Thursday 3 September 2009

BURCO :HAYADA WADANIGA AH EE EAWADA OO DEEQ RAASHIN AH GAADHSIIYEY G TOGDHEER

BURCO :HAYADA WADANIGA AH EE EAWADA OO DEEQ RAASHIN AH GAADHSIIYEY G TOGDHEER

Burco: Hay’adda Wadaniga ah( EAWADA)oo Deeq Rashin ah gaadhsiisay Deegaano ka mid ah Gobolka Togdheer.

Burco : Hay’ad wadani ah oo lagu magacaabo East Africa-Welfare-and Development-Association (EAWADA) ayaa shalay markii u horeysay Raashin deeq ah u qaybisay deegaano iyo tulooyin badan oo hoos yimaada Gobolka Todheer.

Raashinkan ay qaybinaysay Hay’ada wadaniga ah ee (EAWADA) aya isugu jiray dhowr nooc Sida Bariis, Daqiiq, iyo Saliid Iyadoo raashinka u qaybinaysay dadka saboolka ah ee Degen Tuulooyinkaasi hoos yimada Gobolka Togdheer.


Raashinkan ayaa ahaa 100 Kiish oo bariis ah,100 Boqol Kiish oo Daqiiq iyo 100 Boqol Jirkaan saliid ah iyadoo rashinkna loo qaybiyey ilaa 100 Boqol Qoys oo ka mid ah dadweynaha Tuulada Waraabeeye oo Qiyaastii 70 km, dhinaca koonfureed ka xigta Magaalada Burco, Qaabka loo qaybinayay Raashinkan ayaa ahaa in Qoyskii walba la siinayay 3kiish oo raashinkaas ah,


Guddomiye ku xigeenka Golaha Deegaanka Burco Axmed Cabdi Jaamac oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qaybqaadatay qaybinta raashinkan ay bixinayso Hay’ad wadaniga ah ee (EAWADA) ayaa waxaa uu Sheegay in arintan ay si weyn wax uga bedelayso baahida bulshada ku dhaqayn deeganaadasi,waxaanu ugu baaqay hay’adaha kaalmada noocan oo kale ah bixiya inay ku beegaan kalmadooda xilliyadan oo kale maadama xilligan ay tahay xilligii ugu adkaa dhinaca nolasha marka laga hadlayo dadka reer guuraaga ah ama dadka baadiyaha ah, sidaasi darted buu yidhi Hay’ad kasta oo wadani ah laga filayo inay talaabadan oo kale qaadaan.


Guddomiye ku xigeenku G/D waxaa kale oo ugu baaqay hay’ada WFP inay dib u soo celiso barnaamijkii cunto qaybinta si ay fursad ugu noqoto bulshadan Dhibaataysay ee abaaraha ba’ani saameeyeen maadaama ayuu yidhi xilligan lagu jiro xilli jiilaala oo roob yari ka jirto guud ahaanbaa deegaanka.


Hadaba Barnaamijkan qaybinta raashinka ee East Africa-welfare-& Development-association (EAWADA) ayaa ku soo beegmay bisha Ramadaan ah isla markaasna dadka tuulooyinka ama reer guuraaga ah ay ku jiraan xilli abaareed aad u kulul.
Wakiilka Hay’ada EWADA ee Somaliland Shiikh Aadan aw-Xasan Siciid (Aadan-xasan-quule) ayaa isaguna qaybinta raashinka ka dib waxaa uu cadeeyey inay raashinka ugu talo galeen inay qoysaskani noloshooda ku kabaan.


Wakiilkan ayaa sidoo kale xusay inay deeqdan si wada jira isaga kaashadeen Hay’ada Muslim Aid iyo Hay’ada EWADA, ayna rajaynayaan inay u gudbi doonaan meelo kale si ay uga qayb qaataan kor u qaadida noloshooda.


Hay’adan wadaniga ah ee East Africa-welfare-& Development-association (EWADA) ayaa waxaa ay sidan oo kale hore uga fulisay deegaano ka mida gudaha iyo dibada Magaalada Burco, Barnaamijyo deeq ah oo sidan oo kale lagu kabayo qoysaska aanay ku filayn hantidooda iyada oo iyaguna dadka saboolka ah ee raashinka la siiyo qaarkoodna ay ka hadleen deeqdan ay soo gaadhsiisay hay’adani ugana mahad celiyey.



Ugu danbaymtii Wakiilka Hay’adan wadaniga ah sh.adan xasan siciid oo aan khadka Telephone ka kula xidhiidhay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan barnaamijyadan deeqda ah oo uu ku sheegay barnaamijyo khayri ah.sido kale wuxu xusay sheekhu in ay Galabtaba afurin doonaan Dad gaadhaya Boqol Qof, isla markaasna ay socon doonaan bishan Ramadan BARNAMIJYADAN khayriga ah,isagoo xusay in agoomo ay meelo ku xannaaneeyaan iyo dad kaloo darbi jiif ahba.








Weriye : Mustafe Osman A/rahman
mustafe_480@hotmail.com

BURCO SOMALILAND

No comments:

Post a Comment