Wednesday 9 September 2009

Xidhiidhka Riyaale Iyo Alshabaab By Mubarak qoorubaxay

Xidhiidhka Riyaale Iyo Alshabaab By Mubarak qoorubaxay

Image and video hosting by TinyPic

Siyaasada ayaa mararka qaarkood lagu tilmaamaa inay sida saxaafada oo kale tahay makiinad ama midi labo afleh oo hadba dhinaca wax kuu jaraya lagu goosto. shax siyaasadeedka la dhigto ayaa hadba maxsuulka ka soo baxaa lagu qiimeeyaa sida ay saamayn ugu yeelato Mujtamaca ay fariin ahaanta u gaadhay. Mararka qaar dabinada siyaasadeed ee la dhigayaa waxay noqdaan qaar laga waayo faa,iidadii laga sugayey ama ujeedadii laga lahaa sidoo kale waxay galaafataa Saaxiibkeeda.


Arartaa gaaban hadaan intaa kaga baxo qormadan maanta sidaad cinwaanka ka argtaanba waxaynu ku faaqidaynaa xidhiidhka qarsoon ee u dhaxeeya xukuumada Daahir Riyaale iyo Axmed Cabdi Godane oo inta badan afkaarihiisa iyo Sida uu wax u aaminsan yahay aad loogu murmo, Isla markaana ah ninka Hogaamiya Kooxda Wadamada Galbeedka iyo Wadamada u hanuunsani ku sheegeen inay yihiin Koox argagixiso oo caalami ah.










Sida ay cadeeyeen dad ku xeeldheer Codadka iyo raad raaca cajladaha sidan oo kale loo duubo waxay shaki Geliyeen, Rasmi ahaanta Codkani inuu yahay Kii Hogaamiyaha Alshabaab ee waqtigan, waxay iftiimiyeen oo kale hadiiba uu isagii oo codkiisa waqtigu bedeley uu noqdo in Codkan Axmed Cabdi godane ee waqtigan lagu beegay ay tahay Ujeedo siyaasadeed oo aad u balaadhan, waxayna farta ku fiiqeen wada shaqayn ka dhaxaysay Xukuumada Riyaale iyo Al shabaab.









Hadaba Marka laga Yimaado Weriyaha BBC-da ee Hargeysa oo la sheegay inuu Isagu Fariintan Idaacada u diray oo aynu ognahay inaanu qarsanin xidhiidhka UDUB yahanimada ah ee uu la wadaago Daahir Riyaale iyo Xisbigiisa UDUB oo uu ka yahay Xubinta kaga Jirta lambarka 163 ee xubnaha Xisbigaas, teeda kalena aynu la socono Culayska gaar ahaaneed ee uu ku hayo xisbiyada Mucaaradka ah iyo Shirgudoonada Golayaasha qaranka ama Cid kasta oo uu u arkayo inay ka horjeedo Nidaamka Riyaale, ayna u dheertahay Naas Nuujinta Gaar ahaaneed ee uu ku qabo dhinaca Madaxtooyada, Waxa la sheegayaa Ninka Arintan Ka danbeeyey ee la Adeegsaday inuu noqday Indhacade nin la yidhaaho oo ay qoyska Madaxweynaha isku dhowyihiin isla Markaana ahaa Hogaamiyihii Dilalkii ajaanibka ee wadanka Laga Fuliyey. Xeeldheerayashani waxa kale oo ay Cadeeyeen in waqtiga codkan la qabtay ay tahay ama ku beegan tahay waqtigii qaraxyadu ka dhaceen somaliland ka dib. Sababtoo ah marka la eego qodobada uu ka hadlayey Ahmed Cabdi Godane ayaa waxa ugu weynaa Inuu Riyaale ku eedaynayey in uu dad Muslina u dhiibay xabashida, waxa kale oo uu ka hadlay doorashooyinkii la filayey inay wadanka ka qabsoomaan intaan qaraxyada Hargeysa dhicin.











