Tuesday 8 September 2009

GUD WAKIILADA OO SHEEGAY IN GOLIHII LALA WAREEGAY BAAQNA U DIRAY SHACBKA IYO INTA DANYSA SOMALLAND

GUD WAKIILADA OO SHEEGAY IN GOLIHII LALA WAREEGAY BAAQNA U DIRAY SHACBKA IYO INTA DANYSA SOMALLAND

GUDOOMIYAHA WAKIILADA OO SHEEGAY IN CIIDAMO LA WAREEGEEN GOLIHII WAKIILADDA ..

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda JSL Md C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro ) ayaa Sheegay in talaabo laga qaadi doono mudanaha golaha la soo galay Tamuujada ( Bastoolada) oo la marin doono xeer hoosaadka waxa uga yaal golahooda.

Md Gudoomiye Cirro ayaa sidoo kale sheegay in Xaruntii Wakiilada ay la wareegeen Ciidamo soona galeen ciidan aan xaq u lahayn in ay soo galaan golaha ayna qaateen furayaashi dhamaan wixii yaalayna ay la wareegeen kalana wareegeen inamadii waashmaanda iyo xoghaynta ahaa arintaas oo ah sharci daro .

Gudoomiyuhu wuxu uu intaa ku daray in ay u sheegayaan ummadda Somaliland iyo cidda danaynaysaba Somaliland ba in golihii sharci dajinta oo labadii wiig ee u danbeeyey ba ciidan ku waageersanaa ay maanta oppression koodii ay labada wiig ay sugayeen ay fuliyeen oo ay golihii la wareegeen oo golihi aanu gacantayada ku jirin oo mafaatiixdii bil khasab lagula wareegay .

Gudoomiyaha ayaa intaa raaciyay in aanay xaq u lahayn in ciidamo soo galaan in ay furayaasha ka qaadaan sidoo kale waxa uu sheegay in mudanayaashi ka dareereen xarunta ba oo cid mudanayaal ah oo joogta aanay jirin .

Gudoomiyahu mar uu ka hadlaayay waxa ay yeelayaan shir gudoon ahaan wuxuu yidhi anagu hub ma haysano in aanu ummadda u sheegno oo shacabka u sheegno oo aduunka u sheegno in golihii lala wareegay oo bil khasab lagula wareegay.

Mo Yusuf
TogaHerer Hargeysa

No comments:

Post a Comment