Monday 7 September 2009

DAGAALO XOOGAN OO GALABTA ILAA CAWA KA DHACAY MAGALDA MOQDISHO

DAGAALO XOOGAN OO GALABTA ILAA CAWA KA DHACAY MAGALDA MOQDISHO

Image and video hosting by TinyPic

Khasaare xoogan oo ka dhashay dagaalo culus oo galabta magaalada Muqdisho ku dhaxmaray Ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowlada Federaalka Somalia iyo xoogaga hubaysan ee ka soo hor jeeda dawlada.

Madaafiic ay labada dhinac is dhaafsadeen ayaa sababtay geerida in kbadan 10-qof oo badankood ay madaafiic haboow ah ugu tagtay guryahoodii islamarkaana dhaawacyo farabadan loo daad gureeyay Cisbitaalada magaalda Moqdisho.

Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa yimid kadib markii Xoogaga Islaamiyiinta Mucaaradka ah ay madaafiic iyo weeraro toos ah ku asqeeyeen Ciidamo katirsan kuwa AMISOM taas oo sababtay in AMISOM ay dagaallo toos ah gasho.

Dhimashada ugu daran ayaa ka dhacday Suuqa Bakaaraha iyo Africa Vilage degmada Hodon halkaas oo ay si Hal Haleel ah ay ugu soo habsadeen Madaafiic culus.
Sidoo kale dagaallo culus ayaa caawa Fiidkii ka dhacay Kuliyadda Jaalle Siyaad oo fariisin u ah Ciidanka AMISOM waxaana halkaas laysku weydaarsaday Madaafiicda garbaha laga geno, xaalada Muqdisho ayaa caawa ayaa aad u kacsan waxaana laga cabsi qabaa in Ciidamada AMISOM ay beri soo weeraraan kooxaha Islaamiyiinta ah.
Si kastaba ha ahaatee dagaaladii Caawa dhacay ayaa sii badiyay dhaawacyada faraha badan ee jiifa Cisbitaalada waaweyn ee magaalada Muqdisho mana muuqdaan dadaallo lagu joojinayo dagaalada.

Axmed Kulan
Modisho

No comments:

Post a Comment