Wednesday 21 October 2009

Qabyo Waa Halkeedii By Hussein Guled “Afgaab”

Qabyo Waa Halkeedii By Hussein Guled “Afgaab”

Qabyo Waa Halkeedii By Hussein Guled “Afgaab
Si loo helo doorasho xor ah iyo natiijo xalaal ah(Free election and Fair Result) waxaa lagama maarmaan ah in la helo komishan qaran oo dhexdhexaad ah oo ka madax banaan dhamaan dhinacyada siyaasada ku tartamaya, sidoo kale buuxinaya shuruudaha xeerka doorashooyinka, balse haddii musharax kasta iska soo horeysiiyo xubnaha ugu xagjirsan xisbigiisa waxay lamid tahay musharixiinta oo la dhaho idinku doorashada qabsada komishana isu noqda.

Komishankii hore ee fashilmay waxyaabihii burburiyay waxaa saldhig u ahaa saddexdii gudoomiye ee soo maray oo dhamaantood Daahir Riyaale soo xulay iyo iyagoo dhamaantood isaga daacad u ahaa sidaa daraadeed dankasta iyo hawl kasta oo loo igmaday waxay ka horeysiiyeen danta Daahir Riyaale talaabo aan raaligelinayna may qaadin, sida go’aankii ay ku laayeen natiijada diiwaangelinta iyo eregii haayada Inter-Peace, ugu danbayntiina waxaa laga dhaxlay wakhti lumis iyo khilaaf dalka halis galiyay.

Hadaba markii taas laga soo gudbay wuxuu M/weyne Riyaale celiyay labadii xubnood ee u horeeyey ee ay soo xulaan xisbiyada mucaaridku iyo xubin kamid ah labadii golaha guurtidu soo xulay, maan fahmin sida uu sharcigu u siiyay M/weynaha inuu isagu ciduu doono soo xusho xisbiyada iyo guurtidana kuwooda celiyo balse way dhacday.

Inkasta oo aan iminka cidina si toos ah u ogayn tirada guud ee ayka kooban yihiin xubnaha golaha dhexe ee xisbiga UDUB hadana waxaa dood aan yarayni ka taagan xubnaha Daahir Riyaale usoo xulay inay kamid noqdaan komishanka qaranka oo dadka badankiisa iyo warbaahinta qaarkeeda ka markhaati kacayaan inay kamid yihiin golaha dhexe ee xisbiga UDUB gaar ahaan Maxamed Axmed Geelle iyo Ciise Yuusuf Maxamed.

Waxay dad badani aaminsan yihiin in aanay labadan xubnood waxba ka duwanayn xubnaha wasiirada ee safka hore kaga jira golaha fulinta sida Cawil, Cirro, Sulub iyo Ina dhoolayare marka laga reebo xilka qaran ee ay hayaan, waxaa kaloo la saadaalinayaa inay labadan xubnood ee aynu kor kusoo sheegnay buuxiyeen shuruudaha uu Daahir Riyaale wax ku doorto oo ay kamid yihiin, Xagjirnimo, afmiishaarnimo iyo cadaalad darro.

Sidaas oo ay tahay hadana kamid noqoshada komishanka doorashooyinku waxay ku xidhan tahay golaha wakiilada somaliland oo iyagu awood buuxda u leh meelmarinta iyo soocelinta xubnaha ay usoo gudbiyeen xisbiyada siyaasada iyo golaha guurtiduba.

Waxaa kaloo marag ma doon ah in haddii xubnahaasi ka gudbaan golaha wakiilada ay markale caqabad ku noqon doonaan geedisocodka doorashooyinka, sidii Jaamac Sweden iyo Cali Biikalo sababtuna ay tahay xubnaha komishanka oo markii horeba aad u yar ay haddii badhkood dawlada la saftaan qofkii caqli u saaxiib ahi wuu garanayaa in aan inta soo hadhaa dalka ka qaban karin doorasho.

Sidoo kale waxaa dadka siyaasada falanqeeya (political Analyzers) aaminsan yihiin in ujeedada ugu weyn ee Daahir Riyaale ka leeyahay xubnaha uu usoo xulay komishanka doorashooyinku ay tahay in markay buuxin waayaan shuruudaha kamid noqoshada komishanka ay soo celin doonaan golaha wakiiladu taasina ay cimri dherer siyaasadeed u samaynayso xukuumada Riyaale oo aan iminka lahayn wakhti go’an oo ay dhacayso (Valid
Date).

Weydiinta ugu badan ee dadku iswaydiinayaa waxay tahay, xubnihii UDUB taageersanaa ayaa qasaarihii iyo wakhtigay lumiyeen laga soo kaban laayahaye kuwa UDUB ka tirsana maxaa laga filan doonaa saw lama odhan karo qabyo waa halkeedii.

Waa Qalinkii iyo Qoraalkii
Hussein Guled Jama “Afgaab”
Columbus Ohio U S A
xuseenafgaab@hotmail.com

No comments:

Post a Comment