WAR DEG DEG: BOOLISKA OO ALBAABADA U XIDHAY GOLAHA WAKIILADA IYO DAGAAL KA DHEX DHACAY XILDHIBANDA
Fadhigii Maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro) fadhiyeena 67 mudane ayaa la horkeenay labada Mooshin ee la doonayo in Mid maamuus ka xayuubin lagu sameeyo Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa halka ka kalena ahaa in dib loo furo xeer hoosadka golaha kaabis iyo wax ka bedelna lagu sameeyo.
La Taliyaha Dhinaca sharciga ee golaha Wakiilada Axmed Cali Kaahin ayaa ka hor akhriyey Golaha Wakiilada in Mooshinka Xilka laga Xayuubinayo Madaxweyne Rayaale uu yahay mid sharciga waafqasna , Halka Mooshinka Wax ka bedelka iyo kaabista xeer Hoosaadka golaha uu ku sheegay La taliyaha dhinaca Sharciga ee Wakiiladu mid aan dhamaystirnayn oo aan waafaqsanayn sharciga ,tahayna in loo gudbiyo guddi hoosaadka golaha.
Golaha ayaa galay buuq iyo qaylo waxaana la isula tagay gacanta halka xildhibaan la soo baxay Tamuujad ( Baaskoolad) inkasta oo aanu cid ku dhufan xaruntuna waxay isu rogtay fawdo Buuq iyo dagaal . Xidhibaanka Walfinayay Baaskoolada ayaa ahaa Xildhibaan C/raxmaan Xoog oo ka tirsan Xisbiga Udub oo ay gacanta isula tageen Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka tirsan Xisbiga UCID.
Dagaalkan Dhex maray Xidhibaanada ayaa ah kii ugu cuslaa ee xildhibaanada Golaha Wakiiladdu isku fara saareen,waxaana ka dhashay dagaalkaasi dhaawacyo soo kala gaadhay xildhibaanadii.
Dagaalkan saaka ka dhacay golaha Wakiiladu waxa uu ka bilaabmay muran xoogan oo ka dhashay Mooshinkii xildhibaanada Mucaaridka ahi ay keeneen Golaha oo maanta markii labada mooshin golaha laga hor akhriyay la yidhi waxa loo dhiibayaa guddida joogtada ah taasoo ay diideen xildhibaanada muxaafidka ah oo ku dooday guddidaasi inaanay ku kalsoonayn oo muran ka aloosan yahay isku badal dhawaan shirguddoonku ku sameeyay sida uu xildhibaan C/raxmaan xoog oo mikirifoonka golaha istaagay u sheegay shirguddoonka iyo golahaba.
Muranka iyo Dagaalka kadib Guddoomiyaha golaha Wakiiladda C/raxmaan cirro ayaa dabadeed si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu goluhu xidhan yahay isagoo aan cod baahiye haysan .
Ciidamada Booliiska ayaa iyana soo galay guddaha golaha wakiiladda si ay u kala qabtaan xildhibaanada balse waxba kamay suurtogalin oo xaaladii waxay ka baxday faraha, waxaana markii danbe sameeyeen in ay gabi ahaanba albaabada u xidhaan golaha iyaga oo la wareegay furayaashii golayaasha dibadana u saaray xoghaymihii golaha sidaasaan u golihii ku xidhmay booliskuna kula wareegay xaruntii Wakiilada .
Mo Yusuf
Hargeysa TogaHerer

No comments:
Post a Comment