Wednesday 7 October 2009

YAAN LAGU SALAYN XULASHADA GUD/CUSUB EE DOORASHOOYINKA XAFIILTAN SIYAASADEED.

YAAN LAGU SALAYN XULASHADA GUD/CUSUB EE DOORASHOOYINKA XAFIILTAN SIYAASADEED.

WAXAAN KA BAQO QABAA IN XAFIILTAN SIYAASADEED

LAGUSOO DHISO GUDDIDA CUSUB EE DOORASHOOYINKA

MARKA LA EEGO ISMAANDHAAFKA SALEEBAAN GAAL IYO GUDOOMIYAHA

LABAAD EE G/GUURTIDA MUD: SICIID JAMAC IYO KALA BOODKA SIILANYO IYO FAYSAL.

Heshiiskii la gaadhay ee ahaa 6 qodob hadalkiisii wuu hadhay oo la heshiiye, waxa la guda galay fulintiisii oo ay u horaysay badalka Gudidii Fashilantay. Shaqada ay iska casileena wax wayn umaanu arkayn sababtoo ah iscasilaada siyaasadu(Political Resignation)waxay macno leeday marka aanad ka war qabin in lagu eryayo. Aan ka gudbo taase,waxa loo fadhiyaaba waa soo dhisitaankii Gudida Cusub ee doorashooyinka inagu soo fool leh kuwaasoo sidaynu ka war qabno ah tiro 7 xubnood ah.

Bal hadaba inagoo ahmiyad siinayna dhawrista iyo la socoshada guda galka sidii loo fulin lahaa heshiiska,ayaa waxa jira in Gudoomiye Siilaanyo leeyahay heshiiska kumay jirin in xubnihii hore dib loosoo magaaco halka faysalna ka leeyahay xubintayadu waa bilaa dambi oo goordambe ayaanu soo magacawnay fadeexadii dhacayna waa ka bari Siilaanyona sharci kaligii ma samaysan sharci u gaara. Hadaba kani waa khilaaf wali curdina oo waa bilawgii ee waxay balaayo kale illaahay haygna hayee ka jirtaa ama dagaal qaboobi ka socdaa sidii loosoo magacaabi lahaa labada xubnood ee ka imanaya dhanka Golaha Guurtida. Sida laga dharagsan yahay Saleebaan oo ah Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa aad moodaa inuu u dhabar gaabinayo sidii uu u keeni lahaa laba xubnood oo adag. Addayg waxaan uga jeedaa niman caabiyi kara fikir u qarsoon isaga. Waxa kuu cadaynaysa amuurtan in saleebaan laga hayo marka Rayaale soo magacaabo sadexda (3) xubnood ayaynu magacaabaynaa inagu hadaynu Guurtida nahay, halkaas Danni uu qabo ayaa jira ama aynu nidhaahno TIMIR LAFBAA KU JIRTA!!. Mida labaad Saleebaan Gaal waxay fooda isla galeen Gudoomiyaha Labaad ee Golaha Guurtida Mr.Siciid Jaamac Cali iskuna maandhaafeen cidii laga dhigi lahaa labadaa xubnood. Mr. Siciid Jaamac Cali waxa uu carabka ku dhuftay soona jeediyay in la magacaabo laba nin oo kasoo jeeda Sanaag Bari iyo xubinta kale oo kasoo jeeda Gobolka Awdal.

Baryahan dambe ama sidii mooshinada ay isugu maleegeen Saleebaan iyo Rayaale, ma aha sidiisii saleebaan oo waxa ka soo hadhay Gaashaan ku dhufasho. Arinkasta oo uu ka biyo diido waxaad arkaysaa iyadoo la leeyahay gaashaankuu ku dhuftay.

Waxaan kaga baxayaa aasaaskii fulinta heshiiskan oo ku bilaabmay soo magacaabida xubnahii gudida cusub ee doorashooyinku waxa uu noola eegyahay qaab xajiimaysan ee ilaahay sidii roon ha ka dhigo AAMIIN.

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com
Mobile# +974-6659801.

No comments:

Post a Comment