Friday 30 October 2009

BARBAR-KAY KA BAXDAA WAA BAKAYLO QALEEN!!

BARBAR-KAY KA BAXDAA WAA BAKAYLO QALEEN!!

SHOTALY WEYN

BARBAR-KAY KA BAXDAA WAA BAKAYLO QALEEN!!
Waxa la yidhi caano qubtay-ba dabadood la qabay hadaan la qawadin, oo micnaheedu yahay waxa aan la badabaadin karini ma jiraan haddii la rabo in wax la saxo oo sida hagaagsan loo dhigo ama oo loo qotomiyo si aanay mar dambe u ciirin ee salka dhulka loogu aasi lahaa iyada oo si isu dheeli tirin loo tiiriyey oo aan looga baqayn in ay ciida mar dambe caanuhu galaan, hadaba haddii aan u gondo dego halka i baba-naysa ee rabta in fartu damaqdo ana aan ka hor joogo waxay tahay:-
(1) Axwaasha ku xeeran komishanka cusub iyo
(2) kaalimaha looga baahan yahay in uu inaga waraabiyo,
(3) iyo qaabka uu inooga waraabi-naayo darka.
* Aan ku horeeyo’e axwaasha’e waxa komishanka hor yaala hawl aad u fara badan, oo mudo badan dayac-nayd, isku dhex daadatay oo sida mara-boobta cid kala fagtana la’ ilaa imikana ee aan weli gacanta lagu dhigin cidi maarayn lahayd ee miiq walbana gaar uga fur lahayd waxaa isku murugsan, ee ay faraha kaga gubteen nin kasta oo is mooday hormood oo ay belo ka dhacday,maamul kastaana uu ku saaqiday in uu saxo wax ka qabshdiisa, wata rebshedo badan oo nooc walba leh xataa marka lagu daro gacan ka hadal keenay geeri iyo dhaawacba sinaba loo baajin kari-waayey, kacdoon, werwer iyo baqdino la filaayey mararka qaar-kood in ay faraha ka baxaan oo loo caal waayo dejin-tooda laakiin aanu ilaah ka dhigin ee ay ku nabad dhashay cidi usga-geed wax ka yar iyo il-bidhiqsi uu dhamaaday fakalool daba ka werwer dhinac ordaayo, ha yeeshee dar al-le u sabata baxaday umada bilaa denbiga ahi ee kubada kolayga lagu hor ciyaarayaa, waxa jiray aflagaa-dooyin aan la qiyaasi karin oo komishanka ku socda, kuwo lagu cambaa-raynaayo guud ahaan iyo kuwo dhexdooda ah, qaar lagu kala jiidanaayo oo ay suxbiyadu kolba in ka mid ah lee-yihiin daacad maaha ee dhan bay u janjee-dhaan, iyo iyada oo lagu qanacsa-nayn hawsha ay gacanta ku hayeen, taas oo mudo dhaaftay wakhtiyaddii loo cayimay dhawr jeer kolba si ay u turuntu-rootaba, kacaa-kufto’ba, marba ay kariiradi ku soo baxdo oo joojiso-ba, hadaba ay buuro dhaadheer isla fuulaan sedexda xusbi, hadana isula soo daadegaan gunta oo isla muquuraan biyaha hoos-tooda la iska hirdiyey, iyada oo timaada i-jiid aan iyo ku jiidimaayo oo ay geesna u ruqaansan waydo, kuna ribato halka ay suxulada ku aasatay, iyada oo wayda cid qod-xaha ka gurta oo rakaad bixisa, sidaasna ku cago beesha oo raaf riix wayda marka ay ka quusato ruux u jixin-jixa, kuna dambaysa basan-baas candhuufta dib looga liqo in aan wax ka soo naaso cadi jirin, waxa kale oo jira eedayn joogto ah oo maaulka iyo xusbiyadu ay mid-ba ka kale indhaha dadka ku jeedinaayo oo isagu iska dhigaayo mid SIDI-MULDHUKH ah oo aan weligii falin xumaan, isu tirin ay ku halawday danihii umadu oo cidla u faquuqday wixii dadka ka dhexeeyey, laguna mash-quulay kursiga ka soo deg iyo diiday, wuu kaa dhacay wakhtigii iyo ilaa madax-weyne kale la soo doorto la ima bedeli karo, hadaba akhristoow sababaha kor ku qoran iyo in kaloo ka sii fara bdan oo aan la soo koobi karin baa ku xeeran komishanka ilaa imikana taagan oo weli fari ka cawyn in kasta oo markii sadexaad tahay ee la sameeyo gudi doorsho ( komishan), kuwani-na ay yihiin gacan uur ku jirta oo waxay la iman doonaan ay tahay gantaashii cirka loo diray nin walboow filo, ha yeeshee uu dad weynuhu u badinaayo in ay yihiin kuwo xag-jiro u badan oo qayb waliba soo xushay kii ugu faro cadaa oo ay imikaba xamxamtu sii badan tahay, hadana waxa la lee-yahay looge waa laguu mina fadhiyaa ee taas ogoow, qabyana waa hal-keeddii oo faanoole fari kama cawyn, kii ugu darnaa ee neefka indhaha iyo dhegaha ka jaray markii uu is yidhi gawracna weli looma-ba dhaqaaqin waa TIRO-KOOB-KIIYE, KAN OO AH WADNAHA KUMISHANKA, lana hubin in ay istaagi doonaan xididada dhiiga qaadaa, in dhiig kar ku dhici doono oo dhakhtar loo qaadi doono, iyo in daw loo heli doono kolba sida xaalku noqdo waa wax ay dhegtu ka sii taagan tahay waase iman tii al-le iyo khayr ay umadu ka rajo qabto.
