Thursday 3 September 2009

ERGADII SHAQAAQADA CEEL BARDAALE OO KA SOO SAARAY WARBIXIN ARINTA CEEL BARDAALE EE AY KU JIREEN

ERGADII SHAQAAQADA CEEL BARDAALE OO KA SOO SAARAY WARBIXIN ARINTA CEEL BARDAALE EE AY KU JIREEN

Gudidii Dhex dhexaadinta Shaqaaqada CeelBardaale ee iyadu waayadan ba ku dhex jirtay xalinta Khilaafka Deeganadaas ka taagan ayaa war qoraal ah ka soo saaray Arimahaa ay ku jireen halka ay marayaan .
Ergada oo shir jaraa'id ku qabatay Hotel Hadhwanaag ayaa warka ay soo saareen u qornaa isaga oo dhamaystiran.

Xogwaran

Haddaanu nahay ergadii isxilqaantay ee ka hawlgashay dilkii foosha xumaa ee ka dhacay Kalabaydh iyo Dila dhexdooda oo tiro ahaan gaadhaysay ilaa 50 xubnood oo ka koobnayd culimo-awdiinka, Salaadiinta, Cuqaasha, Aqoonyahanno, Ganacsato, Odayaal iyo Waxgarad kaleba, kuwaasi oo ka soo kala gurmaday dhammaan daafaha dhulwaynaha Somaliland.

Waxay Ergaddu kumaqnayd aaga muddo laba todobaada (15/07/09 ilaa 28/07/09), iyada oo ka hawl gashay dhexdhexaadinta labada beelood ee walaalaha ah ee shaydaanku ka dhex adeegay, kaas oo ay ergaddu kala kulantay labada dhinacba soo dhawayn fiican qalibi furan iyo aqbalaada dhexdhexaadintaba.

Waxqabadkii Ergada

Waxqabadkii Ergada muddadaana waxa ka mid ahaa:
1) In garawshiiyo ay ka bixisay beesha reer Gabilay falkii foosha xumaa ee budhcaddu gaysatay, balanna qaadeen in ay raggii falka ku kacay keenaan.

2) In beesha Boorame aqbaleen tacsidii aanu uga sidnay bulsha waynta reer Somaliland, ogolaadeenna in ay isxakameeyaan nabad galyadana ilaaliyaan.

3) In aannu wixii gaadiid budhcaddu dhacdayna gacanta u galinnay ciddii lahayd markay beesha Gabilay keentay

4) In aanu labadii ciidan beeleedna kala fogaynay ciidanka qarankana kala dhexdhignay.

5) In labada beelood naga ogolaadeen in ay nabadgalyada ilaaliyaan inta ay arintu dhamaanayso.

6) In wixii hanti budhcaddu ka dhacdya dadkii geeriyooday ALLE ha u raxariistee beesha Gebilay keento marka la sugo.

Soo noqodkii Ergada

Ergadu waxay soo noqotay 28/07/09, iyada rajo wayn iyo niyad samiba kaga timi labaddii beelood ee ay dhexdhexaadinaysay, markiiba ergadu waxay ka hawl-gashay sidii ay maamulka oo uu ugu horeeye mudane Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin ay ula kulmi lahayd, warbixin iyo talo uga siin lahayd baxaada hawsha meesha taalaa leedahay iyo sida ugu haboon ee xal waara loogu heli lahaa arrintan ay ka hawlgashay ergadu, waxaana ballan nalooga keenay xafiiska madaxwaynaha tiraba dhawr jeer, hase ahaatee ay xaga Madaxwaynaha ka suura galiwayday walina aanu sugayno in aanu la kulano haddii EEBBE yidhaahdo.

Talo Bixin

Ergo ahaan waxay noola muuqatay in collaadan iyo mashaqadan meesha ka dhacday ay sal u tahay khilaaf qoto dheer oo u dhexeeya labada beelood oo ku saabsan dhulka Ceelbardaale, colaadaas oo yaraysay is aaminaadii, isu socodkii ganacsi iyo mid kaleba, waddadii halbawlaha u ahayd (Dila iyo Kalabaydh) baqo daraadeed socodkeedii yaraaday, haddii ay colaadani sii socotana keeni karta khatar iyo burbur tan ka wayn EEBBE inaguma keenee.

Dawladda masuuliyadeeda ugu horaysaa waa in ay ilaalisaa oo sugtaa amniga iyo nabadgelyada.
Colaadan ka aloosantay Ceelbardaale xalkeeda horayso iyo danbaysaba masuuliyadeeda iyo awoodeedaba waxaa iska leh dawladda tii hore iyo tan maantaba.
Haddaba waxaanu kula talinaynaa dawladda inay nabadgelyada jiidda sugto soona dedejiso arrintan xalkeeda kama dambaysta ah. Iyada oo waddanku marayo wakhti adag oo khilaaf doorasho iyo mid siyaasadeedba taagan yahay, halisna ku yahay wadanka oo dhan. Waxaanu ku talinaynaa kana codsanaynaa dawladda iyo mucaaridkaba in loo tudho ummadda, nabadgelyada la haystana lagu faro-adaygo.

Dadka kale ee faragelinta ku leh arrintanna waxaanu ka codsanaynaa in ay ka waantoobaan fitmo-kicinta.
Ugu dambayn Ergadu iyada oo markale aad iyo aad ugu mahadnaqaysa labada beelood ee arrintu ka dhaxayso, waxaanu si xushmad iyo qadarin leh uga codsanaynaa in ay is xakameeyaan, ilaaliyaana waxaynu wada leenahay ee ay ugu horayso nabadgelyada wadanka, wada dhalashada, Islaamnimada, Jaarnimada iyo wixii ina midaynayaba, iskana fogeeyaan wax allaale iyo wixii wax inaga xumaynaya ee aanay danteenu ku jirin, iyada oo bishii Ramadaan ee Barakaysnaydna inagu soo fool leedahay. Ergo ahaana waxaanu diyaar u nahay in aanu sii wadno arrintan inta xal waara laga gaadhayo ILLAAHAY idankii."

XAFIISKA WARARKA TOGAHERER
HARGEISA

No comments:

Post a Comment