Wednesday 28 October 2009

GUDIDA DOORASHOOYINKA EE CUSUB WAY KA TAYO IYO TAMAR LIITAAN KUWII KA HOREEYEY.

GUDIDA DOORASHOOYINKA EE CUSUB WAY KA TAYO IYO TAMAR LIITAAN KUWII KA HOREEYEY.

QallinGuddiga Doorashooyinka ee Cusub way ka tayo iyo tamar liitaan kuwii ka horeeyey!!

28 Oct.2009

(Weli lama hayo G.Doorasho oo sax ah,balse xaalku wuxuu marayaa,waar yaa mar uun Doorasho noo qabta,mana jirto cid ka fekeraysa dhibka ka iman karta hadii aan la helin G.Doorasho sax ah )

Ka dib muran aad u fara badan,aflegaado,iscasilaad,faragelin baa jirta iyo hebel baa qaatay ee anigu ma qaadan , horaantii bishan Okt. 2009 ayaa G.Doorashooyinka ee Somaliland waxay furihii xafiisyada u dhiibeen mid ka mid ah shaqaalaha Xafiiska Doorashooyinka Somaliland.

Marar badan ayaan sheegay in guddigii hore ee .Doorashooyinka Somaliland, aanay qaban Karin howsha loo dhiibay,waxaan marar badan ku baqaay in la bedelo si aan waqti inooga lumin,balse dheg looma jalaq siin.

Haddii aan u soo noqdo G.Doorashooyinka ee la ansaxiyey 24Okt 2009,lana dhaariyey 28 Oct 2009 ,waxaan mar kale qabaa in aanay ahayn qaar ka dabaalan kara howlaha faraha badan ee sugaya.

Waxay ila tahay in Guddiga cusub aanay buuxin shuruudihii ugu muhiimsanaa ee laga rabay shaqsiga noqonaya xubin ka mid ah G.Doorashooyinka ,waxaana ka mid ah:-

1. Ma laha waayo aragnimo shaqo iyo mid maamul,oo ay kaga bixi karaan hawsha culus ee dalka iyo dadkuba ka sugayaan.

2. Ma maydhi kara ,nadiifin kara ceebtii ay ka tageen G.Doorashooyinka ee ka horeeye,soomana celin kara sharaftii iyo karaamadii looga baahnaa G.Doorashooyinka.

3. Kama badbaadi karaan, Guddigani, dubayaasha saddexda Xisbi ee tartanku ka dhexeeyo.

4. Ma aha Guddi la odhan karo waxay go,aan adag ka qaadan karaan, howlaha badan ee isku murugsan ee sii yaala miiska Xafiiska ay fadhiisan doonaan iyo kuwa soo kordhi doonaba.

5. Ma filaya in ay yihiin Guddi fahansan howlaha sugayaa inta ay baaxad iyo culays leeyihiin iyo in dalka iyo dadkuba iyaga ka war sugayaan.

Hadal iyo dhamaan G.Doorashooyinka ee cusubi way ka tamar iyo taagba liitaan kuwii ka horeeyey.

Dowlada-Xisbiyada iyo shacabkuba ,waxay ku daaleen Doorashadii dib ayaa loo dhigay,waxaa ii muuqda deg deg aad u fara badan oo aan la kala eegayn sax iyo khalad waxa socdaa,xaalkuna wuxuu noqday “yaa mar uun Doorashooyinka na dhaafiya”

Mahadsanidin.

Qalinkii Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

No comments:

Post a Comment