaga is urursanaya.Hadii sawirkaasi muujiyo waxa loo yaqaano Mikrokalk waa hordhaca isbedel hordhac ah oo kubilaabmaya barta tuhunka laga qabey.

Image and video hosting by TinyPic



Ultrasound ultrasonics: Baadhista nooca loo yaqaan ultrasound ama ultrasonics waxay kaabis u tahay hore usii ogaanshaha waxyaalaha intaa kabaxsan.Baadhista nooca loo yaqaano Sonografiga waxaa lagu ogaadaa loona adeegsadaa in lagu kala saaro Guntimaha iyo Zysten-ka khaasatan haweenka da'da yar ee aan Unugyada Qanjidhadu weli isku cufmin ayay Aaladan loo yaqaano Sonografigu muujisaa sawir katayo badan kan lagu sawiro Mammografiga.


Image and video hosting by TinyPic
Magnetresonanztomografie: (Magnetresonanztherapie Mamma-MRT) isna waa Aalad kale oo loo adeegsado baadhista Kansarka naasaha,waa Aalad aad u kakan oo muujisa isbedel kasta oo yar,isbedelkaas oo gebi ahaanba Aaladahaas aynu kor kusoo sheegnay aanu midkoodna siwaadax ah u muujin karin,wadamada badiyaa qalabka noocan aha looga isticmaalo Kansarka-naasuhu aadbay u yar yihiin maadaama Aaladani tahay mid aad iyo aad qaali u ah.

Image and video hosting by TinyPic


Cadyar oo lagasoo jaro meesha latuhunsan yahay:Iskusoo wada duuboo baadhista ugu dambaysa ee xaqiida kama dambaysta ah lugu ogaado in nooca Kansarka ee Naaska laga helay yahay mid rajo leh iyo in kale waa in laqaado waxa loo yaqaano Gewebeprobe oo ah in meesha tuhunka laga qabo lagasoo gooyo inyar oo kamida,kahor inta aan qidcadaas lagasoo goyn meesha latuhunsan yahay waxaa lagu sameeyaa suuxdin mana sababto xanuun,baadhista qidcadaas yar waxa lugu sameeyaa xarun takhasus ku ah baadhista noocan ah oo ay kahawl galaan Dhakhaatiir kutakhasusay noocan ee loo yaqaano (Pathologen) natiijadiisana kusaleeya hab microscobe,hadii markaa laga helo Unugyo Kansar waxaa markaa cadaanaysa in meeshaas lagu hubo Kansar.

isbarbar dhiga Kansarka-naasaha ee Raga iyo Dumarka.

Kansarka naasuhu kuma dhaco oo keliya Haweenka,balse waxa jira in Ragana uu kudhoco haba yaraadaane,waxaana jira waxyaalo ay iska shabahaan Kansarka Naasaha ee kudhaca Labka iyo Dhediga,tusaale ahaan kaku dhaca Raga badiyaa waxa layidhaahdaa waxay noolaan karaan shan ilaa toban Sano inta u dhexaysa maadaama Kansarku raga aalaaba kudhaco marka ay da'doodu waynaato.
Waxay kaloo kukala baydhaan noocyada Kansarka ee kukala dhaca Raga iyo Dumarku isu gudbinta hida raaca ah oo aanay Ragu hadii cid kamida qoysku kansarka naasaha lahaan jirey aanay dhaxal ahaan ugudbin.
Waxyaalaha ay iskaga midka yihiin waxaa kamida in hadii Raga iyo Dumarku marka uu kudhaco Kansarka-naasuhu xanuunkuse aanu gaadhin Qanjidhada Kilaankilada in labadoodaba rajada laga qabo inay kabogsadaan aad u sarayso.

Waxaa jira waxyaalo badan oo raad ku leh Kansarka-naasaha oo qaarkood aanay adiga kugu xidhnayn inaad wax kabedesho,tusaale ahaan midka laysugu gudbiyo dhaxal ahaan ama da'da qofka iyo kuwo kuxidhan qaabka noloshaada sida noocyada Cuntada ee aad isticmaasho,miisaankaaga iyo weliba firfircoonida dhaq-dhaqaaqa Jidhka.Miisaanka Qofka oo aad u cuslaadaa ama baruurta kubadato waa mid kamida waxyaalaha aadka usoo dedejiya inay siyaado halista uu qofkaasi ugu jiro inuu kudhaco Kansarka-naasuhu sida lagu xaqiijiyey baadhisyo fara badan oo kala duwan.

Sababtuna waxay tahay baruurtu maaha kaydiye tamareed fir-fircoon,iyo iyadoo sabata soosaarida Hormooono fara badan oo ay kamid tahay nooca loo yaqaan Östrogene,Östrogene-haas oo ah nooc hoormoon ah oo cariya in Unugyada Qanjidhada naasku dhambalmaan,dhambalan kasta oo dhacaana uu sababi karo in khalad kuyimaado hab-dhaqankii Unug usamaymi jirey cilad la'aan.Intaasoo keliya kuma koobna khalad geli kara marka uu Unug dhambalmayo ee waxaa iyana intaa usoo raaca oo garab socda in Dadka buuran mar walba ay sarayso Insoliintoodu,Insoliinta qofka oo mar walba heerkeedu sareeyaana waa mid kamida waxyaalaha soo dedejiya in Kansarka-naasuhu dhasho una koro si dhaqso ah.