* Kalimaha looga baahan yahay in komishanku inaga waraabiyo iyana waa kuwo dhibtooda leh oo aad u adag qof kasta oo reer somaliland ahina uu ku seexdo kuna soo tooso taloow maxay noqon ninkii awrki lacag siistay aan kuu soo koobo qodobane:-
(a) Kaalinta ugu horaysaa waa in uu qofku al-le yaqaan oo dhiniciisa u tudhaa, cidna aanu garabka saarin, marka uu hawshan galo,
(b) Waa in uu daacad noqdaa, oo uu iska ilaaliyaa wixii xumaan ah ee muddaro ah, cadaalad daro, eex, abtirsiin xusbi-nimo, reer-nimo, qof jeclaysi, laaluush, been, iska hor- keenid, xaalad abuur, waa in uu saafi ka ahaadaa kursi doon-nimo
(c) In uu hawl maalmeed-kiisa sida ay tahay u gutaa oo aanu meermeerin shaqada ee uu yahay hawl-kar, wax dhaqaajin kara.
(d) Waa in uu yahay qof lagu kalsoonaan karo oo u qalma jagada loo doortay,
(e) Waa in uu xariir ka ahaadaa fooxumoo-yinkii lagu bedelay kuwii ka horeeyey,
(f) Waa in uu muujiyaa in uu awood u lee-yahay fulinta xaalaalda dhumucda weyn ee hor taala ( waa doorashada’e),
(g) Waa in uu ka digtoo-naadaa in uu ku dhaqmo wax yaabaha suuqa yaacaaya oo uu ku ekaadaa shaqadiisa,
(h) Waa in aanu ficiltan iyo aar-goosi mid-na ku kicin ee loo sinaadaa.
(i) Waa in uu gartaa, fahmaa xilka garbaha u saarani culayska uu lee-yahay, sidiisana uu u uga taxa-diraa wixii wax-yeelo ku keenaaya.
(j) Waa in uu ka fogaado wixii fool-xumo ahaa ee keenay iska hor-imaadkii carqalada ku noqday kuwii hore ee dalka ka gawracay qadaadka.
* qaabka uu inooga waraabinaayo darkana, iyana waa kuwo ay ku dheehan tahay xamaasad ah ilaa car-i-taabo ahi, oo xanaf weyn leh, salkana aan ka degenayn oo isu fiirsi ah, dacaayad burburin ah oo kaar dhaaftay, la isu ciil cunay, la kala aamin baxay oo gaadhay car dhegta i taabo iyo car la dhaqaaq adaa ku dhaca’e, waa marxalad ay ku xidhan tahay mustaqbalka somalilandnabad iyo colaad, gooni siu taagi aan hiigsa-naynay iyo madax banaaniddii aan rabnay, waa wakhti la jilcay oo ay yar tahay wixii sama falka ahaa iyo kala dambayntii oo xumaantu dheerayso, qofka wanaaga wadaa aanu muuqan ee laga jecel yahay tuuga, beenaa-laha, xaaraan yahanka, munaafaqa
oo la neceb yahay ruuxa al-le ka baqa, waa wakhti wadaadkii adimay la yidhi muxuu nooga dul qaylinayaa muu dantiisa ku foofo, oo ay dhimatay wax isu sheegii iyo wixii la kala qaadan jiray, hadaba darka aynu rabno in ay inaga waraabiyaan, wuxu yhay oo keliya sadex waxa kuwaas oo ah sidan soo socota:-
* In ay ka taliyaan danta umada waxa ay ku jirto, waixii klae’ba dhan iskaga duwaan.
* In ay xaqa ku adimaan oo aanay ninaba u joojin ee siddii al-le yidhi raacaan, oo qof walba wixii uu helay si cad u siiyaan iyaka oon ka baydh-baydhin xaqiiqda,
* Iyo iyaka oo dhaarta ay shalay kitaabka gacanta saareen ku meel mara, kana dhabeeya waxay ay ku dhaarteen, dhaafaan waxa ka dhacaaya hareera-hooda iyo sheekoo-yinka iska hor iyo daba jeeda iskana hor imanaaya, ee ku tibada siddii ay u fulin lahaayeen waxa ay ka filayso umadu.
Hadaba waxan ku soo gabaga-baynayaa in yar oo aan ku lee-yahay shicibka reer somaliland, waar haddii aynu wax ka sheegnocaruurta uurka ku jirta ( waa komishanka’e) oo aan la sugin inta ay bal dhalana-yaan, ee aynu sii tafaa-fulo waxa ay samayn doonaan marka ay ifka u soo baxaan ee ay ka yimaadaan caloosha hooyadood, waxay maqlaan waxa ugu horeeya waxa weeye caydooda loo kala dhig-dhigaayo, sida loogu kala abtirinaayo, cida ay u janjeedhaan, bal markaas maxaad ka filaysaan in ay kuu qabtaan, ma idinla tahay in aad cagta u dhigtaan oo bal aan eegno sida kolba ay u bilaabaan hawsha fooda ku soo haysa, haddii kalese ogaada inaka baa ka waalaye yaanay inooga dhicin haddii aanan qolo ku foognayn, ama aanan dhiig faraha darin waa-naan fadhiyi karin.
*N.B Talo wa mar ay kaa maqan tahay, iyo mar ay kugu maqan tahay ee taada ka karaac baa la yidhi.
abdi-shotaly,

