Wednesday 28 October 2009

WAA KUMA KOMISHANEER C/FATAAX IBRAAHIM SHEEKH

WAA KUMA KOMISHANEER C/FATAAX IBRAAHIM SHEEKH

WAA KUMA KOMISHANEER C/FATAAX IBRAAHIM SHEEKH Komishaneer C/fataax Ibraahim Xasan, loona yaqaan ( C/fatax Ibraahim Sheekh) waxa Xilka Koomishanka Doorashooyinka Qaranka u soo Magacaabay Xisbiga Siyaasiga ah ee Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID si uu u buuxiyo Xubinta Koomishanka Doorashooyinka ay ku lahayeen Xisbiga UCID, iyadoo Golaha Wakiiladuna ay Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyeen maalintii Sabtidii Taariikhduna ahayd 24/10/2009. Fataaxii Komishaneer C/fataax Ibraahim Xasan waxa uu noqonayaa Komishanka Cusub ee la soo doortay Komishaneerka ugu da’da yar, mana laha wax balwad ah.

Sooyaalka Taariikhda C/fataax Ibraahim Xasan .

C/Fataax Ibraahim Sheekh Wuxu ku dhashay Magaalada Hargeysa , wuxu ku barbaaray isla magaalada isaga oo waxbarashadiisa Malcaamd Qur’aan Dugisyada Hoose Dhexe sare iyo Jaamacadeed ku soo kala qaatay Magaalooyinka iyo Wadamda Djibouti ,Hargeisa, Mogadisho ,Sudan ,Malaysia , UK.

  • 2007 – 2008 Cranfield University United Kingdom Postgraduate In W. Management Culuumta maamulka Biyaha.
  • 2000 – 2004 University Science of Malaysia,–M.Sc in Geophysics.
  • 1994 – 1997 International University of Africa, Sudan – B.Sc in Geology

Waayo aragnimadiisa Shaqo.

  • 2009- ilaa maanta Xoghayaha Guud ee Jaalliyada Somaliland ee Cariga UK .
  • Aug 2004 – Sep 2005 Gudoomiyaha HAERDO Organisation (GAAROODI) Somaliland.
  • Sep. 2001 – Sep. 2003 University Science of Malaysia, Malaysia Assistant lecturer Kaaliye Macalin.
  • July 1997 – July 1998 International University of Africa, Sudan Teacher Macalin .
  • 1996- 1997 Xubin Gudida Guud ee Ardayda Geeska Afrika ee Sudan.

Luqadaha uu ku Hadlo.

  • Somali, English , Arabic.

Komishaneer C/ fataax Ibraahim Sheekh Waa nin ay raga Isku faca ahaayeen u qireen Nin Saaxiib u ah Cibaado ,Aqoon, Degenaan ,Dul Qaad iyo Dabeecad dad la dhaqan ah leh. Komishaneer C/fataax Waxa uu ka mid ahaa Ardaydii 15 ahaa ee u sareeyey Jaamacada University Science of Malaysia isaga oo ahaa Ardaygii ku guuleystay wakhtigaas Award ka ay jaamacadu bixiso , sidoo kale waxa uu ahaa ardaygii u sareeyey Jaamacada International University of Africa wakhtigii Qalin jabintiisa Sanadii 1997 .

Fataaxmixed

Eng Cabdi fataax xiligii uu ahaa gudoomiyaha gaaroodi

Oday Maxamed ToggaHerer

No comments:

Post a Comment