Wednesday 28 October 2009

HALKII I DALOOSHAY LAYDAMAQ !!!

HALKII I DALOOSHAY LAYDAMAQ !!!

shotaly yar

HALKII I DALOOSHAY LAYDAMAQ !!!
DUGSI MALE QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE ( TIMA-CADE) rabbi janada haka waraabiyo’e , intaas waxa aan raaciyey gaariye oo ku daray,
Waa boog dalooshoo, dadka maanka kaga taal,
Duqsi qudhun ku looliyo, nin danlaana kala faga,
Waa astaanta dibu dhaca, uu daciifku weheshado,
Sidaas awgeed waxan lee-yayahay kuwan cidlada jafaaya, waar oodweynenew, caynaba, baligubadle, midna uma talisaan, ee intuba waxay lee-yihiin cuqaal iyo odayaal, salaadiin, iyo maamul dawladeed oo ka jira kana arimiya, ee intiina ka hadlaysa waxan idinka kurtiina meel dhiga, denbiyo fara badan baad ka gasheen umada’e, waxad cagaha ku walaaqateen xaar aan idinka maydhmayn, ka dhex baxa shicibka walaalaha ah ee aad rabtaan in aad fooda isu gelisaan, oo aad iska hor keen-taan, mid kiina wax kama oga colaad iyo nabad toona, waxa tihiin inamo yar-yar oo calooshooda la ciyaar ah oo weli aan waayin suxbax qudha quraac, weli qaxin, oo aan aqoon waxa uu yahay tabaq dhoon, waxa idinka hadli-naaya dhereg oo waad barwaaqo daacay-saan, kibir iyo ninkeed guba baa idin haya waxa aad tihiina ma jiraan, caqli ma lihidin, maskaxna meesha kuma haysaan, sida duunyada baad u xalinay-saan waxay la kulmi doonaan aan garanayn, waayo ma aydin samayseen in reero ugu yeedhaan magacyo, waxad sheegaysaan oo dhan ninba inta uu yidhi buu yahay.
Waxa nasiib daro ah in halkii la rabay in aynu ka dhaqaajino, oo u gudubno dimuqraadiyad aynu dib u walaaqanay kaadi, markii la odhan jiray kaadidayda baan u soo cabay ee aan geesinimo maadaayey, saw waxay ahayd waan ku fool dhaqday oo xumaanta baan ka helaa, habeen-kaan dhaawac arko baan dharaartii tukadaa, oo waxan ahayba wax aan sida bani’aadamku u fekero mooyee waxa kale lagu mash-quuliyey, khalqiga ILAAH uumay waxay tiigsa-daan horumar iyo in ay wax qab-sadaan ay meel ku gaadhaan, oo wax taraan naf-tooda, dhaxala uga tagaan ubadka ay dhalaan mase dhaci karto in aynu inaku taas garano, haddii ay timi maantaba in la isu caayo oo yooyootan ka dhex dhaco kuwii aan is lahaa way dhaami sidaas oo mar uun bay filcil la iman, aan dhex galo qabyaalade, weli miyaad aragteen daaroood is haysta, oo sida aad isu ceeb sheegay-saan sirahooda idiin la yimaada oo ka sheekeeya, waa maya, haddii aynu nahay isaaq saw ma nihin inaku xoolo aan garanayn intaas ay iyaku og yahiin, inta aydin sidan isugu taagan tihiin waa habeenkii xalay tegay in aad kob cagaar leh ka soo durduri-saan, ee cagata hoosteeda baad ku jiri doontaan haddii aad is ixtiraami waydaan.
* N.B Doqon yahay ka kaca meehsan aydin dacayda laalaadin
abdi-shotaly,

No comments:

Post a Comment