Arimaha Qaraxyadii Hargeysa Ka dhacay ayaan ilaa haatan Xukuumadu u keenin wax cadayn ah marka laga reebo shaqsiyaad ku xidhan xabsiga oo lagu eedeeyey inay Falkaa ka danbeeyeen, Xukuumaduna ilaa haatan ma soo bandhigin wax ay ku qancaan , dadkii Dhibanayaasha ahaa ee Eheladoodii iyo Maalkoodiiba ku waayey Qaraxa nacasnimada iyo Fulaynimadu ku dheehnayd ee loo Geystay dad aan waxba galabsan. Waxaana loo badinayaaba In Xukuumadu arimahan dhacaya oo dhan iyadu gadhwadeen ka ahayd si Riyaale Kursiga ugu sii negaado Mudo kale.
Waxa wax lagu qoslo ahayd wasiirka Arimaha Gudaha mar la weydiiyey Maxaad ku cadaynaysaan in Alshabaab ka danbaysay qaraxyadan wuxuu ku jawabay Kur nin oo gadhweyn leh baanu aragnay.
















Xukuumada Riyaale ayaa la ogyahay in qiimo kasta oo ay ugu kacaysaba isku taxalujisay sidii ay talada u sii haysan lahayd, Markaad eegto dadka wadanka Jiritaankiisa u cadowga ah ee ay Soo dhoweysatay, Sida Ismaaciil Cumar Geele, Ahmed Wallad Abdalla, Sheekh shariif iyo Alshabaab oo ay Mid kasta dhinac kala soco, hase yeeshee Iyaga Siyaasadahoodu iska soo horjeedaan.

Arimaha Caynkan ah ee Riyaale iyo Xukuumadiisu ku Kacayaan waxaa Lagu bixiyaa Cashuurtii Laga qaaday Dadka Masaakiinta ah dhaqaalihii yaraa ee ka soo xerooday. Tusaale ahaan Wasiirka Arimaha Debeda ee Riyaale wuxuu Dhawr goor u baxay Safaro aan umada wax uga soo naasacadaanin, sida kii ugu danbeeyey ee uu kulamada kula yeeshay Wasiirka Macdanta ee Sheekh Shariif Mudane Maxamed Cabdilahi Oomar iyo Wasiirka awqaafta ee Djibouti oo goob joog ka ahaa.











Tusaale ahaan wixii ka dhacay wadanka Maraykanka ilaa waqtigan la joogo Shacabka iyo Xukuumaduhu way ku kala aragti duwan yihiin, sicdii, cidii iyo sababtii ay u dhacday Falalkii September 2001ka dhacay wadankaas, taas bedelkeedii ayaa Maamulka Riyaale wuxuu shacabka Ku cabsi geliyaa Nabadgelyada ayaa la xumaynayaa, Taas oo imika ay fahmeen wax kale daayee Mujtamacii caalamku sida qoraalo badan oo ay soo saareen ay ku cadeeyeen.


Marka la isku soo xooriyo ee lagu biiriyo fikrada odhanaysa Qaraxyadii iyo dilalkii wadanka ka dhacay waxaa Gadhwadeen ka ahaa Xukuumada Riyaale Laftigeeda oo u badan Dadkii NSS-ta ahaa ee shirqoolada wax ku fulin jiray ee ay adeegsan jirtay Dawladii Afweyne Barre, iyo weliba Marka qof kasta oo somaliland ka soo horjeeday uu soo noqdo ugu Biiro Maamulka Riyaale iyo xisbigiisa sida Xoghayaha Guud UDUB ee waqtigan oo ka mid ahaa dadkii Waqtigii Marxuum Cigaal aad uga soo horjeeday Qadiyada Somaliland, Waxa Meesha Kaaga soo baxaysa Inuu jiro Xidhiidh balaadhan oo dibin daabyo ku ah qaranka Somaliland oo ay heshiis ku yihiin Riyaale , Geelaha Jabouti, Axmed weled abdallah, Sheekh Shariif iyo Alshabaab oo iyagu iska soo horjeeda.



Qallinkii Mubarak qoorubaxay

No comments:

Post a Comment