Sideedabana Insoliintu ma kaantaroosho oo keliya heerka macaanka Dhiiga,balse waxay kaloo tahay mid kamida Hoormoonada kobcinta dedejiya,badiyaana meesha Kansar kabilaabmayo kahor inta aanay Unugyadaasi isu bedelin Kansar dhab ah waxaa laga helaa waxyaalo marka ay lafalgalaan Insoliinta fududeeya inuu si dhaqso ah u kobcaa Unugyada Kansarku.Jiritaanka kuluglahaanshaha Insolinta ee arintan waxaa lagu xaqiijiyey baadhis ay aqoonyahano maraykan ahi ku ogaadeen in Haweenka ay aad u sarayso Insoliintoodu ay laba jeer uga halis badan yihiin inuu kudhaco Kansarka-naasuhu kuwa aanay Insoliintoodu qayral caadiga ahayn.

Saamaynta miisaanku kuleeyahay Kansarka-naasaha.

Xataa hadii qofka mar horeba uu kansarku haleelay hadana mar walba culayska miisaankiisu doorweyn buu kaciyaaraa Cudurka,sidaa waxaa lagu xaqiijiyey baadhitaano laga qaaday Dumarka buur-buuran iyo kuwa dhuudhuuban ee qaba kansarka naasaha oo si aan mura kujirin ugu cadaatay in kuwa aan baruurta badan lahayni aad uga rajo fiicnaadeen qayrkooda buurbuuran marka laga hadlayo kaguulaysiga Cudurka iyo weliba iska difaacida mudada dheer oo ay isku dhaafeen.
Uuurka iyo Nuujinta.

Waa hubaal inaan haweeneyna Ilmo u doonin si ay uyarayso khatar kaga iman karta inuu kudhaco Kansarka-naasuhu,waxaase dhab ah in ilmo dhalistu kamid tahay waxyaalaha yareeya in haweenayda dhashaa difaaceeda Kansarka-naasuhu kaxoog badan yahay mida aan waxba dhalin,oo Hooyada caruurta dhashay jidhkeedu uga difaac badan yahay mida aan waxba dhalin,halka arintaa gundhigeedu salka kuhayana cilmigeeda Illaahay uun baa leh,intaa waxaa dheer weliba in haweeneyba midii ay ka da' yarayd markii ay Ilmihii u horeeyey dhashay iyo midiba midii ay ka Caruur dhal badnayd iska caabigooda Kansarka-naasuhu ka adag yahay kuwa da'da weyn kuguursadey iyo kuwa aan Caruurta badan dhalin,sidoo kale nuujinta Naaska ee mudada dheeri waxay baajisaa ama daciifisaa inuu Haweeneyda kusoo deg-dego cudurka Kansarka-naasuhu.


Waxyaalaha dhaliya Kansarka-naasaha.


Marka qofka da'diisu weynaataba waxuu halis ugu jiraa u nuglaanshaha Kansarka-naasaha..
Haweenka had iyo goor laderiska ah wel-welka iyo welbahaarku waxay safka hore kaga jiraan kuwa looga baqo Cudurkan.
Haweenka hooyooyinkood iyo walaalohooda dhedig uu kudhacay Kansarka-naasuhu waxaa laba ilaa sadex jeer kor u kaca khatarta ah inay dhaxlaan cudurka.
Inkasta oo sanadihii u dambeeyey la ogaadey noocyo cusub oo kansarka-naasaha oo aan lakala dhaxlin laysuna gudbin waloo ugu yaraan boqolkiiba shan inay u abtirsadaan isbedel kuyimi Gen-ka Naasaha ee loo yaqaano BRCA1 iyo BRCA2
Caadada oo waqtigeeda kasoo deg-degta iyo xiliga kala guurka (waqtiga dhalmadeyska) oo soo daaha.
Dumarka da'doodu sodon sano kaweyneyd markii ay dhaleen Ilmohoodii u horeeyey iyana waxay kujiraan inta unugul Kansarka-naasaha.
Dumarka aan dhalinba wax Caruur ahi waxay lixdan jeer in lagu qiyaasay uga badan yihiin inuu ku dhaco Kansarka-naasuhu kuwa Ubad dhalay ee bishuruudan weliba nuujiyey waqti munaasab ah..
Nuujinta Naaska Ilmaha oo loo hagar baxaa waxy si qeyral caadi ah hoos ugu dhigtaa Kansarka-naasaha,tusaale Haweeney 24 Bilood ilmaha Naaska nuujinaysey marka lagarab dhigo mid lix Bilood ama kayarba sidaa yeeleysey waxa cadaatay in faraqa khatarta aanay u gudbooneyn aadna ukala sareeyo.
Isticmaalka Dawooyinka dhalmada lagaga hortago (sidoo kale waxaa loo aaneeyaa in Dawooyinkani keenaan Kansarka Makaanka).

Qaybaha laga helo Kansarka-naasaha.



Kasoo qaad inaad Naaska u qaybiso afar qaybood oo is le'eg adigoo laba jeer badhtanka ku dhufanaya sida sawirkan hoose kamuuqata oo ay kuxusan tahay sida uu afarta qaybood Kansarka-naasaha kudhacaa ugu kala badan yahay boqolkiiba,


Image and video hosting by TinyPic

Sida Sawirka kucad 55% wuxuu ku dhacaa oo laga helaa qaybta sare ee rubuca debeda ee xiga Kilaankilada oo ah meesha ay ugu badan yihiin Qanjidhada naasku,waxaa kaalinta Labaad gelaya oo soo raaca Qaybta sare ee rubuca gudaha iyo caarada Naaska oo laga helo midkoodba 15% Kansarka-naasaha,kaalinta sadexaad waxaa gelaya Qaybta debeda ee hoose oo laga helo 10%,ugu dambayn Qaybta gudaha ee hoose oo laga helo 5%

Wa Allahu Allmuwafaq.

hersi osman
Frankfurt am main germany
osam71@hotmail.com

No comments:

Post a Comment