2 comments:

  1. Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

    ReplyDelete
  2. HALKAN HALKAN KA DIB MARKII DADKA MAGAALADA

    TESTIMONY SIDA AAD U HELI KARTAA HADDII AAD KA QAADO GURIYEYNTA GOOBAHA SHAQAALAHA IYO HORUMARINTA SHIRKADDA CIIDAMADA WAXAAN BADAN KA BADAN YAHAY MIDNIMADA IYO WAXAAD KA HELI KARTAA SHARCIYADA.
    ,
    Magacaygu waa Abdullah Waxaan ka socdaa magaalada Kismaayo waxaan raadinay shirkad dhab ah amaahda ah 5tii bilood ee la soo dhaafay, si aan u iibsado guri
    Dhammaan wixii aan helay waxay ahayd faragelin khiyaamo ah oo iga dhigay inaan ku kalsoonaado iyo dhammaadka
    Maalintii, waxay igu qaadeen lacagtayda aniga oo aan wax walba soo celin
    rajadaydii way luntay, waan wareeray oo aan niyad jabay, marnaba ma dooneynin inaan wax ka qabano shirkadaha amaahda internetka, sidaas darteed waxaan lacag ka amaahday
    saaxiib, waxaan u sheegay wixii dhacay oo dhan, waxayna tiri inay i caawin karto, taas
    Waxay ogyihiin shirkad deyn ah oo iga caawin karta wax kasta oo amaah ah
    Iyada oo loo baahan yahay dulsaar aad u hooseeya oo ah 2%, oo kaliya waxay heshay a
    Amaahda, waxay igu amartay sida loo dalbado amaahda, waxaan sameeyay
    sida ay ii sheegtay, waxaan ku codsaday Emailka (albakerloanfirm@gmail.com) weligay ma rumaysan laakiin waan isku dayay
    Aad ayaan u yaabay inaan helay deynta 24 saacadood gudahood, ma rumaysan karo,
    Waxaan ku faraxsanahay mar kale hodan, waxaanan ku mahadsanahay deynkaas
    Shirkadaha sidan oo kale ah ayaa weli ku jira khiyaamadan oo dhan meelo badan,
    fadlan halkan waxaan kugula talinayaa dadkaas inay u baahan yihiin deyn si ay u tagaan
    (albakerloanfirm@gmail.com) waligood kuma guulaysan doonaan, iyo
    noloshaadu waa isbedeshaa sida aan sameeyay. Xiriir xiriir ah (albakerloanfirm@gmail.com) maanta oo aad deyn ka qaadato, Ilaahay ha u ducee Albaray shirkad si ay u bixiyaan deyn dhab ah.
     Hubso inaad la xiriirto shirkad Albaka ah amaahdaada deyn ahaaneed sababtoo ah waxaan si dakhso ah uga helay shirkadan iyada oo aan lahayn walbahaar.

    ReplyDelete