Friday 23 October 2009

KULMIYE OO MAANTA ISKU MIISAAMAY JIDKA 150 IYO BAAQIGII TAAGEERAYAASHIISA KA HADHAY

KULMIYE OO MAANTA ISKU MIISAAMAY JIDKA 150 IYO BAAQIGII TAAGEERAYAASHIISA KA HADHAY

KULMIYE OO MAANTA MIISAAMAYSANWAA

BAAQIGA UGA HADHAY TAAGEERAYAASHIISII

Hadal ma dhamaadee Asalaamu calaykum dhamaan warbaahinta sharafta leh iyo shacabweynaha SL

Waxa maanta aan warbaahinta ku arkaayay kulimiye oo dhoola tus ka sameeyay JIDKA 150 halkaas oo ay joogeen niman ka tirsan hogaanka xisbigaas. Bini aadmiga aduunka ku nooli waxay markasta is waydiiyaan sabab intaanay ficil ku dhaqaaqin aniguna taas kala mid baan ahay dadka ee aan cadeeyo sababta igu kaliftay qormadan. Nimnkaas ku jira xisbiga kulmiye ayaa yidhi: xisbigii UDUB wuu ka soo laalabtay gobaladii bari arintani waa ta keentay inaan soo dhiibto ana bal taagta iyo tamarta uu leeyahay kulmiye. Horta marka u horaysa isdil iyo isnacayb ma jiro ee Asxaab ayaa laysu hayaa. Hadaba anigu xisbiga aan halkan u matalo maalinkasta waxa kusoo biira dad aad u tiro badan dabadeed waxaan is waydiiyaa oon u baqaa tallow maxaa ku hadhay xisbigii kulimiye ilayn maalin kasta waatan 500 ka baxayaane! Waynu u wada joogi xisbigaan is leeyay wuu kusoo dhawaankaraa UDUB waa xisbigaa UCID hayska yara darjiidho mar mare. Qasdi gooniya anoon kalahayn dadwaynuu wuu arkaa in UCID aanay ku jirin niman la wehiliyo oo aad ugu buseelay balaayo iyo baas. Hadaan ku noqdo hadalkaa hawaa’iga ah ee turjumaya inaanu anagu (UDUB) kasoo laalabanay Ceerigaabo iyo Burco, suaashu waxa weeye: haday dhab ka sheegayaan arintan maxaa laga lug goynayaa MADAXA OLOLAHA KULMIYE EE GOBOLADA BARI MAADAAMA UDUB AANAY JOOGIN?? Aansii biyo dhacee, maxay reer kulmiye uga samayn waayeen dhoola tus xaafadii iyo dagmooyinkii kale ee caasimada?? Inkastooy aad uga baaraan dageen halkay baaqigii taageerayaasha ugu hagaagi lahaayeen, waxa noo cadaatay in dadkii ay kaga hadheen tiradaa yar ee JIDKA 150. Waxaan kusoo gooyay horaa loo yidhi MAQAL MUUQATA IYO MADAX TIMO KUYAALAAN MIDNA LAGAMA QUUSTO, Reer Kulmiye waxaan leeyay waar sidan waxka badala isku daya inaa samaysaan A NEW POLITICAL INTIATIVES dadka kusoo jiidataan oo hanjabaadan 7 sano aa wadaan inaga daaya waxba dhalimayso cagajuglayni, inaga daaya dhalinyartan aydin sida fudud AAKHIRO ugu diraysaan ee leedihiin waa ina hebal ninkaasiye bilays maaha dhagaxan ku dhufo dabadeedna ninkii bilayska ahaa nafla caarid uu xabada ridayo. Waxaan idinku dhaafay intan ka mida Gabayadii Maxamed Nuur Fadal (IHN):

Nin naftiisa biime geshiyo, bohol xun mooyaane
Bawdada nimay kaga dhacdiyo, boqonta mooyaane
Gobanimo bilaash looma helo, ban iska taal taale

Wa bilaahi Tawfiiq

SANWAA CUMAR YARE

GUDOOMIYAHA GUDIDA
SIYAASADA XISBIGA UDUB
QATAR.
E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

No comments:

Post a Comment